“Ruuxii hal naf nooleeya wuxuu la mid yahay ruux nooleeyey dadka oo dhan………!”
Ayuub Cabduqaadir Xuseen waa wiil 10-sano jir Soomaaliyeed, oo aan awoodin in uu istaago sabab la xiriirta qaarka dambe oo jirkiisa naafo ka noqday.
Ka sokow qaarka dambe ee jirkiisa oo uu naafo ka yahay waxaa aad u weynaaday madaxa oo dhaafay xadigii loogu talagalay taasina waxay sababtay in miisaanka jirka uu bato midka madaxa.
Ayuub wuxuu ku dhashay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku haya hooyadii iyo aabihii.
Hooyada dhashay oo lagu magacaabo Jooharo Axmed Xaaji Gaa’id waxay noo sheegtay in baaritaano yar yar ay marsiisay wiilka balse aaney jirin wax weyn oo laga qaban karay maadaama uu sidan ku dhashay wiilku.
Waxay sheegtay inay ku kalsoon tahay qadarka Alle hase yeeshee waxay ku catawday in wiilkan yari uusan heysan wax caawimaad ah sida qalabka lagu socdo. Sidoo weligiisa ma helin waxbarasho dugsi Quran iyo mid maadi ah toona.
Waalidiintu oo hadda kulwada nool Muqdisho ayaan awoodin inay wax daryeel caafimaad ah u raadiyaan wiilka. Waxayna codsi soo gaarsiiyeen warbaahinta RBC Radio.
Haddaba Waxaa shucuubta Islaamka guud ahaan iyo gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee muxsiniinta laga codsanayaa in wixii ay la qaban karaan ay u sameeyaan wiilkan yar ee dhibaateysan.
“Alle wuxuu jecelyahay kuwa ixsaanka sameeya”… (Quraan Kariim)
Waxyaabaha uu sida aadka ah ugu baahan yahay wiilkan yar waxaa ka mid ah:-
1- In laga caawiyo helista dhakhtar.
2- In laga caawiyo dhanka waxbarashada.
3- In loo helo baaskiil ama mootada curyaamiinta.
Hadaba cid kasta oo waxtari karta waxaa laga codsanayaa inay la xiriiraan qoyska wiilkan dhalay oo degan degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.
Ama kala xiriir telefoonka Hooyadii oo laga heli karo: 00252 615 453524
Xadiis ayaa oranaya, “Isu naxariista kuwa dhulka joogow waxaa idin naxariisanaya cida [Alle] samada ku sugan”.
Walaal waligaa haka daalin caawinta walaalaha la imtixaamay waana inaan ku waano qaadanaa.
Faafinta: www.raxanreeb.com

Related posts:
Maamulka iyo Shaqaalah “Somalimirror” aad ayaad u mahadsantihiin. Arimaha loo baahan yahay in warbaahintu soo gudbiso waa arinta oo kale.
Soomaalidu xiiso danbe uma heyso wararka xagga siyaasada ah oo dulucdoodu tahay:
1. Soomaali ayaa dilay Soomaali kale.
2. Soomaali ayaa deegaan ka qabsaday Soomaali kale.
3. Soomaali ayaa ka baxday qaranimadii guud kuna dhawaaqday qaranimo beeleed.