Madaafiic culus ayaa xalay illaa saakay waxay ka socotaa qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo daryanka madaafiicda saakay si weyn looga maqlayo magaalada.
Illaa 4 ruux ayaa illaa hada la soo xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen xaafado kamid ah Kaaraan iyo Yaaqshiid ka dib markii ay ku habsadeen qoryaha waaweyn ee magaalada ay ku garaacayaan ciidamada shisheeye ee Amisom.
Meelaha illaa xalay madaafiicdu ku hoobaneysay waxaa ka mid ah degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Hawlwadaag, Hodan iyo agagaaraha suuqa weyn ee Bakaaraha.
Goobaha madaafiicdu ku dhacayso ayaa ah meelo aad uga durugsan goobaha ay dagaaladu ka dhacayaan taasoo muujineysa in madaafiicda ay ku dhacayso goobo rayid ku nool yahay.
Gaadiidka gargaaeka degdega ayaa dhaawacyada u qaaday isbitaalada, waxaana ilaa xalay dhaawacmay ilaa 7 qof oo rayid ah.
Duqeyntan ilaa saakay ka socota Muqdisho ayaa ku soo aaday iyadoo raisul wasaare Farmaajo uu sheegay inuu gudagalayo waxqabadka xukuumadiisa ee boqolka maalmood ee ugu horeysa.

Related posts: