Dagaal saaka dib uga bilawday magaalada Muqdisho

Published on November 28, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Dagaal u dhexeeya ciidamada DFKMG iyo xarakada Mujaahidiinta Shabaab ayaa saaka ka qarxay agagaarka hotelkii Jubba ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa ka bilawday aagagii horey la isugu horfadhiyey gaar ahaan wadada gasha hotel Jubba oo ciidamada shisheeye [Amisom] fariisimo ku leeyihiin.

Madaafiic culus iyo rasaas ayaa laga maqlayaa xaafadaha ku dhow gaar ahaan degmooyinka Boondheere iyo Shibis, walow aan la ogeyn khasaaraha dagaalkani geystay.

Illaa hadda ma jirto cid ka mid ah dhinacyada dagaalamaya oo ka hadlay dagaalka. Wuxuuna dagaalkan saaka ku soo beegmayaa xilli shalay dagaalo goosgoos ah iyo madaafiic ay ka dheceen isla degmooyinka Boondheere iyo Shibis.

Dagaaldii shalay ayaa waxaa ku geeriyooday tiro illaa 4 ruux iyo dhaawac gaaraya 10 kale.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Dagaal ka dhacay Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.
  2. Al shabaab oo guulo ka sheegtay Dagaal shalay casarkii ka dhacay Boondheere& Shibis ee M. Muqdisho
  3. Dagaal ka dhacey saaka bariga magaalada Gaalkacyo
  4. Dagaal dib uga bilowey Muqdisho
  5. Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacey Muqdisho.

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaal ka dhacay Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.
  2. Al shabaab oo guulo ka sheegtay Dagaal shalay casarkii ka dhacay Boondheere& Shibis ee M. Muqdisho
  3. Dagaal ka dhacey saaka bariga magaalada Gaalkacyo
  4. Dagaal dib uga bilowey Muqdisho
  5. Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacey Muqdisho.

Latest Headlines