Ciidamada Shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa saaka duqeyn markale ku bilaabay xaafadaha magaalada Muqdisho, taasoo ku soo beegmeysa maalin ka dib markii uu magaalada yimid madaxweynaha Yugandha.
Duqeynta oo aad u xoogan ayaa laga maqlayaa saaka inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho. Waxaana wararku sheegayaan in madaaficdu saaka ku hoobaneyso xaafado ka tirsan Kaaraan iyo Hodan oo ka baxsan goobaha dagaalka.
Duqeynta ayaa waxaa dhinac socda dagaalo goosgoos ah oo laga maqlayo qrybo ka mid ah goobaha la isku horfadhiyo ee magaalada ka tirsan.
Wali lama xaqiijin khasaaraha ay geysteen madaafiicda ku hoobaneysa deegaanada dadka shacabka ku nool yihiin. Waxaana si weyn loo maqlayaa jugta culus ee madaafiicda.
Lama oga sababta Amisom saaka u garaaceyso xaafadaha rayidku ku nool yihiin ee magaalada Muqdisho, waxayna tani ku so aadeysaa ka dib markii shalay garoonka dayuuradaha Muqdisho uu si qarsoodi ah ku yimid madaxweynaha Yugandha Museveni oo watay 5 dhakhtar.

Related posts: