Qaar ka mid ah xubnaha wasiirada DFKMG Soomaaliya oo shaley ay ansixiyeen barlamaanka ayaa lagu dhaariyey xarunta villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeybgaleen masuuliyiinta dowlada.
Munaasabad balaaran oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada laguna dhaariyey qaar ka mid wasiirada cusub ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha DFKMG Shariif Axmed, gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan iyo raisul wasaaraha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Markii wasiirada la dhaariyey ka dib ayaa raysul wasaare Farmaajo oo hsdal jeediyey wuxuu ugu baaqay golahiisa wasiirada in looga fadhiyo inay wax ka qabtaan marxaladda adag ee uu dalka marayo maadaama xil adag loo dhiibay ayna u dhaarteen.
Gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna ka hadlay goobta Munaasabadda dhaartaayaa waxaa uu sheegay in barlamanka KMG Soomaaliya ay la shaqeyn doonaan Xukuumadda cusub ee shaley barlamaanka KMG ay ansixiyeen.
Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha DFKMG Shariif Sheekh Axmed oo barlamanka KMG uga mahad naqay qaabka ay u ansixiyeen Xukuumadda KMG Soomaaliya oo maanta ay codka kalsoonida u qaadeen barlamanka KMG. Wuxuuna ka codsady xukuumad inay dadaal la yimaadaan.
Munaasabada dhaarta waxaa ka maqnaa xubno kale oo ka mid ah wasiirada la magacaabay kuwaasoo qaarkood aan dalka joogin xilligaan.

Related posts: