Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta sheegay in dowladiisu taageeri dheeri ah ka rabto beesha caalamka, ka dib markii uu sheegay inuu dhisay xukuumad tayo leh.
Shariif Axmed oo ka warbixuyey kulankii qarsoodiga ahaa ee shalay uu la yeeshay Yueri Musefeni ayaa ku micneeyey kulan muhim ahaa loogana hadlay arimo muhim u ah dowladiisa.
Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu ugu baaqay in beesha Caalamka ay sii laba jibaarto taageerada ay siisiiso dowladda KMG oo ka arimisa qeybo yar oo ka mid ah magaalada caasimada.
Madaxweyne Shariif waxaa uu sidoo kale sheegay in xaalad amni iyo mid dhaqaale uu ku jiro wadanka Soomaaliya, loona baahan yahay in beesha Caaalmanka sida ugu dhaqsiyaha badan ay sii laba laabto taageerana ay u fidiso dowladda KMG iyo shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Shiikh Shariif waxaa uu soo qaaday dhismaha xukuumada cusub isagoo sheegay in xukuumadan ka tayo badnaan doonto midii ka horeysay maadaama ay ku jiraan sida uu sheegay dad aqoonyahano ah.
Wuxuu intaa ku daray in sababta xukuumadan loo sameeyey ay tahay in caalamka ay u dhaweyso.
Codsiga taageero doonka ee ka yeeray madaxweynaha DFKMG ayaa soo baxay maalin ka dib markii dalka uu booqasho qarsoodi h ku yimid madaxweynah Yugandha oo ka mid ah wadamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyo inay xasuuq u geystaan shacabka Soomaaliyeed ee degan Muqdisho.

Related posts: