Ciidamada Madaniga ee degmada Xamarjajab oo dilay nin dhalinyaro ah

Published on November 28, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Ciidamo madani ah oo ka hawlgala degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho ayaa wiil dhalinyaro ah maanta duhurkii ku dilay gudaha degmadaasi  ka dib markii ay ka qabteen gudaha degmada.

Wiilka dhalinyarada ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadka ku nool degmada, waxaana xilliga la qabanayey uu marayey mid ka mid wadooyinka dhexmara xaafada.

Dad goobta ka agdhawaa ayaa sheegay inay arkayeen markii wiilka la qabanayey ka dibna ay ka warheleen meydkiisa oo yaala goob qashinka lagu qubo oo ku taala degmadaasi taasoo argagax weyn ku abuurtay dadka ku nool degmada Xamarjajab oo ka mid ah meelaha DFKMG maamusho.

Wararka ayaa sheegaya in wiilka la dilay lagu eedeeyey inuu ka tirsanaa xarakada mujaahidiita Alshabaab, balse ma jirto wax cadeyn ah oo taasi loo hayo.

Qof xaafada ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in wiilka maanta la dilay walaalkiis horey ay  u dileen ciidamada DKMG isagana maanta la dilay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa warbahinta ku soo badanayey eelo iyo waalidiin ka cabanaya dil loo geystay wiilal ay dhaleen oo ay qabteen askarta dowlada ka dibna ay dileen.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Ciidamada Madaniga ah ee Degmada Buur-hakaba oo Gacanta ku soo dhigey Kooxo Burcad ah.
  2. Nin Dhalinyaro ah oo lagu dilay Boondheere
  3. Maydka Wiil Dhalinyaro ah oo si xun loo dilay oo laga helay Dharkaynleey
  4. Gudoomiyihii Madaniga Leego oo la Dilay
  5. Taliye ku xigeenka ciidamada Maxkamadaha ee Degmada Jowhar oo la dilay

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ciidamada Madaniga ah ee Degmada Buur-hakaba oo Gacanta ku soo dhigey Kooxo Burcad ah.
  2. Nin Dhalinyaro ah oo lagu dilay Boondheere
  3. Maydka Wiil Dhalinyaro ah oo si xun loo dilay oo laga helay Dharkaynleey
  4. Gudoomiyihii Madaniga Leego oo la Dilay
  5. Taliye ku xigeenka ciidamada Maxkamadaha ee Degmada Jowhar oo la dilay

Latest Headlines