Muxuu ku saleysnaa socdaalka Yuweri Musefeni ku yimid Muqdisho

Published on November 28, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Warar soo baxay ayaa sheegaya in maanta garoonka dayuuradaha Muqdisho ay kulan qarsoodi ah ku yeesheen madaxweynaha dalka Uganda Museveni oo ka mid ah wadamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo madaxda DFKMG Soomaaliya.

Kulankan ayaa ka dambeeyey ka dib markii Musefeni uu ka soo degey si qarsoodi ah garoonka dayuuradaha ee Muqdisho halkaasoo uu maanta yimid.

Wararka ayaa sheegaya in Museveni uu madaxda TFG u muujiyey walaaca uu ka qabo taageero la;aanta wadamada Afrika iyo kuwa caalamka oo aan aqbalin cpodsi uu horey u weydiistay oo ahaa in lacag la siiyo isaguna uu soo dhameystri ciidamada 20-kun oo ay rabaan wadamada Afrika in la keeno Soomaaliya.

Lama oga waxa madaxweyne Shariif Axmed iyo raisul wasaare Farmaajo kaga jawaabeen qeylo dhaanta uu maanta keenay Yuweri Musefeni oo waxyar ka dib isaga laabtay garoonka dayuuradaha.

Kulanka oo ahaa qarsoodi aan loo ogoleyn xitaa wasiirada dowlada ayaa ka dhacay gdaha garoonka oo ay amaamiisa si aad u ilaalinayey ciidanka Uganda. Waxaana inta badan laga wada hadlay hawlgalada ciidanka Amisom ee jooga Muqdisho.

Warar ay heleyso shabakada Somalimirror.com ayaa sheegaya in sidoo kale Musefeni uu kulan la yeeshay ciidamadiisa ku sugan Garoonka kuwaasoo har iyo habeen duqeyn arxan daran ku haya shacabka Soomaaliyeed ee degan magaalada Xamar.

Si kastaba waxaa socdaalka qarsoodiga ee Musefeni uu ku soo beegmay xilli xukumada Farmaajo ay wacad ku martay in amaanka magaalada wax weyn ka qaban dooto.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. C/laahi Yuusuf oo si qarsoodi ah ku yimid Muqdisho
  2. Ciidamo Cusub oo AMISOM ah oo Muqdisho yimid
  3. Farxaan“Waa la yimid Muqdisho, Aduunka Daafihiisaa laga yimid Dad wada Dub Cad Dad wada Dub Madoow oo aan la garanayn”
  4. Sheekh Shariif oo yimid Muqdisho
  5. Sh Shariif oo Muqdisho yimid.

Readers Comments (1)

  1. abukurayb says:

    To: SOMALIMIRROR

    WALAAL BARI DHEXDAA AHAYD WAAD KA SIIBATEEN, LAAKIIN WARKIINAN AAN IMIKA AKHRISTAY WUU IGA FARXIYEY, SIDII WEBSITE ISLAAMI AH AYAAD WAX U QORTEEN MAANTA, ANIGU WAAN ISKA DAAYEY AKHRISKA WARARKIINA MARKII AAD KU MILANTEEN DOWLADAHA DABADHILIFKA AH EE AAD LA SAFATEEN KOOXAHA IS DHIIBAY EE ICTISAAMKA, LAAKIIN HADDAAD NOO SOO NOQOTEEN WAAN IDIN OGOLNAHAY, MAASHA’ALLAH, SOMALIMIRROR HA NOOLAATO




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. C/laahi Yuusuf oo si qarsoodi ah ku yimid Muqdisho
  2. Ciidamo Cusub oo AMISOM ah oo Muqdisho yimid
  3. Farxaan“Waa la yimid Muqdisho, Aduunka Daafihiisaa laga yimid Dad wada Dub Cad Dad wada Dub Madoow oo aan la garanayn”
  4. Sheekh Shariif oo yimid Muqdisho
  5. Sh Shariif oo Muqdisho yimid.

Latest Headlines