Waxaa sii batay khasaaraha nafeed ee ay geysteen duqeymo culus oo xalay illaa maanta lagu garacay qeybaha waqooyi ee magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Inta la og yahay 6 ruux ayaa ku dhimatay 7 kalans way ku dhaawacmeen duqeymahan oo socday illaa maanta.
Madaxa gaadiidka gurmadka caafimaadka Cali Muuse ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dadka badankiis laga soo qaaday xaafado ku yaala degmada Kaaraan iyo sidoo kale gudaha suuqa weyn ee Bakaaro.
Duqeymahan ugu culus ayaa maanta duhurkii ku dhacay bartamaha suuqa Bakaaro oo dad badani ay ku ganacsadaan, waxaana hal meel ku geeriyooday illaa afar qof.
Dhaawacyada ayaa u badnaa dad shaqoku jirao oo madaafiicdu ku duldhacday, waxaana sidoo kale jira dad madaafiicdu ugu tagtay xaafado aad uga fog meelaha lagu dagaalamyo sida Juungaal.
Dhaawacyada ayaa la geeyey isbitaalada magaalada waxaana manta jirtay gaadiid la;aan taasoo sababtay in dhaawacyada qaarkood ay u dhintaan dhiigbax.
Ma jirin wax dagaal ah oo xiliga magaalada sidaasi loo galayo socday, balse ciidamada shisheeye ee Amisom ayaa caadoka dhigtay inay magaalada iyo xaafadaha rayidka duqeeyaan xataa haduusan dagaal jirin.
Maamulka DKMG ayaan waxba ka dhihin duqeymahan ooa maqlayo illaa caawa habeenimadan siday noosoo sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan magaalada gudaheeda.

Related posts: