Afhayeenka ururka Xisbul Islaami Shiikh Maxamed Caruus iyo gudoomiyaha golaha camalka Shiikh Maxamed Ibraahim Bilaal oo xalay si kala gooni ah u qabtay shirat saxaafadeedyo ay kaga hadlayaan booqashadii madaxweynaha Yugandha Museveni uu ku yimid Muqdisho ayaa ku tilmaamaay wax aad looga xumaado.
Afhayeenka Xisbul Islaami oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay nasiib daro tahay in iyadoo ciidanka shisheeye maalin kasta duqeymo ku laayeen shacabka Soomaaliyeed uu hadana madaxweyne ka socda wadamadood uu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Xisbul Islaami ayaa shacabka ugu baaqay inay ka horyimaadaan shirqoolada loo maleegayo ee ay wado gaalada, isagoo dhinaca kale sheegay in dagaalka lagula jiro Amisom uu sii socon doono.
Dhinaca kale Shiikh Maxamed Ibraahim Bilaal oo ah madaxa golaha camalka islaamka oo Muiqdisho kula hadlay saxaafada ayaa ku micneeyey booqashadii Museveni shaley sida qarsoodiga ahayd ugu yimid garoonka dayuuradaha Muqdisho mid y ku dheeneyd ujeedooyin kala duwan sida inuu dhiirigaliyo askarta Yugandha oo moral ahaan aad u liita.
Shiikh Bilaal ayaa intaasi ku daray in booqashada Museveni ayan wax ka bedeli doonin xaalada Soomaaliya iyo dagaalada lagula jiro ciidamada shisheeye ee ku sugan Xamar.

Related posts: