Shiikh Aadam Siiro oo xukuumada Somaliland ugu baaqay inay shareecada ku xukunto nin ajnabi ah oo dhaqan xumo ka sameeyey Hargeysa

Published on November 28, 2010 by   ·   5 Comments   ·   print

Shiikh Aadam Xaaji Maxamuud [Aadam Siiro] oo ka mid ah culimaa’udiinka deegaanada Soomaaliland ayaa si kulul uga hadlay dhacdo maalmahan ka taagneyd magaalada Hargeysa taasoo ka dhalatay ka dib markii nin Jarmal ah oo gaal ah kuna noolaa Hargeysa uu ku kacay fal fawaaxish ah oo uu ku sameeyey haween Soomaaliyeed oo reer Hargeysa ah.

Shiikh Aadam Siiro oo ka hadlay masaajidada magaalada Hargeysa ayaa si cad u sheegay in xukuumada Soomaaliland looga baahan yahay iay shareecada islaamka waafajiso xukunka ninkaasi hadii kale ay noqoneyso qiyaano umada lagula kacay.

Shiikh Siiro ayaa sheegay inuu isagu soo cadeeyey markhaatiyaal sax ah oo loo heley kiiska uu ninkaasi galay, waxaana ninkaasi oo sheegtay inuu marki hore muslimay la ogaaday inuu gaal yahay.

Culimada reer Hargeysa ayaa si kulul maalmahan uga hadlay arinta ninkn gaalka ah uu ka sameeyey deegaan ay ku nool yihiin dad muslimiin ah isagoo waliba fawaaxish ku sameeyey haween muslim ah ka dibna uu ka duubay muuqaalo filim ah.

Shiikh Aadam oo ka mid ah culimada illaa hadda arintan ka dhiidhisay ayaa sheegay in cadeymaha filimka ah ee uu ninkaasi duubay la arkay oola hayo. Wuxuuna ka digay warar sheegaya in ninka la siideyn rabo.

Booliska Soomaaliland ayaa hada gacanta ku haya ninka Jarmalka ah waxaana sida la sheegay socda baaritaan arintaasi ku saabsan.

MaalintiiKhamiista ayaa wasirka arimaha gudaha Soomaaliland Maxamed Cabdi gaboose wuxuu sheegay inaan cadeymo loo heyn kiiska nin, balse culimada ayaa ka soo hirjeestay dhawaqaas ka soo yeeray wasiirka iyagoo sheegay in arintaasi aysan jirin.

Dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa ka careysan dhaqankaasi foosha xun, waxaana dhawaan dad creysn ay weerar ku qaadeen guri ninkaasi lagu hayey balse waxaa ka badbaadiyey ciidanka boolis oo hada gacanta ku haya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Guurtida Mamulka S/land oo ka dooday Qalalaasaha Somaaliya, Kuna Taliyay In Somaliland Kaga Gaashaaman Karto Dhaqan Gelinta Shareecada Islaamka.
  2. Somaliland oo Puntland Weydiisatay Iskaashi
  3. Xaflad loo sameeyey Dufcadii ugu horeysey ee ka qalanjebisey Kuliyadda caafimaadka ee Hargeysa.
  4. Somaliland oo Qabtay 10 Gantaal oo lidka Diyaaradaha ah
  5. Hargeysa oo Lagu Soo Gabo Gabeeyay Kulan Cilmiyeed Looga Hadley Maqaasida Shareecada Islaamka

Readers Comments (5)

  1. Cali Guure says:

    Adam siiro waa munaafiq ijitimaaci ah. Waa ninka maalin walba la soo taagan:

    1- in woqooyi galbeed tahay dal ka baxsan Soomaaliya. Sidaa waxaa uu ku yahay nin ka horjeeda midnimada dalka Soomaaliya

    2- In SNM lagu soo sameeyey dalka xabashida mujaahidiin u soo jihaaday goynta woqooyiga Soomaaliya. Fiqigaasi waxaa ku tuusnayaa sidaa sida uu uga dhar tiran fahamka saxda ee jihaadka

    3. Taageridda dimoqradiyada qabyaaladeed ee ka jirta woqooyi galbeed/

    5. Naqdintiisa indhaha la\ ee maalin walba uu ku sameeyo mujaahidiitna Soomaaliyeed

    Maanta Adam siira waxaa uu dalbanaya in xad lagu oogo gaalkan naagta nacasta ah keentay.

    Ma doonayo in shareecada lagu soo rogo oo uu hormood ka noqdo waqooyi galbeed ee waxaa uu rabaa mid kooban oo ku saabsan ninkan.

    Taasi wallaahi siri mayso dhabta waxa uu yahay Adam siiro oo maalin walba qaybinta Soomaaliya kaga sheegay HCTV.

    Haddii ay dhab ka tahay ha billaabo jihaad uu kaga xornoqayo gaal la jireenka gaalka raba inay aqoonsi ku raadsadaan sida gaboose

  2. omar hassan says:

    acww waa in nikaasi lagu kumo kitaabka ilaahay hadii kale somaliland waa in lala xisaabtamo culumadu way in ay arintaas xooga saaran wcw

  3. deeq taako says:

    masha allah culimada waa mahadsanyihiin ilaahey ajar iyo saxanaad haka siiyo, dowladana waxaan ka rajaynayaa in ay culimada raaci doonto,

  4. qadar says:

    shabakada somalimirror alle ha idinka abaal mariya sida fiican oo u soo tabisee arintaa mida kale sheekha arintaa ka hadlay waa shee wanaagasan kheeyr alle ha siiyo walaahi hadii arintan laga aamuso waxaa dhici doonta musiibo muda dhan saameeysa nin kaas hala waa fajiyo kibaaka allaah gaalkaasna haduu guur soo maray hala rajmiyo marka sidaas ayaan ku talin lahaa walaahi waa calool xumo gaal dalkaagii inta yimaad gabdha muslimiintaa faaxisho haku sameeyo hadana dad badan oo muslimiin ah ayaa qar arinaya waxeey daliil cad u tahay daciif nimadeena

  5. muwaadin says:

    niaka sheekaha wax kasheegaya hasoo badheehdo oo ha is cadeeyo.siduu sheeekhu sheegay somalia halkay kutaalo waala yaqaan.
    nacaska kumeeray sanaya soo cadow ayaan leeyahay sida ilma xaaraankaa cali guray labaxay een xalaasha ahayn.annigu hadaan kaa faalo kabixiyo waxaan is leeyahay xalaal maaha.ciilka iga haya haduu ogyahay somalia ayuu ulugayn lahaa
    waxaan ku soo gabagabaynayaa sheehk adam haji mahamud waala yaqaan,runtii wallaaahi anigu ka wadanka haysta ee nacaskaa waan ka jecelahay iyo waxa lashaqeeya.kii wax sheekha ka sheega waa la iksku arki magaalada.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Guurtida Mamulka S/land oo ka dooday Qalalaasaha Somaaliya, Kuna Taliyay In Somaliland Kaga Gaashaaman Karto Dhaqan Gelinta Shareecada Islaamka.
  2. Somaliland oo Puntland Weydiisatay Iskaashi
  3. Xaflad loo sameeyey Dufcadii ugu horeysey ee ka qalanjebisey Kuliyadda caafimaadka ee Hargeysa.
  4. Somaliland oo Qabtay 10 Gantaal oo lidka Diyaaradaha ah
  5. Hargeysa oo Lagu Soo Gabo Gabeeyay Kulan Cilmiyeed Looga Hadley Maqaasida Shareecada Islaamka

Latest Headlines