Puntland oo ka hadashay dilkii shaley loo geystey xeer ilaaliyihii gobolka Bari

Published on November 30, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Xeer ilaaliyaha guud ee Maamul goboleedka Puntland Maxamed Xasan ayaa ka hadlay dilkii shalay galab bartamaha magaalada Boosaaso loogu geystey xeer ilaaliyhii maxmada gobolka Bari oo lagu magacaabi jiray C/laahi Saalax Shirwac.

Maxamed Xasan ayaa sheegay in ciidanka boolisku baari ku wado dilkaasi dhawaana la soo saari doono warbixin ku saabsan dilkaasi.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa ku eedeeyey dilka inay ka dambeeyeen dad uu sheegay inay wadaan falal amniga lagu qalqal galinayo.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay Xeer ilaaliye Maxamed Xasan in ay jiraan aanooyin qabiil oo ka dhexjira beelaha daga deegaanada  Puntland, hase ahaatee waxaa uu tibaaxay in dilalkaani qorsheysan ee lala beegsado Mas’uuliyiinta Puntland ay ka dambeyeen kooxo uu ugu yeeray nabadiid.

Xeer ilaaliyaha guud Maamul goboleedka Puntland ayaa mar ay saxaafadda ay wax ka waydiisay in dilalka soo noq noqday ay ka dambeyeeyaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida iyo inkale, ayaa waxaa uu meesha kasaaray in dilalka ka dhaca Puntland aysan sal iyo raad toona ku lahayn burcad badeeda Soomaalida, waxaana uu sheegay in Puntland iyo burcad badeeda dagaalka kaliya ee ka dhaxeeya uu yahay dhinaca badda.

Wuxuu intaasi ku daray Xeer ilaaliyaha in boolisku ay ka hortegi doonaan dhibaatooyinka amniga lagu wax yeeleynayo.

Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Boosaaso ka soconaya howlgalo baaritaano ah oo ay wadaan booliska ka dib dilkii shalay magaaalada ka dhacay.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Bari oo kuwo kale lagu badalay
  2. Mamulka Puntland oo wareegto ka soo saartay la dagaalanka Budhcad badeeda
  3. 19 Burcad Badeed ah oo uu Faransiisku maanta Puntland u soo gacan galiyay
  4. Ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha Masar oo ogolaaday dhageysiga Dacwado lagu soo xidhayo Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda
  5. Xeer ilaaliye loo magacaabay G/Sh.Dhexe

Readers Comments (1)

  1. Aqoonyahan says:

    Howl gallo baadhitaano ah Baka saarto dulligii bakhtifuulka ahaa waa Kay allihii nabada siiyey Ku kufriyeen mahadiisiina siiyeen Ethiopia iyo daaghuutka beesha caalamka awliyadii ilaahayna masaajida kuweerarey maxaabiisna ka dhigtay u axareysan oo gaalada waftiga ah madaxa ugu weyneeya.
    Anagu Waxaan leenahay war Muslim iskama celin kartaane dulliyoow jooga hadii kale waanishaynaaye anagu dhib umbaa nalaga faaiidaa oo kalia iyo qarax’e welcome to hell !!!!!!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Bari oo kuwo kale lagu badalay
  2. Mamulka Puntland oo wareegto ka soo saartay la dagaalanka Budhcad badeeda
  3. 19 Burcad Badeed ah oo uu Faransiisku maanta Puntland u soo gacan galiyay
  4. Ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha Masar oo ogolaaday dhageysiga Dacwado lagu soo xidhayo Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda
  5. Xeer ilaaliye loo magacaabay G/Sh.Dhexe

Latest Headlines