Xildhibaanada barlamaanka DF Soomaaliya ayaa maanta waxay meelmariyeen miisaaniyada cusub ee xukuumada raysul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo kadib kulan ka dhacay maanta xarunta golaha barlamaanka ee magaalada Muqdisho.
Kulanka barlamanka ayaa maanta waxaa shir gudoominayey gudoomie ku xigeenka 1aad Cabduweli Shiikh Muudeey, waxaana soo xaadiray kulanka maanta 286 xildhibaan.
Gudoomiye kuxigeenka ayaa wuxuu kulanka ka sheegay markii la furay in doodii miisaaniyda ay soo dhamaatay maanta cod loo qaadayo miisaaniyada, waxaana markaasi kadib laguda galay codeynta.
Waxaa miisaanuyada ogolaaday 281 xildhibaan, waxaana diiday 4 xildhibaan halka 1 xildhibaan uuka aamusay. Markaasi kadib ayuu gudoomiye ku xigeenku sheegay in miisaaniyada la ogolaaday.
Dhinaca kale kahor intaa la ansixin miisaaniyada ayaa waxaa barlamaanka hadal u jeediyey Xuseen Ceelaabe oo ah gudoomiyha guddi loo saaray arimaha maaliyada kaasoo sheegay in miisaaniyada ay tahay mid hufan sida uu sheegay.
Xuseen ayaa sidoo kale xildhibaanada u sheegay in codsigii xildhibaanada ee ahaa in raisul wasaaruhu horyimaado barlamanka uu iman doono maalmaha soo aadan.
Wasiirka Maaliyada Xukuumada Xuseen Cabdi Xalane oo ka soo qabyabgalay kulanka maanta ayaa soo dhaweeyey sida miisaaniyada loo ansixiyey, wuxuuna sheegay in xukuumada ku dadaali doonto sidii miisaaniyad loo dhaqangalin lahaa walow uu sheegay in lacagta ku qoran miisaaniyada oo dhan boqol milyan badankeed lga sugayo kaalmooyinka dowlada ka hesho dibadaha.

Related posts: