Deegaano ka mid ah labada Shabeele ayaa waxaa ka bilawday qeybinta zakawaatka ay soo ururiyeen maamulada xarakada mujaahidiinta Shabaab.
Wararka naga soo gaaraya egmooyinka Ruunirgood iyo Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta halkaasi loogu qeybiyey qoysas danyar ah oo ku sugan zakawaatka oo isugu jira raashiin iyo lacago caddaan ah.
Sudo kale waxaa qeybinta zakawaatka ay ka bilaabatay degmooyin hoostaga Shabeelaha Hoose iyo Baay sida ay noo sheegeen saraakiisha maamulka ee goboladaasi.
Zakawaatka la qeybinayo ayaa h kuwii laga soo ururiyey ganacsatada iyo beeraleyda ku nool gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka oo ay ka arimiso xarakada Shabaab.
Sheekh Maxamed Wadaad oo ka mid ah masuuliyiinta gacanta ku heysa hawlaha qeybinta zakada ayaa sheegay in si fiican ay u wadaan iyagoo gaaray dhowr degmo oo ka mid ah labada shabeele.
Wuxuuna sheegay in degaanada dhiman ay gaari doonaan maalmaha soo socda.
Qeybinta zakada ayaa ku soo beegantay iyadoo abaaro kulul iyo biyo la;aan laga soo sheegayo inta badan gobolada dalka oo sanadkan dib uga dheceen roobabki xilliga dayrta oo waqtigoodii la joogo balse aysan da’in wax roob ah.

Related posts: