Meles Zanawi oo Weeraray siyaasadda Dalka Masar

Published on November 30, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa Dowladda Masar ku eedeyay in ay soo hubeyso Xoogaga Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda Xukuumadiisa ,wuxuuna weerar cad ku qaaday siyaasadda Dalka Masar oo uu ku sheegay in Xukuumadiisu ay xaq u leedahay in ay difaacato dhulkeda Masar-na aysan awood u lahayn xaqiiqdii dagaal ay la gasho Itoobiya wuxuuna intaa raaciyay in Masar ay ku khasaari doonto dagaalka.

Hadalka Meles Zanewi oo ka baxsan hanaanka Diblomaasiyadeed ee Dowladaha kaas oo haba yaraatee aan lahayn wax diblomaasiyad qarsoon ah .

 Masar ayaa dhankeeda sheegtay in ilaa heerka ugu sareeya ay nafsadooda ilaashan doonaan waxayna taasi jawaab u ahayd hadalka ay Diblomaasiyadda ka dhamaatay ee Meles,waxayna Mas’uuliyiin Masaari ahi sheegeen in Dagaalku uusan ahayn khiyaarka hor yaala ee ay kula dhaqmayaan Wadamada wadaaga biyaha Wabiga Niil ,waxayna intaa ku dareen in taariikhdu ay arintaa muujineyso xaqa Masar-na uusan ahayn mid hadda la soo cadaadin karo.

 Waxa ay Masaaridu dhankooda sheegeen eedaymaha la xidhiidha in ay caawiyaan Mucaaradka ay tahay mid xaqiiqda ka qof oo aan sal laheyn ,waxayna carabka ku dhufteen in Qaahir “masar” ay laasimi doono waxaaybaha ku xidhan jiritaankeeda mab’da ahaana aysan guda galeyn arimaha gudaha ee Wadamada wadaaga Wabiga .

 Si cad ugama aysan hadlin Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Masar hadalka ka soo yeedhay Meles ,wuxuuna weerarkaas ahanaan doonaan mid ay Waasaradu uga baahan doonto in  ay baadhitaano ku sameyso waxyaabaha qarsoon ee hadalka Meles iyo cida ka dambeysaba.

 Is haysiga u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya salkana ku haya sida loo isticmaalayo biyaha Wabiga Niil ayay Khubaro arimahaas darsaa waxa ay sheegeen in waxa Itoobiya ku khasbaya in ay arintaas buun buuniso ay tahay Wadamada Reer Galbeedka oo doonaya in ay maal gashi dhanka beeraha ah ku sameyaan Itoobiya .

Isha Warka Islamtoday



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Meles Zanawi “Xalku ma ahan in Masar ay isku daydo in ay joojiso wax aysan joojin karin”
  2. Shariif Xasan & Meles Zanawi oo kulmay
  3. Meles Zanawi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Yurub oo xaalada Soomaaliya kulan ka yeeshay
  4. Meles Zanawi oo tilmaamay inuusan xilli dhow meelna uga socon Somaaliya
  5. Masar iyo itoobiya oo laga cabsi qabo in dagaal ku dhex maro biyaha niil

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Meles Zanawi “Xalku ma ahan in Masar ay isku daydo in ay joojiso wax aysan joojin karin”
  2. Shariif Xasan & Meles Zanawi oo kulmay
  3. Meles Zanawi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Yurub oo xaalada Soomaaliya kulan ka yeeshay
  4. Meles Zanawi oo tilmaamay inuusan xilli dhow meelna uga socon Somaaliya
  5. Masar iyo itoobiya oo laga cabsi qabo in dagaal ku dhex maro biyaha niil

Latest Headlines