Ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland oo tababar u soo gababoobay

Published on November 29, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa loo soo gaba gabeeyay tababar u socday mudo sadex bilood ah ugana socday Xerada Ciidamada Badda ee Puntland ,waxaana tababarkaa ciidamada u soo xidhay Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samed Cali Shire.

Ciidamada tababarka qaatay ayaa intii ay tababarka ku jireen waxa ay qaateen casharo isku jira sida badda loogu dhex jiro loona bad baadiyo dadka ,sidoo kalena loogu dhex sameeyo howgalada hubeysan ee dhanka badda.

Tabarbarkaa waxaa Askartaa siinayay Macalimiin ka socday Wadamo ay ka mid ahaayeen Maraykanka ,Yurub iyo Koonfur Afrika ,waxaana xiritaanka goob joog ka ahaa Wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage iyo Xubno kale o ka tirsan maamulka.

Askarta tababarka qaaday ayaa la gudoonsiiyay Shahaadooyin qeexaya in ay tababarkaa dhameysteen sidoo kalena ay ka mid yihiin  ciidamada Badda ee Puntland.

Dhanka kale waxaa isla tababar caynkan oo kale ah Askar ka tirsan kuwa badda ee Puntland loogu qaaday Dalka Jabuuti waxaana lagu wadaa in halkaa ay ku soo qataan casharo la xidhiidha howlgalada dhanka badda.

Isku soo wada duuboo cidanka tababarka uu u soo xidhmay ayaa lagu wadaa in ay qeyb ka noqdaan ciidamada ilaalada xeebaha Puntland oo lagu tiriyo hoyga Budhcad badeeda ka qowleysata Xeebaha Soomaaliya

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Ciidamo ka tirsan DKMG ah oo Maanta Tababar loogu soo Xiray Jabuuti & kuwo Cusub oo loo furayo.
  2. Saraakiisha booliska Puntland oo tababar looga furay Garoowe
  3. Ciidamada Badda ee Faransiiska oo Maamulka Puntland u soo gacan galiyay 5 Budhcad badeed ah
  4. Ciidamo ka tirsan Puntland oo soo galay S/land.
  5. Midowga Shirkadaha Xamuulka Badda & kuwa Caymiska oo ku baaqay in la soo af jaro Budhcad badeeda

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ciidamo ka tirsan DKMG ah oo Maanta Tababar loogu soo Xiray Jabuuti & kuwo Cusub oo loo furayo.
  2. Saraakiisha booliska Puntland oo tababar looga furay Garoowe
  3. Ciidamada Badda ee Faransiiska oo Maamulka Puntland u soo gacan galiyay 5 Budhcad badeed ah
  4. Ciidamo ka tirsan Puntland oo soo galay S/land.
  5. Midowga Shirkadaha Xamuulka Badda & kuwa Caymiska oo ku baaqay in la soo af jaro Budhcad badeeda

Latest Headlines