Wararka ka imaanaya tuulooyin hoostaga degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in abaaro baahsan oo dadka iyo duunyaduba saameeyey ay ku dhufteen halkaasi.
Warbixinada laga helayo odayaal degaanka ku sugan ayaa sheegay in ka dib markii ay raageen roobabkii xilliga deyrta ay sababeen in abaaro ay ku dhufteen degaanada miyiga oo xoola dhaqto badani ku nooleyd.
Deegaanada laga soo sheegayo abaarta ayaa waxaa ka mid ah dulka miyiga ee hoostaga Dhuusamareeb iyo Griceel. Waxaa sidoo kale xaalada abaareed ayka jiraan degaano hoostaga degmada Caabudwaaq oo ka tirsan isla gobolka.
Sidoo kale ayaa degmooyin ka tirsan Mudug waxaa iyana dadku soo sheegayaan xaaladi biyo la’aan oo aad u daran taasoo u baahan in isha lagu hayo.
Dad badan oo xoolo dhaqto ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka soo guurayey miyiga Guriceel biyo yaraan darteed, kuwaasoo xaga magaalooyinka u dhaqaaqay. Sidoo kale wuxuu barakaca xoola dghaqatadu ka jiraa degaano ka tirsan Cadaado iyo Galinsoor.
Illaa hadda lama sheegin wax gurmad ah oo dadkaasi gaaray inkastoo qeylo sdhaan ay jirto.
Labadii sano ee u dambeeyey gobolada Mudug iyo Galgaduud waxaa ka taagnaa roobab yari oo sabab u noqotay in xoolaha waayaan dhulkii ay daaqijireen isla markaana ku kaliftay xoola dhaqatada inay xoolaha la hayaamaan.
Xaaladan ayaa ku soo beegmeysa xilli dad badan oo barakacayal ah degaano uga dhigteen meelaha abaaraha laga soo sheegayo oo markale dib uga barakacayaan.

Related posts: