Xaflad lagu maamuusayey midnimada Xarakada Shabaab iyo Xisbul Islaami oo ka dhacday Afgooye [SAWIRO]

Published on December 28, 2010 by   ·   7 Comments   ·   print

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey midnimadii dhawaan ay wada gaareen xarakada shabaaabul mujaahidiin iyo Xiabul Islaami ayaa shalay galb lagu qabtay magaalada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.

Xaflada ayaa waxaa ka soo qaybgalay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Hogaanka Xarakada Alshabaab, Culumaa’udiin, waxgarad, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada kuwaa oo goobjoog ka ahaa munaasabada o ahayd dabaaldeg.

Mas’uuliyiinta Xafladda dabaal degga ah kasoo qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Shiikh Xasan Daahir Aweys, Shiikh Fu’aad Maxamed khalaf, Shiikh Abuu Muslim, Shiikh C/llaahi Khadaad iyo kuwa kale oo fara badan, waxaa sidoo kale joogay abwaano iyo odayaal dhaqameed.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay islamarkaana khudbado ka jeediyay Culumaa’udiin si weyn looga yaqaano gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya kuwaasi oo ay ka mid yihiin Shiikh Nuur Macalin C/raxmaan , Shiikh C/qaadir Muumin iyo Shiikh Jaamac C/salaam oo dhaman u hambalyeey midnimada ay wada gaareen labada jameeco.

Ugu dambeyn Xafladda ayaa waxaa xaflada hadal dheer ka jeediyey Shiikh Xasan Daahir Aways oo ku hadlay magaca xarakada Shabaab kana warbixiyay midnimada iyo wadooyinkii ay soo martay isagoo sheegay in loo baahan yahay in Alle dartii loo midoobo.

Shiikh Xasan wuxuu sheegay in dad badan ay ka nexeen midnimada ayna jecklaayeen in tafaraaruq uu ka dhexdhaco dadka walaalaha, isagoo ugu baaqay labada jameeco inay dadka u naxariistaan una caddaalad falaan.

Wuxuu sidoo kale shiikhu ka hadlay abaaraha ku dhuftay dalka oo uu ugu baaqay dhamaan ganacsatada iyo xarakada inay gargaar ka bilaabaan goobaha abaaruhu ka jiraan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (7)

  1. shardi says:

    Somalimirror.com qofkii idiin fiirsada wuu arki karaa meesha aad ka shidaal qaadataan. Buurhakaba inta ay isku xasuuqaayeen hal mar ma aadan xusin, maantana sidaad ula soo degdegteen waxaad ugu yeerteen midow.

    Miskiin la duleeyay ayaan u arkaa anigu, taariikhduna way xusi doontaa.

  2. maxmed shiikh says:

    asw
    aealba isgaa auuray dhallinyardaan dibaana ilaah ugu soo celiyay walise waan in wax la isla afgartaa
    anigu itaxaad ayaan ahay waxaan aaminsanahay
    @calanka ssoomaaliya
    @xuduuda soomaaliya
    @dowladda kaafi kuma sheegayo
    cadowgana waa iska celinayaa anoo muslim soomaali ah

  3. maxamed says:

    Allaahu akbar……………
    Nacam Wa sidaa manhajka qawiimka ah ee islaamka.

    kanaxow nafta waa, ilaahay ha barkeeyo mujaahidiinta meel kasta oo ay thuquurta kaga jiraan ,iyagana wada hakusii hagaajiyo .

    wabilahi tawfiiq.

  4. abuu khalid says:

    maanshalaah ma hadii somalimirror soo qortay laakiin weli hambalyadii culumadaan sugaynaa

  5. Shiiq CabdulQaadir says:

    Maasha alaah, Sheikh Xasan Daahier awalba isaga iyo Shiiq Xasan Turki Allaha kor yeelo labaduba ee ayaa bilaabay in laga dhabeeyo dhismaha dowlad islaami ah oo ay Somaaliya yeelato waxaana hadda iska caddaatey in wixii ay ku hadaaqi jireen munaafiqiintu uu been yahay sida shabaab oo hareereeyey Xisbul Islaam iwm.

    Shiiq Xasan muddo ayey ku qaadatey inuu ka dhaadhiciyo saraakiishiisii qaar ka mid ahayd iney ku biiraan SHABAAB, llakiinse ugu danbeyntii Alle waa ku guuleeyey.

    Awalba Shabaab isagaa abuuray oo waa tii markii maxaakiimtu Xamar qabsanayeen amray in hubka qab-qablayaasha uu la wareegidoodu Abuu mansuur qaabilsanaadaa yacni kooxdaan shabaab oo markaas ku dhex jirtey maxaakiimta.

    Shabaab waa og yahay qiimaha labada Xasan allaha xafidee ay ku leeyihiin taariikhda islaamka Soomaliya, kumana deg degi karaan iney ka hor imaadaan…

    Allaha idin guuleeyo howsha jihaadkana wada. guul guul guul…

  6. Cali Guure says:

    Somalimirror

    Maxaa afka noo qabateen. Cali Guure qoraalkiisa ciddii run doonayso ha sugto.

    Muxamed

    Miskiin ku xeel dheer nifaaqa calamiga. Ha sugi waayin runta markaan qorno.

  7. Mohammed says:

    Somali in aminsantahay iyo muslim niman aminsanahay kala sare dhulka alah ba leh muslim kuna ugu talagalay in ay masuliyadisa qadan hadad somalia ku qanacday de uladad ku dhalatay dhafsin maysa waxtarkada marka ufuqa alah ha nowayneyo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines