Muuqaalka Reeraha iyo meesha ay deganaayeen
W/Q: Maxamuud Qorane Maxamed
Waa sheeko ka dhex dhacday laba beelood oo wada dega deegaano ka mid ah deegaanada soomaalida, waana dhacdooyinka inta badan ka dhex dhaca qoysaska soomaalida, mana aha wax lala yaabo in soomaalidu u dhaqanto sida aad ku arkidoonto sheekada iyo si lamid ah in ay ka dhexdhacdo waayo nolosha dadka Soomaalida ah ee miyiga dega ayaa u badan sida aad arki doonto.
Waa gu` barwaaqo ah oo aysan xooluhu dhaafin bowdka reeraha (banaanka u muuqdo reeraha), waa marka layiraahdo dabka lama qaado; waayo waxaa dhulka kabaxay oo daaq ah dartiis haddii ay dhuxul nool dhulka taabato waxaa gubanaya daaqii iyo noolihii kale ee uu dadka ka mid ahaa.
Waxaa is dhex daaqaya xoolaha (Geel, Lo`, Ari iyo Gamaan) waxaan ka maqneyn meesha ugaarta duur joogta ah oo dhulka banaanka ah ee degsiimada agteeda ah ayaan lakala garanyn ugaarta iyo xoolaha.
Waa marka la yiraahdo dabka lama qaado oo cawskii iyo daaqii ayaa meelwaliba buuxiyey , geeduhu waxay la liicliicayaan caleenta saraan, ciidana ma muuqato oo waxaa qariyey cowskii, xoolihii irmaanana waxay la candha go`ayaan caanaha, ubadkiina waxay yeesheen cabbaaryo .
Lo`oda iyo ariga waa la barqiyaa, mana dhafaan degsiimaha reeraha oo waxaysan la dhaqaaqi Karin barwaaqada dhulka dushiisa ka muuqata, inta aysan waxbadan maqnaanina way soo insaarixinayaan ayaga oo aan heyn Karin caanaha ku taagan.
Waa xiliga dhalinta ay ku mashquulsan tahay cayaaraha iyo haasaawaha, waana xiliga ay dhalintu ku kaftanto iskuna xifaaleyso cayaaraha dhexdooda , waana meelaha hal abuuradu ka muuqdaan laguna ixtiraamo hal abuurkiisa .
Bilowga saan saantii colaadda
Maalin ka mid ah maalmaha ayaa geelal kasoo kala foofay laba Beelood oo iska ag dhowaa ayaa iskusoo dhowaaday , laba rati oo sida qaansadii soo gotay qooq dartii oo labada geel ku kala jiray ayaa si kadis ah isugusoo dhowaaday .
Markay awrtii is aragtay ayaa midiba midkii kale soo aaday, geeljirtii oo caano ka dhergay kuna daalay jiifkii ay jiifeen geedaha hoostooda ayaa indhaha ku dhuftay labada rati oo iskusoo socda, mid waliba wuxuu kasoo booday geedkii uu hoos jiifay .
Labadii ratina wey isasoo gaareen oo mid waliba aburka tufayo shanqarka ka baxaysa miciyahooda laga maqlayo meel fog.
Labadii rati ayaa iskusoo booday oo mid waliba kan kale garbaha taakiyey, saa wiil ka mid ah labadii wiil ayaa ratigoodii ma ahee kiikale afka ul kaga dhuftay, saa waxaa ka faa’iideystay ratigoodii oo ratigii kale daro la legday oo kaga qadhqadh siiyey (Kaga cabaadiyey) dhulkana dhigay.
Halkaas marka uu xaalkii marayey ayaa waxaa is heyn waayey wiilkii ratigooda la isugu tagay saa wiilkii ratigooda usha ku dhuftay ayuu inta uu toori iska soo gooyey ayuu laba u kala jaray.
Ma ku fiicnayd in uusan wiilka Geel jiraha ah caradiisa fulin ee uu ku dhaqmo ama uu aqoon u lahaan lahaa Xadiithkii Nabi Muxamed (NNKH) oo macnihiisa ahaa (Ha caroon) xaalkana ratiga ma dhaafeen.
Qaylodhaantii iyo qaraxii dagaalka
Markiiba waxaa gaaray labadii reer qeyladhaantii iyo dhiiladii soo korotay oo qolo waliba waxay soo guratay wixii ay qalab dagaal ay heli kartay, hubka maalinkaas u badnaa ee lagu dagaalamayey wuxuu ahaa qorigii looyaqaanay ustarka iyo qoryo aanbadneyn oo ahaa dhoombir, waxaan meesha ka maqneyn warmaha iyo gaashaamada .
Marka uu dhibka dhacay haddii uu wax garad talin lahaa ciil ka badan Ratiga iyo wiilka geeriyooday ma aysan dhaafteen ee Caqligaa seexday.
Intii uusan gabbalkii dhicinba qolo waliba waxaa u yaalay dhimasho iyo dhaawac ka badan wiilkii geeljiraha ahaa ee ratiga usha ku dhuftay .
Habeenkaas qolo waliba wuxuu u ahaa habeen cabsi oo aan hurdada la ladin, dabna aan la shidin,waayo waxaa laga baqayaa qoladii dab shidda in lagu bidhaansado oo lagu gaado.
Markuu waagii baryey ayaa hadana la iskusoo laabtay ayada oo ay ku filaanweyday dhibkii dhacay shalay oo aan wali la xabaalin meydkii reeraha dhex daadsanaa, dhaawacna warkiisa iska daaye.
Maalinkaas labaad ayey dhacday tii lagu hoogoo lagu ba`ay qolo waliba waxay weyday ragii ay u taqaanay halyeyada iyo geesiyasha,
tirada dhimashada ayaa xisaab beeshay, waxaa isugu dhacay gabbalka .
Habeenkaas ayaa qolo waliba waxay guratay meydadkeedii iyo dhaawacyadii oo geysatay meel ay is leedahay wey ka fogtahay goobta dagaalka ,laakiin hadana waa habeenkii labaad oo waardiye ah oo laba cadow ay u dhaxeeyaan, qolo waliba waxay iska waardiyeyneyso oo ah qoladii ay dagaalameen iyo meydadka oo laga waardiyeynayo habar dugaag .
Maaliinkii sadexaad qolo waliba goonideeda ayey go`aan ugu gaartay in ay meydadkana aasato maxastana fogeysato illaa labada qolo wey is dhex deganayeen , colaadina ma dhex oolin tan ka horeysaye.
Waagii markuu baryey qolo waliba waxay isu qeybisay laba qeybood oo wixii rag ahaa waxaay u dareereen in ay xabaalaan maydadkii labada maalmood qaarkood yaalay, dumarkii iyo kuraydii yar yareydna waxaa loo diray in ay xoolaha qixiyaan ayada oo ay qolo waliba u qaxday meeshii uu degaankeeda u badnaa colaada ka hor.
Markay dhamaatay howshii aaska qolo waliba waxay ka daba tageen xoolihii iyo maatadii la qixiyey ayaga oo ku tashaday in ay usoo diyaargaroobaan dagaal danbe oo kaga aarguganayaan, hebelyaalana loogu aargudo.
Kala hayaankii Reeraha
Labadii reer waxay kala guureen masaafo aan mid waliba aan kan kale ku dooxateysan Karin oo aad uga durugsan degaankii lagu dagaalamay iyo dhulkii farxadda iyo nadda lagu daaqi jiray.
Waxaa la joogay afar sano oo aan labadii qolo midina tan kale ciilkii iyo caradii ay u qabtay uusan is dhimin, waxayna isu diyaarinayeen qalab gadasho iyo diyaar garow reer hebel loo diyaar garoobayo .
Mudadii ay dudadu nabadda aheyd ayaa waxaa haasaawe dhex maray wiil layiraahdo Faarax carkow iyo gabar la yiraado Cawrala Geedi oo ka kala tirsan laba beelood ee ay colaada dhex martay .
Wiilka iyo Gabadhana waxay ku balan sanaayeen in ay isguursadaan oo nolosha wadaqeybsadaan, laakiin waxaa kala fogeeyey dagaalka ay kiciyeen labada baarqab ee geelasha ku kala jiray.
Faarax carkow oo ay ka go`iweyday balantii iyo hashiiskii Cawrala iyo muuqaalkeedii quruxda loodhameeyey ayaa maalinkii danbe wuxuu go`aan ku gaaray in uu gabadhii ay balanta lahaayeen ee Cawrala ka wardoono iyo xaalkeeda meeshii uu ku danbeeyey.
Laakiin Faarax waxaa u muuqatay oo uu dareemayey khatarta ka sokeysa arinkaas iyo wixiii dhex maray labada reer.
‘Cilmi Bowdhari ayaa waxaa laga hayaa in uu yiri (sidii aad go`aygii tahiyo macawistaan goostay ama aad godkii aakhariyo geeri iga baajin gardarniyaa maxaan Hodab cabdaay kaaga go`i waayey).’
Sida caaadada dhaqanka Soomaalida ee reermiyiga ah marka uu qofka safrayo ama baadi doonayo sida badan wax sahay ah ma qaataan ee degsiimada uu ku safrayo ama baadida ka doonayo ayuu marba meesha markaas kuhoydo ama hargalo la quutaa waxa ay markaas ku marti sooraaan.

Related posts:
Horaa loo yidhi “afbaa billaawe bixiya” ninka ritigiisa inuu ceshadana wuu lahaa inuu awrta isu daayana waa wax la arki jiray laakiin inuu ritigiisa umariyo riti ninkii lahaa taagantahay oo afka jabiyo taa macnaheedu waa Rag waxuu yahay ma aqaano waxaasaana kadhashay.
Taas ma aha inaan taageerayo ninkaa dilkiisa laakiin hadaadan ka dhadheeraanin gardarada abaalkeedu noqonmaayo riti riti ugaraac e waa wixii hada kahor dhexmarey Raage Ugaas iyo Faarax Wiilwaal
Sheekadii shaxda ee dheereyd eey oogu dambeysay 2dii toxoid eey isdhaafsadeen mark faarax yidhi “nin adoogii dhawr qaalin dhalay qolana kuu sheegtay manalooba qoonsadey haduu gabadha kaa qatay”"”"
Waxaa kadhashay Sheekadii zamaan iyo zamaan marba jiilka soo kaca looga maahmaahi jiray waa weedhii ahayd “”"”nin adoogii toban qaalin dhalay qolana kuu sheegtay ma nalooba qoonsadey haduu rubada kaa qaaday”"”" wound dilay Waxaan kusoo koobayaa gobaygii ismaaciil mire ee ahaa “”"ragoow kibirka waa lagu kufaa taa halla ogaado”"”"
Waxay Soomaali taqiin waa yeelkiiye waa aragti gaabni la iska hiddo raacay in nin boqolle ah loo uurdooxaa rati ul lagu waabshay, arrintuna waxay ku tuseysaa in awrta iyo kuwa lihi xagga aqliga aysan wax badan is doorin haddey wax uun ku kala duwan yihiinna uu ahaa in qolana addimmada iyo eebo ku dirirto qolada kalena afka iyo ilig.
Isku soo duuboo sheekada ayaa aad u shabbahda sida sanawaad badan oo lasoo dhaafay soomaalidu u kala irdheysnaayeen sababteeduna ay tahay jahliga labada nin gayeysiiyay in ay isu malgaan xoolo ay dugaagga ka hor joogeen dartii, halkii haddii caqli fiyo ay qabaan laga filayay in ay u dhaqaaqaan sidii ay labada neef u kala fujin lahaayeen nin walbana geestiisa cadceedda uga harsan lahaa geed harac weyn hoostiisa.
Qoraaga waa ku mahadsan yahay sheekadan xiisaha iyo laxawga badan, waxaanan ka dhowreynaa qeybaha kale ee sheekada, maadaama uu sugitaankii nagu dheeraaday.
Raga way ka hoos sibatay , teeda kale geel jire xaalkiisaa sidaa ah.
Oo isku sabir ayaysaba aqoon!!
walahi waa mid la yaab leh dhacdadaas mesha ka dhacday runti waxaan filaa in aay qabsaden dad aad ubadan arinkaas mesha hada tagan
lkn horaa waxaa loo ogaa in digaal gel jiro ka dhaxdacay sinaba aaysan ku dageen runtiii oo waxaba laga yaba ina leyslaayo oo reraha aay kagala dhashten dadka ah geljiraha ah waxaan dhihi lahay walaalaheyga somaliyed mel walba aad jogtaa noqdo ku wii wax isku taro nana is canfaco ma fahanteen walalayaal