Sheekada Habeenkii Murugada (Qeybta 2aad)

Published on December 14, 2010 by   ·   5 Comments   ·   print

Safarkii Faarax ee qar iska tuurka ahaa

       Asaga oo dareensan Faarax waxa ka horeeya ayuu dhabada cagta saaray asaga oo beegsanaya meeshii ugu wardanbeysay ee uu ku maqlayey Cawralo iyo reeraheeda degaankooda.

  Faarax carkow  wuxuu habeenba meel kusoo hoydaba oo reeraha uu dhex marayey weydiiyo Cawrala reerkooda meesha ay degan yihiin asaga oo hadana iska ilaalinaya in la garto, ama warkiisa gaaro reeraha uu usocdo ayuu maalinkii danbe wuxuu kusoo baxay Cawrala oo ari la joogta.

 Faarax wuxuuu soo galay safar dheer oo uu jooge jooge usoosocday waxaana ka muuqata socdaalka iyo qatooyo soo qabsatay intii uu dhexda kusoo jiray, Laakiin Faarax waxay u ahey farxad aad u weyn in uuu helo Cawrala asaga oo aan wali la arag joogana degsiimadii darafteeda shishe ee ay Cawrala iyo reerahooda deganaayeen.

 Markii indhaha la isku dhuftayba midwaliba waxay la noqotay in uu riyoonayo waana la maleysan waayey waxa qofwaliba indhihiisa arkayaan lamana odoroseyn in dib danbe la isu arki doono,

  waayo waxaa la xasuustaa wixii kala gaaray labada reer oo dil iyo darxumo ahaa, qof waliba dhawr daqiiqo ayuu kan kale fiirinayey oo hadal kasoo bixi waayey.

 Mid walibana indhihiisa waxaa kusoo istaagay ilin farxadeed oo midkoodna uusan qiyaasi Karin iyo waliba xasuus waayo waayo iyo barisamaadkii nabadda lagu wada noolaa.

 Soomaalidu ayaa waxay tiraahdaa Gacal kala maqnaan jiray iyo geelba waa isu ololaa.

 Aamusnaantaas dabadeed waa la is nabdaadiyey markaas ayey Cawralo waxay weydiinasay ootiri maxaad doonaysay oo meeshaan ku keenay?

 Faarax wuxuu ka mid ahaa raggii maalmihii dagaalka wacdaraha geystay oo lagu tuhunsan yahay in lafdhabar uu u ahaa ka qeyb qaadashada dagaalka ragna lagu tuhunsan yahay in uu gacantiisa ku baxeen.

 Faarax ayaa markiiba si sahlan jawabtii usoo celiyey oo yiri waxaan usocday adiga oo waxaa ikeenay balantii naga dhaxeysay ee maxaa iiga kaa danbeeyey?.

  waxaa hadalkii qaadatay markiiba Cawrala oo su`aal kale weydiisay oo ku tiri sow ma ogid dagaalkii wixii aad ka geysatay iyo in rag aad leysay laguuna ciil qabo.

 Faarax oo usoo bareeray ayaa yiri waxaa ikeenay balantii naga dhexeysay ee maxaa iiga kaa danbeeyey ? wuxuuna siiraaciyey hadalkiisii haddii manta la idilana dartaa ayaa la iidilayaaye.

 Cawralo ayaa tiri waa sideydii laakiin dhib ayaa dhacay, dhigiina wali waa qoyan yahay lamana heshiin ee sideed wax u damacsaneyd ilaa hadey ku arkaan reerkeena wey ku dilayaane.

 Faarax Wuxuu yiri haddii ay balantii ay sidii noo tahay nakeen aan hadda ka dhaqaaqnee meeshan ayada oo aysan cidina  i ogaane.

 Cawralo ayaa dhoola cadeysay oo waxay ku tiri waxaan la joogaa arigii Aabahey oo aanan dooneyn in aan meel cidla ah uga dhaqaaqo.

 Markaas ayuu Faarax  wuxuu ku yiri ariga reerka intaan ku ekeyno ayaan gadaal u laabanayenaa .

 Cawralo waxay tiri maya oo madoonayo in aan sidaas yeelo, faarax oo dareensan caqliga Cawralo kuna kalsoon aqoontii hore ee uu ulahaa ayuu wuxuu soo caliyey asaga eegaya waxa ay tiraahdo hade sideynu wax yeelnaa ? .

 Cawralo oo ay daganaan ka muuqato ayaa waxay ugu jawaabtay waxaan kuu geynayaa Aabahey hadduu ku dili lahaa iyo hadduu ku deyn lahaaba ee markaan kuugeeyo asaga iweydiiso.

 Cawrala waxaa wax waliba kala weynaa in ayada oo uusan waalidkeed ogeyn ay u bareerto howl, sidii waxaryarna aan dhagta la iska qabsan ee arinkeeda ay waalidkeed kusoo sinto wuxuu ka yeelana ay sugto, waana sida diinteena noojideysay oo uu Allaahna ka raali yahay.

 Faarax oo usoo bareeray hawshan cabsidiina ay ka baaba`day dareensannna in aysan Cawralo shirqooleyn ayaa ku jawaabay howraarsan.

  maalinkii intiisii harsaneyd oo dhanna waxay lawada joogeen Arigii oo waxay ka sheekeysanayeen waayihii ay kala maqnaayeen iyo waliba dhibkii sida sahlan u dhacay ee dhiiga badani ku daatay.

 Dudadii Geeddi agteeda

 Casarkii markii la gaaray oo uu arigii usoo dhawaaday reerkii ayey waxay ku tiri Cawralo Faaraxow geedahaas hoostooda ku sug Aabahey ayaan kuugu yeerayaaye (waa meel dhir badan oo aan markiiba dadka ishiisa aysan qabaneynin ).

 Faarax halkii ayuu fariistay asaga oo sugaya Cawrala Aabaheed oo uusan garaney waxa uu kala kulmidoona .

 Cawrala markii ay guriga soo gaadhay ayey Aabaheed gooni ugu yeertay si ay ula faqdo warka Faarax na kaligiis ugu sheegto.

 Cawralo Aabaheed waxay la istaagtay meel aqaka dhiniciisa ah oo ka durugsan maqalka dadka, Markaas ayey waxay ku tiri Aabe Faarax Carkow ma taqaan?.

 Markaas ayuu Aabihii ku yiri ma faaraxii reer hebel ee hebel iyo hebel dilay inta uu tir tiryey rag dhawr ah, markaas ayey ugu jawaabtay haa, markaas ayuu odaygii ku jawaabay aabow iga daa kaas maanta hadaan arki lahaa dhiigiisa ayaan cabi lahaaye.

 Cawrala ayaa waxay ku tiri Aabaheed hadaad dhiigiisa cabi laheyd iyo hadaad deyn laheydba geedkaas inta ay farta ugu fiiqday ayuu hoos fadhiyaa aduuna ku sugayaa ee utag.

 Odaygii oo uu hadalkii ku margaday shakina lootuuray ayaa sooceliyey oo yiri maandhey muxuu doonayaa?

 markaas ayey ugu jawaabtay Aabaheed , intii aysan dhicin colaada ayey sheeko naga dhexeysay iyo balan adag oo aheyd in aan isguursano, hadana arinkii ayuu ku socdaa.

           Geedi oo lugaha qaadi la` wax uu ku hadlana garan la` ayaa usoo dhaqaaqay dhankii geedka loo tilmaamay.

 Wuxuu marba soo qoordiinleeyaba wuxuu meeshii ugu yimid Faarax oo geedkii hoos fadhiya wallaahi waa asagii war ma nabadbaa? Faarax ayaa madaxa kor u qaaday oo yiri haa adeer waa nabad.

 Oday Geedi ayaa hadalkii kusoo laabtay oo yiri  maxaa ku keenay meeshan?

  Faarax ayaa hadalkii qaatay oo yiri  adeer aniga iyo Cawrala ayaa waxaa naga dhexeeye sheeko ka horeysay dagaalka ayadii ayaanna u imid.

 Oday Geedi oo xaqiiqsaday sida xaalku yahay kuna dhacay yaxyax iyo waji gabax ayaa kusoo celiyey hadalkii faarax oo ku yiri nakeen una garqaaday dhankii guriga .

Faarax iyo Reer Geeddi

 Markii ay soo gaareen gurigii ayuu wuxuu horay u galiye gurigiisii kuna fariisiyey gogoshiisii guriga u dhextiilay kuna yiri halkaas hakasoo bixin, asaga oo ka cabsi qaba in haddii la arko ayada oo aan wax la weydiin la khaarajiyo .

 Wuxuu uyeeray Cawrala Hooyadeed una sheegay xaalka meesha yaal iyo ninka uu guriga soo galiyey in ay gabadheeda keensatay asagana uusan wax ka ogeyn laakiin uu wanaajinayo.

 Markaas ayuu inta uu arigii dhex galay wuxuu soo qabtay wan weyn oo dhegta dhiiga u daray kuna yiri Suuban oo Cawrala hooyadeed ah neefkaas casho nooga dhig nooguna dhakhso.

Reer Geedi sadexda ah xoolaha la dhaqdaba waa u dareeraan laakiin nugulku makhrib ka hor ayey soo hoydaan,laakiin Geelu waa soo mirtaa inta badanna waxaa soo mira ama raacaba waa Ragga .

 Fiidkii markii uu geela soo hoyday ayuu labadiisii wiil ee geela soodheelmay uga hortagay xerada geela ayagoo geelii tirinaya sidii ay caadada geelaydu ahaan jirtay oo geela marka lasoo xareeyo ayaa la tiriyaa .

 Haddii markaas neef ama ka badan la waayo markaas ayaa gadaal loo doonaa si uusan habar dugaag meelaha uga helin.

 Markey dhameeyeen tiradii oo geelii u dhamaaday ayey Aabahood usoo jeesteen, markaas ayuu inta uu dhinac uga dhaqaajiyey meeshii ay ugu yimaadeen oo aheyd iridda xerada kuyiri mataqaanaan Faarax Carkow ? .

 Ninkii weynaa labada nin ayaa lasoobooday ma Faarax ma ninkii raga naga laayey Allow kaas yaa meel ka hela waaxaan ka samri la`ahay raggii uu laayey.

 Aabihii ayaa hadalkii qaatay oo ku yiri hadaad dili laheydeen iyo hadaad deyn laheydeenba wuxuu ku jiraa guriga hooyadiin oo uu idinku sugayaa.

 Hadalkii ayaa kunoqday labadii wiil oo muddo dhawr ilbiriqsi ayuu hadalkii kasoo bixi waayey.

 markii ay aamusnaayeey dhowr ilbiriqsi ayey waxay lasoo boodeen oo maxaa keenay gurigeena ?.

 Aabihii ayaa hadalkii qaatay wuxuuna u sheegay in Faarax iyo gabadhooda Cawrala ay lahaayeen balan ka horeysay dagaalka arinkaasna uu hadda u yimid ,

 wuxuuna raaciyey  wiilasheydiiyow hadaan aniga idin dhalay ninkaas waan udhisayaa gabadha ee hadal ha igusoo celinina .

 Wiilashii oo Aabahood hadalkiisii meel ay ka maraan garan la` ayaa yiri ayaga oo yaaban waayahay Aabbe.

 Oday Geedi iyo wiilashiisii waxay kusoo wada laabteen gurigii , waxayna wada cuneen hilbihii loo bisleeyey Faarax oo xili aan fogeyn ahaa nin ay aad u neceb yihiin laakiin hada aysan ku dhiiran Karin meesha uu uga yimid darted.

 Habeenkaas Faarax wuxuu ku seexday gogoshii Oday Geedi asaga laga ilaalinayo in inta uu warka baxo aan si sahlan loogusoo dusin laguna dhibaatey wiilka reerka ka mid noqonaya.

 Subixii markii uu waagii baryey oo xoolihii lakala sagootiyey ayuu Oday geedi wuxuu isugu yeeray raggii beesha ee dudada deganaa wuxuuna uloogay rati shan jir ah oo ka dhex tilmaaman awrta hana qaadka ah ee reeraha .

 Markii geedkii la isagu yimid ayuu Oday Geedi usheegay ragii geedka isu yimid danta uu ugu yeeray ee ah in uu gabadhiisii Cawrala aheyd uu siiyey Faarax Carkow

  Xiligaasna uu joogo gurigiisa kana mid yahay wiilashiisa ciddii u talawdaana ay ka dhigan tahay nin wiilkiisii waxyeeleeyey, dhaqanka Soomaalidana wuxuu xurmeyn jiray wiilka gabadha ka qaba ee reeraha la degan.

 Wuxuuna hadalkii markiiba raaciyey asaga oo la hadlayo labadiisa wiil kaca hebel iyo hebelow oo iisoo kaxeeya Faarax aan halkaan ugu meheriyo gabadheyda Cawrala ah.

 Wiilashii ayaa markiiba fadhigii ka kacay oo doonay seedigood, waxyar ka bacdina soo dhex fariisiyey geedkii ay beeshu ku shirsaneyd.

 Xili aan sidaas usii fogeynba Faarax waxaa lagu meheriyey gabadhii uu ugusoo bareeray khatarta oo naftiisa usoo biimeeyey arintaas oo maanta ula muuqato riyo uusan waligiis ku riyoonin.

 Markii la cunay hilbahii, Oday Geedi wuxuu usheegay in cawada soo socota loo aqal geynayo Faarax gabadha uu ku meheriyey ee waxaan reeraha ka codsanayaa in aqal waliba hal reeryo iyo hal dhig  ay iigasoo furan aqalkooda .

 Xiligaa wixii ka danbeeyey rag iyo dumarba waxaa la bilaabay in lasoo aruuriyo aqalka cusub waxaana loogu qotomiyey tukadka reeraha aqal soomaali ka weyn midkii u dhisnaa dudada meesha degan.

 Casar gaabkii markii ay aheyd ayaa lamaanihii cusbaa waxaa lagusoo galbiyey digri salaan oo wiilkiina waxaa soo galbiyey rag , gabadhiina waxaa iyana soo hoyiyey gabdho ,waxaana fiidkii lagu caweeyey aqalkii Faarax banaankiisa culamadana ay digri ku heysteen dhalin yaradana ay ciyaar soomaali ku madadaalanayeen.

 

W/Q:- Maxamuud Qorane Maxamed



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sheekada Habeenkii Murugada (Qeybta 1aad)
  2. Habeenadii cabsida (Qeybta 2aad)
  3. Socdaalkaygii Galdogob iyo Jibbuuti … muuqaallo iyo dareeno (qeybta 2aad)
  4. Aabbahaa waranka gaalaad ka bixi!! (Qeybta 2aad)
  5. Sideen ugu abtirinnaa Suugaanteenna? (Qeybta 2aad)

Readers Comments (5)

  1. XANAN says:

    cajiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiib esh callaa sheko guuuuuuuuuuuul farax&cowralo

  2. Gabayre says:

    Waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw.

    Alla ninkaasbaa Barbaar Hana Qaaday kaa ah !!!

    Waa kaa Rag , waa Kuwaa Barbaaradii Soomaaliyed.

    Waa Kuwaa odayaashii Soomaaliyeed!1

    Waa kuwaa , waa kuwaa Waa kuwaa dadkii is ixtiraami jiray!!

    maanatase ciyaal dabadii qaawsaday , iyo gabdho Horaadadii qaawsaday ayaan haynaa!!!

  3. Maryanruun says:

    Wawawa waxasa geesi nimo ah wuka baxsaday farax

  4. Qadar aden says:

    Qorane sxbow hanagu daalin sheekadaaz rag waa ragii horee jcylna waa kan maanta xilana waa dumarkii hore xaajana sideeda waxay ku fiicantahay geed hoostiis

  5. Amina says:

    Wow waxaasa sheko cajiib ah they are heroe




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sheekada Habeenkii Murugada (Qeybta 1aad)
  2. Habeenadii cabsida (Qeybta 2aad)
  3. Socdaalkaygii Galdogob iyo Jibbuuti … muuqaallo iyo dareeno (qeybta 2aad)
  4. Aabbahaa waranka gaalaad ka bixi!! (Qeybta 2aad)
  5. Sideen ugu abtirinnaa Suugaanteenna? (Qeybta 2aad)

Latest Headlines