Aqal galkii Faarax iyo habeenkii murugada
Soomaalida waxay tiraahdaa Aroos lagama raago lagumana raago sidaa darteed fiid horaadkiiba waxaa loo firaaqeeyay aqalkii loo yagleeelay Faarax iyo Cawralo waxaana iskusoo haray labadii lamaane ee cusbaa.
Markii la jiifqaaday ee ay lamaanihiina aqal soomaaligoodii u hoydeen ayey sheeko waayo ay ku riyoon jireen bilaabeen iyo sida xaal noqday laakiin uu Allaah hadda daba qabtay.
Muddo markii ay sheekadii wateen jaantana xasishay xoolihiina baryaqaadeen ayey waxay bilaabeen baal cusub oo mid waliba markaas ay ugu horeyso oo ah in ay kala doontaan wixii ay kala doonan jireen reer isqaba .
Gabadha waa inan ku kortay caana xoolaad intii ay dab ka leexatayna aheyd yarsinka ariga (yarsin waxaa la yiraahdaa qofka xoolaha aan laga nasin ee la gala lana baxa “subixiina foofiya makhtibkiina soo hoyiya” ).
Sida dhaqanka soomaalida ahaana gudniinka gabdhaha wuxuu ahaa mid aad u dhib badan oo waxaa laga yaabaa in gabadha marka ay reer yeeshaan ay dhib kala kulmaan arooska taasna ay keento gudniinka qaabka loo sameeyey ee Fircooniga ah, Diinta Islaamkana aan Sal ku laheyn in qaabkaas wax la yeelo.
Muddo markii uu faarax la xarbinayey uuna damcay in uu guul kasoo hoyiyo kaalintiise ay wax uga hagaagi waayeen ayuu talo usoo jeediyey Cawralo oo wuxuu kuyiri meeshii wax ka qaadi waayeye ee mindida (gaaleefta) ah ee aan wato waxyar maku jeexaa?.
Cawralo oo aad u yax yaxsan ayaa ugu jawaabtay sidaad doonto yeel oo iga aamus, Allow roonaan laheydaa in uusan yeelin oo uu wakhti siiyo Soomaalida waxay tiraahdaa Nin samraa sadkiis hela, maxaase dhacay .
Qaladkii murugada reebay!
Markii uu damcay in uu furo meesha ayuu wuxuu jaray halbowle , saa waxaa qaansa roobaadiyey dhiigii gabadha, oo wuxuu qabsaday dhig dgaxada, markasta oo la khilaafo waxa uu Allaah dadka u jideeyeyna sidaas ayaa loogu dhibtoodaa.
Dhowr saacadood ayuu wuxuu celcelinayey dhiigii, intii uu celcelinayeyna waxaa dhamaaday dhiigii oo gabadhiiba wey suuxday dhiigiina wali sidii ayuu u qul qulayaa .
Intaba inta ka dhakhso badane gabadhiiba naftii ayaa deysay dhiigii burqanayeyna waa istaagay, lamana istaagin celcelintiisiiye waaba dhamaaday oo dhaqaaqii wey joojisay xubnaheediina meel ka nuuxsaneyso malaha , wadnihii ayuu taabtay , haba sheegin .
Markaas ayuu fariistay asaga oo aad moodo in uu dhiig ku qabeystay oo korkiisa iyo gogoshiiba uu qariyey dhiigii gabadha ee uu celcelinayey wuxuuna xaqiiqsaday in ay gabadhii dhimatay.
Maxaad yeeshaa ? ma carartaa? oo maka faa`ideysataa inta ay dadka jiifaan oo aan howsha la ogaan Mise halagu dila`ee sidaas ayaad raali ku noqotaa oo waad joogtaa?
Maskaxdiisa ayaa waxaa mar kusoo wada dhacayey su`aalahaas iyo kuwo kale oo badan waa gabadhii uu reerka kusoo galay asaga oo garanaya dhibkii horay u jiray iyo gabadhii sida uu yeelay .
Muddo markii uu rog rogayey howsha hortiisa taala ayuu wuxuu go`aan ku gaaray in uu joogo oo uusan cararin wixii lagu sameynaya raali ku ahaado.
Markii uu go`aankaas qaatay ayaa waxaa ka dhamaaday baqdintii iyo jaha wareerkii lasoo gudboonaaday wuxuuna isku duway gabadhii meydka aheyd wuxuuna dhigay dhinaca gogoshii ay ku jiifeen.
Habeenkaas hurdo isma aysan arag mana aysan qaban Karin waxayna aheyd habeen kaga dhib badan habeenkii ay ragga la laayay ay waardiyeynayeen naftoodana waaardiyeynayeen.
Markuu cabaar fadhiya gurigaba wuxuu usoo baxaa banaanka asaga oo fiirinaya in uu waagii baryey iyo inkale laakiin habeenkii ayaa ku dheeraaday , dadku ma heystaan saacad wakhtiga lagu ilaashado laakiin waxaa la fiiriyaa xidigaha socodkooda iyo meesha ay marayaan.
Akhbaartii Arooska iyo reer geeddi
Subixii markii uu waaga baryey ayaa sidii dhaqanka soomaalida ahaa marka geed iyo ruux lakala garto ayaa waxaa caano looga soo lisay hal caana macaan oo geela ku jirtay waxaana loogu soodhiibay gabar yar oo Cawrala walaasheed ah.
Dhiil si wanaagsan loo cugay ayaa caanihii lagusoo shubay, waxay lasoo socotaba gabadhii waxay lasoo istaagtay aqalka dhiniciisa waxayna cod aan dheereyn ku tiri hal mar abaayo Cawrala .
Markiiba waxaa maqlay oo kasoo booday aqalka gudihiisa Faarax oo uu ka muuqdo daal farabadan iyo wareer aan noloshiisa soo marin, wuxuuna ka qaaday caanihii gabadha wuxuuna ku yiri Aabo iiguyeer.
Gabadhii markiiba wey islaabtay ayada oo aan ka warheyn waxa dhacay waxayna u tagtay Oday Geedi waxayna ku tiri Aabo waxaa kuuyeeraya Faarax.
Oday Geedi oo yaaban ayaa markiiba soo dhaqaaqay , markii uu soo gaaray gurigii banaankiisa ayuu nabdaadiyey reerka markaas ayuu Faarax wuxuu usoo baxay banaanka wuxuuna uga waramay waxa dhacay iyo sida ay wax noqdeen iyo in ay dhimatay Cawrala .
Mar kaliya ayuu oday Geedi wajigiisii madoobaaday hadalkiina kasoo bixi waayey , dhowr ilbiriqsi markii uu aamusnaa ayuu gurigii ay wada galeen oo uu gabadhiisii oo mayd ah marada wajigeeda ka rogay si uu u xaqiijiyo wuxuuna arkay in hadalka dhab yahay.
Oday Geeddi iyo siduu u waajahay mushkiladdii dhacday
Markii uu soo xaqiiqsaday in gabadhiisii dhimatay go`aan wuxuu ku gaaray in uu wiilka ka kaxeeyo guriga oo uu geeyo gurigiisii, maydkana la baaro haddii uu xaalka sidaas uu sheegayo noqdana go`aan ka qaato.
Laakiin markiiba wuxuu ku yiri waan kuusoo noqon ee iskasii joog si uu ugusoo hagaajiyo gurigii uu geyn lahaa.
Wuxuu kulaabtay gurigiisii wuxuuna usheegay Suuban oo aheyd Cawrala hooyadeed waxa dhacay , wuxuuna ku yiri guriga gogol aan wiilka kasoo kaxeeyo meydka korkiisa.
Suuban oo ah Oori Raaliya ah ma aysan diidin arinka uu saygeeda usoo jeediyey ee waxay kala gurtay gogoshii oo waxayna hagaajisay aqalka Faarax uu seexday Habeen Hore.
Wuxuuna u sheegay Suuban in ayada iyo dumar kale in ay israacaan oo ay xaalka in uu sidaas u dhacay soo fiiriyaan jawaabna kusoo celiyaan ayaga oo aan cidkale warsiin.
Oday Geedi gadaal ayuu ugusoo laabtay Faarax oo wuxuu kasoo kaxeeyey gurigii xalay loo hoyiyey asaga oo aad u murugeysan wax lagu sameyn doonana aan garaneyn laakiin aan ka xumeyn wax kasta oo yimaada.
Faarax wuxuu kasoo socdaa asaga oo aad u murugeysan wax uu ku hadlana aan garaneyn gurigii xalan uun loohoyiyey.
Waxyar ka bacdi Oday Geedi waxaa loosheegay in xaalka uu udhacay sida uu Faarax usheegay oo dhiig bax ay u dhimatay Gabadha.
WADATASHIGII IYO GO’AAMADII REER GEEDDI
Oday Geedi markiiba wuxuu talo usoo jeediyey Suuban iyo wiilashiishii wuxuuna ku yiri hadey wax naga dhexeeyaan waxaan doonayaa in marka aan meydka soo aasno in aan Faarax siiyo gabadhii ku xigtay ee aheyd Shamso ee waxaan idinka doonayaa in aydaan arinkaas igu diidin .
Wiil uu dhalay ayaa yiri Aabow ninkan waa ninkii aad ogeyd, habeen horana adaan ku mari weynay, hadana mid kasii daran ayuu sameeyey oo walaasheen ayuu xalay dilay, ma waxaad dooneysaa in uu kuligeen midba habeen qasho.
Oday Geedi ayaa hadalkii qaatay wuxuuna yiri wiilkeygiiyow farsamo xumo ayaa xalay dhacday ee sidii aad markii horaba iigu deysay talada hadana iigudaa.
Oday Geeddi waxaa wax waliba kala weyn in ninkii uu magan galyada siiyey wax dhib ah uu soo gaaro, Soomaalidii horana qofka maganta ah naf iyo maalba wey u huri jireen.
Intaas kabacdi oday geedina wuxuu war galiyey raggii deegaanka waxa dhacay iyo meydka u yaala oo aasitaanka ka doonayo.
Markiiba waxaa loo dareeray qoditaankii qabriga iyo duugtii Cawrala.
Xili aan fogeynba Cawrala waxaa loo hoyiyay gurigeedii rumaad ee Aakhiro Allow qabriga kuu qabooji waa ducadii markii ciidda lagu rogayey ay dadku lahaayeen ayagoo qalbiga ka ooyaya.
Waxa ay gacantiisa ku baxday cawrala ma aha Faarax oo kaliya ee Islaantii Gudiinka firgooniga ah ku sameysay ee ka inkaar galabsatay reer Faarax iyo aqalkii cusbaa.
Markii qabriga lagasoo dareeray ayuu Oday Geedi odayaashii reeraha wuxuu u sheegay in uu wiilka gabadhiisa Shamso aheyd ee ku xigtay Cawrala uu hadana marlabaad siinayo una dhisayo habeen danbana ay howshaas dhamaan doonto ee sidaas ogaada .
W/Q:- Maxamuud Qorane Maxamed

Related posts:
Yaaaaaaaaaaaaaaab Iyo Amakaag badanaa!!
Dhab ahaantii waxba wax ka darane , waxay iigu dhib badnaynd , markii aw Faarax yiri aan Midi ku dayo meel Malow Madoobe wax ka qaadi waayay!!1
Waxaas oo dhana waxaa ka qalad leh Fircooniga iyo cirib xumadiisa!!
Alle Odayga Geedi ah maxaw , Sodoh ku banaanya!!
Kartida waa loo kala dhashaa , balse Soomaalidii hore way ka sineed arintaa!!
subxanaka yaa rabii !! wallahi qiso aniga xitaa naxdin igu riday ayay noqotay murugo wayba dhaaftay horror film oo kale ah ayayba ahayd balse aniga xitaa dhamaadka sheekada waan qariibsaday lana cajabay odeyga dulqaadikiisa alla hana siiyo dulqaadkaas oo kale ,qoraaguna aadbuu ugu mahadsan yahay sheekada murugada leh uu noo soo hudbiyay
Sida dhabta ah tasu wa xanun damqasho leh kana tarjumayo habsanka qarar e laso darsayo labo lamano o isu kulol kolkana dharer kadayo kas o kaso dareray Hormonada qaybta maskaxda e medula, loyaqano hadabo qofka caynka ah qalad halka u farax kagalay okale hubal e masixikaro wayo wax farimo jirkiso ku imanayo kana imanayo qaybobadan o maskaxda ayanan u ogolanaynin in u gul ku dhameyo howshas. Wana dhib. Ma aha waxa qaladka kagalay cowralo hoyo naxaristuba dibici u tahay e wa jahliga hoyoyinka hada wax hala baro si ay u badbadiyan hoyoyinka bari. EEBO AYAA WAX BADAN OG.
Wlh wanka naxay gabadha dhimashadeda lkn inu sas yelo ma ahen fuded cml
salfudeeyd haddi kugu dhacee aad u sugi weeyso, sacabada waxaa loo dhigtaa siqigi weeyna, wax alle laga saadsadaa samyo qeyraade
Wa arin naxdin leh khaladna malahan farax &cowrala töna e wa gudninka xun geedna wa nin fcn