Xildhibaano ka tirsan Barlaamanka DF oo sheegay inay xilkii ka qaadeen Shariif Xasan

Published on November 29, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Qaar ka mid ah xildhibaanada barlamaanka DF ee dhawaan diiday ansixinta xukuumada raysul wasaare Farmaajo ayaa maanta sheegay inay xilkii ka xayuubiyeen gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan.

Xildhibaanadan oo gaaraya 92 Xildhibaan oo ahaa kuwii ka soo horjeestay maalintii Sabtida ansixinta Xukuumadda cusub oo maanta warsaxaafadeeda ka soo saaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gudoomiyaha barlamanka ka qaadeen xilkii gudoomiyaha ayna dooran doonaangudoomiye cusub.

Xildhibaan Muxyidiin Mukhtaar oo war saxaafadeedka u akhriyey warbaahinta ayaa ku eedeeyey gudoomiyaha inuu jebiyey xeer hoosaadka barlamanka islamarkaana sida ay sheegeen uu abood u adeegsaday Xuquuqda barlamanka sidaasi daraadeed, waxaa ay tibaaxeen in gudoomiyaha baralamanka xilikii ay ka qaadeen iyagoo cuskanaya qodobo ka mid ah xeer hoosaadka barlamanka.

Waxaana ay ugu baaqeen Mudanayaasha barlamanka in ay kulan deg deg ah ay isugu yimaadaan islamarkaana ay doortaan gudoomiye barlamaan oo Cusub sida warsaxaafadeedka ku sheegeen.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa ay sheegeen in habkii loo ansixiyay Xukuumadda Ra’iisul wasaare Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo inay khilaafsan tahay xeer hoosaadka barlamanka, sidaasi darteed waxay xukuumada ku tilmaameen inay dhacday.

Arintan ayaa ku soo beegmeysa xilli xukuumad Farmaajo qorsheheed waxqabadka u gudbisatay Qaramada Midoobay ayna sheegtay inay dhawaan dalka la wareegeyso sida raysul wasaaruhu sheegay shaley.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Xubnaha Barlamanka oo kulan yeeshay kuna baaqay in lala xisaabtamo Xukuumada cusub
  2. Sheekh Shariif oo ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha in uu si deg deg ah u soo dhiso Golaha Xukuumadiisa
  3. QM oo amartay barlamanka inay ansixiyaan xukuumada Farmaajo
  4. La-taliyaha Sharciga ee G. Wakiilada S/land oo sheegay in cadaadis la saaray intii uu hayay Mooshinka Maamuus ka xayuubinta Riyaale
  5. Xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG ah oo Mamulka Somaliland ugu baaqay in uu faragalinta ka daayo Gobolkada Sool & Sanaag

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xubnaha Barlamanka oo kulan yeeshay kuna baaqay in lala xisaabtamo Xukuumada cusub
  2. Sheekh Shariif oo ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha in uu si deg deg ah u soo dhiso Golaha Xukuumadiisa
  3. QM oo amartay barlamanka inay ansixiyaan xukuumada Farmaajo
  4. La-taliyaha Sharciga ee G. Wakiilada S/land oo sheegay in cadaadis la saaray intii uu hayay Mooshinka Maamuus ka xayuubinta Riyaale
  5. Xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG ah oo Mamulka Somaliland ugu baaqay in uu faragalinta ka daayo Gobolkada Sool & Sanaag

Latest Headlines