Siday noo xaqiijiyeen dad ku sugan gobolka Oregon ee wadanka Mareykanka waxaa shalay subax la gubay xafiiskii masjidka ee xarunta Salmaan Al-faarisi ee magaalada Corvalles oo ka tirsan gobolka Oregon.
Lama oga cida dadbka ku gubtay xafiiska masaajidka siday sheegeen booliska Mareykanka, balse waxaa laga tuhun qabaa in kooxo masiixiyiin ah ay ka dambeeyeen arintan.
Dhismaha masjidka ayaa badqaba oo aan waxba ka soo gaarin dabka, waxaase gubtay xafiiskii maamulka ee xarunta islaamiga Salmaa Al-faarisi oo dad badan ku xirnaayeen kuna cibaadeysan jireen.
Xilliga ay dhacdadan dhacday ayaa goobta soo gaaray dabdemis iyo dad Soomaaliyeed oo demiyey dabka, waxayna sheegeen inay aad ua xumaadeen falkan foosha xun ee lagula kacay betkan ka mid ah guryaha Alle.
Waxaa arintan lala xidhiidhinayaa xarigii Jimcihii dhaweyd ay FBI-da Mareykanku u xireen wiil 19-jir ah oo Soomaali ah oo ka mida haa dhalinyarada ku xirneyd masaajidkan la gubay.
FBI-da ayaa jimcihii sheegtay in wiilka ay xireen oo la dhaho Maxamed Cismaan Maxamuud inuu doonayey inuu qarax ku weeraro meel ay joogeen masiixiyiin ciideysa, ka dibna ay qabteen. balse warkaasi illaa hada looma hayo wax cadeyn ah.
Beryahan dambe ayaa waxaa soo badanaya cadaadiska lagu hayo dadka Soomaalida ee degan gobolada Mareykanka oo boolisku sheegaan inay xidhiidh la leeyihiin ururada ka dagaalama Soomaaliya.
Soomaalida Mareykanka ku nool oo dhan ayaa cambaareeyey falkan lagu gubay masaajidka ee bilaa sababta loo geystey, waxayna dowlada Mareykanka ugu baaqeen in la soo qabto kuwii waxan sameeyey meel kastoy joogaanba.

Related posts: