Xildhibaanada barlamaanka DFKMG ayaa maanta kulan ku saabsan dooda miisaaniyada xukuumada raysul wsaare Maxamed Frmaajo waxay ku yeesheen xaruntooda golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Dooda maanta ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Shiikh Muudeeya waxaana soo xaadiray 278 xildhibaan markii kulanka uu furmay.
Hase yeeshee kahor intii aan maanta la bilaabin dooda miisaaniyada yaa waxaa barlamaanka la horkeenay ajenade kale oo ku saabsan hishiisyada xukuumada la gashay shirkado ajnabi ah oo la sheegay in barlamaanka ka warheynin.
Cumar Islow oo ka mid ah xoghayayaasha barlamanka ayaa fadhiga ka hor akhriyey markii uu furmay mooshin lagu dalbanayay in Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed uu Maalinta Arbacada ah horyimaado Barlamanka Soomaaliya islamarkaana uu faah faahin ka bixiyo shirkada qaabilsan dhinaca tababarka ciidamada ee la yiraahdo Sarcen international oo sida ay sheegeen mudanayaasha Barlamanka ay xukuumadu heshiis qarsoodi ah la gashay.
Sidoo kale wasiirka maaluyada ee xukuumada Farmaajo oo barlamanka maanta yimid ayaa sheegay inuu jiro hishiis kale oo xukuumada dhawaan la gashay shirkad la wareegeysa garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho, taasoo loo baahan yahay in barlamaanka uu ansixiyo.
Waxaana dooda maanta ay ku soo dhamaatay iyadoo barlamaanka uu dalbaday in raysul wasaaraha horyimaado barlamaanka, sidaasna lagu soo kala tegey.
Dooda barlamaanka ayaa maalmahan waxay ku wajahan tahay dhinaca xukuumada iyadoo uu jiro khilaaf ku aadan hishiisyada qarsoodiga ah ee lala galay shirkadaha shisheeye taasoo xildhibaano tiro badan ay ka soo horjeesteen.

Related posts: