Kolonyo Gawaadhi oo ay wateen ciidamada AMINSOM oo qarax lagula Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho ayaa keenay in uu halkaa ku bas beelo mid ka mid ah gadhaawidii qaraxa lala eegtay.
Gaadhiga ay Miinadu haleeshay ayaa ahaa nooca gaashaman waxaana gabi ahaanba baa’bay gaadhigii iyo wixii saaraaba ,miinada gaadhiga ku qaraxday ayaa lagu sheegay in ay ahayd kuwa meelaha fog fog laga hago.
Qaraxaas kadib waxa ay ciidamadii qaraxa lagu sameeyay isku wareejiyeen goobtii uu qaraxa ka dhacay iyo jidadka soo galaba waxaana sidoo kale uu hakad ku yimid isku socodkii gaadiidka ee deegaankaa.
Si cad faah faahin buuxa loogama hayo khasaraha rasmiga ah ee qaraxaa waxayna Xarakadda Shababaabul Mujaahidiin sheegatay falka lagu qaraxiyay gaadhigaa ayna ku dileen 4 Askari.
Dad ra’yid ah oo ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ku geeriyooday qaraxaas waxana tiradooda lagu sheegay 3 qof .
Ma jiraan ilaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Taliska Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho

Related posts:
Al xamdulilaah hadey maanta xanuun sadeen gaalada amison ee loo adeegsado dilalka islaamka kuna qaato mishaar in ee dilaan muslimiinta, waxaa lee yahay nooga baxa wadanka ama idinkoo sidaan ka xun baa idinla arki doonaa