Waxaa sii kordhaya tirada dadka shacabka ah ee ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay duqeymo xaley illaa saaka ka socday qeybo ka tirsan degmooyinka magaalada Muqdisho.
Inta la og yahay 5 ruux ayaa ku geeriyootay 9 kalana way ku dhaawacmeen illaa xaley duqeymo kala gedisan oo ku dhacay xaafado ka mid ah Juungal iyo Sanca oo ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid.
Dad ku sugan xaafadahaasi ayaa noo sheegay in madfac ku dhacay isgooska Sanca oo ku dhacay goob meherad laga cunteeyo ah ay ku dhinteen illaa 3 ruux halka 6 kalana ay ku dhaawacmeen. Waxaana dadkasi ku jira dad ka shaqeynayey baarka.
Sidoo kale madaafiic ayaa haleeshay xaafado ka mid ah degmooyinka Hodan, Hawlwadaag, Shibis iyo Boondheere oo inta badan madaafiicdu ku dhacdo, kuwaasoo geystey khasarooyin kala duwan.
Ciidamada Amisom ayaa saaka madaafiic xoogan ku tuurayey magaalada xilligaasina ma jirin wax dagaal ah oo ka socday magaalada.
Saaka waaberigii ayaa dagaal goosgoos ah waxaa uu ka dhacay agagaarka hotelka Jubba inkastoo markii dambe uu joogsaday dagaalkaasi.

Related posts: