Nin Soomaaliyeed oo lagu xukumay 30 sano

Published on November 30, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Maxkamad ku taala wadanka Maraykanka ayaa xarig soddon sano ah ku xukuntay nin Soomaali dhalashadiisu tahay oo ciidamada Amerikanku ka qabteen bishii Aprill  xeebaha Soomaaliya.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa lagu eedeeyey inuu ka mid ahaa koox budhcadbadeed ah oo weerartay markab dagaal oo ay lahaayeen Amerikanka xili uu marayey meel ku dhow biyaha Soomaaliya.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa lagu magacaabaa Jaamac Iidle Ibraahim oo 38-sano jir ah, wuxuuna ka  mid ahaa 6-ruux oo loo haysto  weerar bishii April 2010- ku qaadeen Markabka dagaal oo Mareykanku leeyahay.

Wuxuu Xeer ilaaliyaha Maxkamadda sare uu ku xukumay ninkaan Soomaaliga ilaa 30-sano kadib markii uu sheegay in weerar si toos ah uu ugu qaaday Markab dagaal oo ka mid ahaa Maraakiibta dagaalka wadanka Maraykanka, iyadoo isaga iyo kooxdiisuba ay ku qaldeen Markab ganacsi isalmarkaana ay afduuban rabeen.

Ninka xeer ilaalliyaha ka ah maxkamada ayaa sheegay in sidoo kale maxkamad le keeni doono ragga kale ee la soo qabtay oo iyana loo haysto budhacad badeednimo.

Xukunkaan ayaa ah kii ugu horeeyey oo maxkamad ku taala wadanka Maraykanka ay ku rido qof loo heysto budhcad badeednimo mudo laga joogo haatan 150-sano.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. 22 Qof oo lagu eedeeyay Burcad Badeednimo oo lagu Maxkamadaynayo Yemen
  2. Maxkamada Magaalada Boosaaso oo Xasbi 3 sano ah ku xakuntay 37 Budhcad badeed ah
  3. 20 Sano ka dib, dufcadii ugu horaysay ee Dhakhaatiir Soomaaliyeed oo Shahadooyin Muqdisho Maanta lagu gudoon siiyay.
  4. Jiritaanka DKMG ah oo lagu kordhiyay 2 sano
  5. 12 Qof oo lagu eedeeyay Burcad Badeednimo oo lagu Maxakamadaynayo Yemen

Readers Comments (1)

  1. Cali Guure says:

    ilaahow u fududee ninkan oo ka soo saar xabsiga ehelkiisana si nabad ugu soo celi

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 22 Qof oo lagu eedeeyay Burcad Badeednimo oo lagu Maxkamadaynayo Yemen
  2. Maxkamada Magaalada Boosaaso oo Xasbi 3 sano ah ku xakuntay 37 Budhcad badeed ah
  3. 20 Sano ka dib, dufcadii ugu horaysay ee Dhakhaatiir Soomaaliyeed oo Shahadooyin Muqdisho Maanta lagu gudoon siiyay.
  4. Jiritaanka DKMG ah oo lagu kordhiyay 2 sano
  5. 12 Qof oo lagu eedeeyay Burcad Badeednimo oo lagu Maxakamadaynayo Yemen

Latest Headlines