Shabakadda warbaahinta Somalimirror waxay munaasabadda ciidda Al-adxaa tahniyad u diraysaa ummadda muslimiinta ah meelay joogaanba gaar ahaan dadweynaha Soomaaliyeed, waxayna Ilaahay uga baryaysaa inuu sannadkaan midkiisa kale ku gaarsiiyo barwaaqo iyo baraare.
Munaasabaddaan barakaysan awgeed Shabakadda Somalimirror waxay shacabka Soomaaliyeed xusuusinaysaa xiriirka walaalnimo ee ka wada dhexeeya, waxayna ugu baaqaysaa inay Rabbigood u toobad keenaan, kitaabka Ilaahayna si wadajir ah u qabsadaan; si ay uga baxaan dhibaatada ku raagtay, ayna u gaaraan horumar adduun iyo mid aakhiroba.

Related posts: