Kooxaha Budhcad badeeeda Soomalida ayaa madax furasho aad u badan ku siidaayey markab laga leeyahay wadanka Jarmalka kaasoo mudo dheer afduub ugu haysteen xeebaha wadanka Soomaaliya.
Budhcad badeeda ayaa waxa ay madax furasho ahaan uga qaateen markab xamuul oo ay qafasheen bishii May ee sanadka dhamaadka ah lacag dhan $5.5m waxaana lagu wadaa in ay sii daayaan markabka iyo shaqalaha saaran oo gaaraya 22.Markabkaan oo ka diiwaan gashan Mareykanka ayna maamusho shirkad Jalmal ah oo lagu magacaabo W-O ayaa lafilayaa in uu kashiraacdo xeebaha Soomaliya kadib markii labixiyay lacagihii ay dalbadeen budhcad badeeda afduubka u haysatay markabka.
Kooxaha ku howlan siideynta markabkaan ayaa waxa ay cadeeyeen in burcad badeeda lacagta intaa laeg ay qateen maalintii Axadii xilligaan wixii ka danbeeyayan ay fasanxayaan markabka.
Markabkaan oo tankiisa lagu sheegay 13,000-ton ayaaa waxa laga qafaashay 120 mile meel u jirta koofurta dekada Cumaan ee Salalah.
Siidaynta markabkan ayaa ah talaabadii u dambeysay ee budhcad badeeda ay ado qaadaan mudooyinkaan iyadoo ay jiraan weeraro fara badan oo kooxaha budhcad badeedu ku qaadaan maraakiibta kala duwan.
Waxaana aad u yar talaabooyinka lagu joojin karo falalka budhcad badeednimada ee ka jira xeebaha ku dhow Afrika bari iyo badweynta hindiya.

Related posts: