Ciidamadii Itoobiyaan ee ku sugnaa degaanka Kalabeyr oo ka baxay halkaasi

Published on December 28, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in ciidamadii Itoobiyaanka ee ku sugnaa deegaanka kalabeyr ee waqooyiga magaaladaasi ay isaga baxeen fariisimahaasi iyagoo u guuray dhinaca Feerfeer.

Ciidanka Itoobiyaanka oo beryahan dhaqdhaqaqyo ka waday deegaanka Kalabeyr ayaa guuristooda ka ogaaday saaka waabarigii kadib markii baabuur safar ah oo wadada soo maray ay sheegeen in ka gudbeen dhinaca xadka.


Sida ay ku soo waramayaan dad deegaankaasi ku sugan ciidanka Itoobiyaanka ayaa isaga baxay kalabeyr barqanimadii maanta waxayna u jihaysteen deegaanka Feer Feer ee ismaamulka Soomaalida ee  Itoobiya iyagoo gebi ahaanba ka guuray fariisimihii ay ku sugnaayeen.
Lama oga sababta Bixitaanka ciidanka Itoobiya, waxaana ay ku soo adaysaa bixitaankooda xili dagaalo dhawaan ka dheceen duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Dhinaca kale ciidamada DKMG iyo kuwa xarakada Shabaab ayaa isku horfadhiya  Kalabeyr inkastoo ay guureen kuwii Itoobiyaanka ahaa. Waxaana wararku sheegayaan in xaalada ay haatan degan tahay.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Ciidamada Gumeysiga oo ka guuray Kalabeyr
  2. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Dhaq-dhaqaaq ka wada Kalabeyr G/Hiiraan
  3. C. Gumeysiga oo isaga guuray Fariisinka kalabeyr
  4. Ciidamadii ka baxay Janta-kundisho oo ku fool leh Feer Feer
  5. Fariisinka Kalabeyr oo ay Mujaahidiintu la wareegeen

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ciidamada Gumeysiga oo ka guuray Kalabeyr
  2. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Dhaq-dhaqaaq ka wada Kalabeyr G/Hiiraan
  3. C. Gumeysiga oo isaga guuray Fariisinka kalabeyr
  4. Ciidamadii ka baxay Janta-kundisho oo ku fool leh Feer Feer
  5. Fariisinka Kalabeyr oo ay Mujaahidiintu la wareegeen

Latest Headlines