Maxkmadda sare ee DKMG ah oo bayaan ka soo saartay khilaafka DKMG ah

Published on October 26, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Maxkamadda Sare ee DKMG ah ee Soomaaliya ayaa bayaan ka soo saartay khilaafka ka dhex taagan madaxda sar sare ee DKMG ah waxayna ugu baaqday in khilaafkaa la waara laga gaadho.

Bayaan ka soo baxay Maxkamadda ayaa codsi loogu jeediyay Xildhibaanadda Barlamanka KMG ah oo ka soo horjeeday kalsooni siinta Ras’iisal Wasaaraha cusub Maxamed C/laahi Maxamed “farmajo”waxayna Maxkamaddu sheegtay in ay lagama maar maan tahay in arintaa meel looga soo wada jeedsato isla iska daayo is qab qabsida soo jiitamayay ilaa 2004-tii

Bayaankaa waxaa sidoo kale lagu xusay in Madaxda sare ee Dalka laga doonayo in ay ilaaliyaan shuruucda u dagan dalka ayna noqdaan kuwo u hogaansama Dastuurka iyo Axdiga KMG ah.

Dhanka kale waxaa ay Maxkamadu qoraalkeeda ku soo hadal qaaday in Gudoonka Barlamanka laga doonayo in uu cadeeyo qaabka ansixinta Ra’iisal Wasaaraha cusub wakhtiga iyo qaabka cod bixintaba.

Maalmihii la so dhaafay ayay ahayd markii uu soo xoogeystay khilaafka soo kala dhex galay Xubnaha Barlamanka KMG ah kaas oo markii dambe u sii gudbay Madaxda DKMG ah gaar ahaan Sheekh Shariif Sheekh Axmd iyo Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Madaxda sare ee DKMG oo isla gartay Xalinta Khilaafka Baarlamaanka.
  2. Jaamacadda Carabta , Midowga Afrika, IGAD iyo Beesha Calaamka oo ka hadlay khilaafka ka dhex jira DKMG ah
  3. DKMG ah oo war qoraal ah ka soo saartay is casilaadaha ay sameeyeen 4-ta Wasiir
  4. Gudoomiyihii Maxkamada sare ee DKMG ah oo Baydhabo ku geeriyoodey.
  5. Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD oo Qayru Mas’uuliin ku tilmaamay Madaxda Sare ee DKMG ah

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Madaxda sare ee DKMG oo isla gartay Xalinta Khilaafka Baarlamaanka.
  2. Jaamacadda Carabta , Midowga Afrika, IGAD iyo Beesha Calaamka oo ka hadlay khilaafka ka dhex jira DKMG ah
  3. DKMG ah oo war qoraal ah ka soo saartay is casilaadaha ay sameeyeen 4-ta Wasiir
  4. Gudoomiyihii Maxkamada sare ee DKMG ah oo Baydhabo ku geeriyoodey.
  5. Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD oo Qayru Mas’uuliin ku tilmaamay Madaxda Sare ee DKMG ah

Latest Headlines