Soomaali dhawaan lagu xiray Holand oo qaarkood lasiidaayey

Published on December 27, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Qaar ka mid ah 12 dhalinyaro Soomaali ah oo usbuucii hore lagu xiray magaalada Roterdam ee adanka Holand ayaa la sheegay in laga soodaayey xabsigii ay ku jireen kadib markii wax khald ah lagu waayay.

Booliiska wadankaasi Holand ayaa sheegay in Shan kamid ah 12 Soomaali ah oo jimcihii loogu xirxiray gudaha daka Holand lasii daayay kadib markii lagu waayay wax dhib ah oo ay wadeen, iyada oo todobadii kalan baaritaan dheeri ah uu kusocdo.

Qareenada u dooday dadka Soomaalida ayaa sheegay in lasiidaayey ragaani kadib markii lawaayay wax cadeyn ah oo ku aadan in ay ku lug lahaayeen falal amni daro ah oo ay ka fulin lahaayeen gudaha wadankaasi.

Mid kamid ah qaaliyaasha ayaa waxa uu shegay in ay suuragal tahay in todobada kale maainta berri ah lahor keeno maxkamada.

Dadka lasii daayay iyo kuwa lahayo dhamaan ayaa laga qabtay magaalada Rotterdam ee dalka Holand kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in weerar qarax ah uu ka dhici lahaa qeybo kamid ah dalkaasi inkasta oo aan lagu qaban wax hub ah.

Cabsi xoogan ayaa soo wajahday dalkaasi Holand taasoo ku aadan in ay bartilmaameed ka dhigtaan ururada Islaamiga ah oo caalamka kajira taas oo loo sababeynayo ololaha islaam nacaybka ah ee ay wadaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan dalkaasi.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Booliiska Holand oo xiray 12 nin oo Soomaali ah
  2. Soomaali fara badan oo lagu xiray wadanka Yugandha
  3. Holand oo Ciidamadeeda kala baxaysa Afqaanistaan ka dib Bur-bur ku yimid Xukuumadeeda
  4. Ganacsato Soomaali ah oo lagu xiray Koonfur Afrika
  5. Saraakiil, Xildhibaano & Shacab Soomaali ah oo Kenya lagu xiray

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Booliiska Holand oo xiray 12 nin oo Soomaali ah
  2. Soomaali fara badan oo lagu xiray wadanka Yugandha
  3. Holand oo Ciidamadeeda kala baxaysa Afqaanistaan ka dib Bur-bur ku yimid Xukuumadeeda
  4. Ganacsato Soomaali ah oo lagu xiray Koonfur Afrika
  5. Saraakiil, Xildhibaano & Shacab Soomaali ah oo Kenya lagu xiray

Latest Headlines