Xildhibaano ka tirsan barlamaanka DFKMG oo ku baaqay in la burburiyo hishiisyada lala galay shirkadaha ajnabiga

Published on December 28, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Qaar ka mid ah xildhibaanada barlmaanka dowlada FKMG Soomaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la baab’iyo dhamaan hisiisyada dowladu la gashay shirkadaha ajnabiga.

Kulanka ay yeesheen ilaa 50 xildhiban oo ka tirsan Barlamanka Soomaaliya ayaa  waxaana kulankaasi xildhibaanadu ay si weyn uga doodeen heshiisyo ay sheegeen in shirkado ajanabi ah ay la soo galeen masuuliyiinta sare ee dowladda KMG Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa sheegay in shirkadahaasi hishiisyada lala galay aanu ka warqabin barlamaanka, isla markaana shirkadaha qaarkood y ka howlgalaan gudaha Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan C/raxmaan Jimcaale n oo ka mid ahaa xildhibaanada maanta kulanka ka hadlay  ayaa sheegay in sharci daro tahay hishiisyada shirkadaha ajnabiga lala galay, wuxuuna ugu baaqay xukuumada Farmaajo inay ka jawaabto hishiiyadaasi.

“hishiiyadan maalmahan way ku soo badanayeen dalka waxaadna moodaa in wadanka oo dhan la kireeyey, xukuumadan waxaan ugu baaqaeynaa inay hisyada horkeento barlamaanka”. sidaasi waxaa yiri C/raxmaan Jimcaale.

Xildhibaanadan ayaa kulankooda ka soo saaray baaq ku wajahan shirkadaha iyagoo ugu baaqay inay joojiyaan howlahooda ayna faraha kala baxaan waxyaabaha ay ku jiraan.

Dhinaca xukuumada ayey ugu baaqeen inay faahfaahin ka bixido hishiiyadan iyo waxay ku saleysan yihiin.

Beryahan ayaa xilidhibaanada balamaanka waxaa ku soo badanaya dood ku aadan hishiisyo ay sheegeen in lala galay shirkado dibada ku yaala oo dalka laga kireeyey waxaana xildhibaanada ay u yeereen raysul wasaaraha inuu barlamanka horyimaado.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Barlamaanka DFKMG oo maanta kulmaya
  2. Xildhibaano ka tirsan Barlaamanka DF oo sheegay inay xilkii ka qaadeen Shariif Xasan
  3. Xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG ah oo Mamulka Somaliland ugu baaqay in uu faragalinta ka daayo Gobolkada Sool & Sanaag
  4. Midowga Shirkadaha Xamuulka Badda & kuwa Caymiska oo ku baaqay in la soo af jaro Budhcad badeeda
  5. Barlamanka DFKMG oo maanta kulan ka yeeshay miisaaniyada xukuumada

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Barlamaanka DFKMG oo maanta kulmaya
  2. Xildhibaano ka tirsan Barlaamanka DF oo sheegay inay xilkii ka qaadeen Shariif Xasan
  3. Xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG ah oo Mamulka Somaliland ugu baaqay in uu faragalinta ka daayo Gobolkada Sool & Sanaag
  4. Midowga Shirkadaha Xamuulka Badda & kuwa Caymiska oo ku baaqay in la soo af jaro Budhcad badeeda
  5. Barlamanka DFKMG oo maanta kulan ka yeeshay miisaaniyada xukuumada

Latest Headlines