Kulankii Barlamanka KMG ah oo maanta baaqday

Published on October 23, 2010 by   ·   2 Comments   ·   print

Kalfadhigii Barlamanka KMG ah ayaa maanta dib u dhac uu ku yimid kaas lagu balansanaa in codka kalsoonidda lagu siiyo Ra’iisal Wasaare Maxamed C/laahi Maxamed “Farmajo”.

 Baaqashada Kulanka Barlamanka ayaa lagu sababeeyay dib u dhac dhanka farsamada ah oo la soo gudboonaaday Gudoonka Baralamnka ,waxyana Xildhibaanto ka tirsan Barlamanka Warbaahinta Maxaliga ah u sheegeen in sababta dib u dhacaaas ay ku macneyn karaan xaalad Amni xumo oo laga dareemayo Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dib u dhacaas ayay sidoo kale lagu sheegay in uu ka dhashay is khilaaf ka dhex jira Xubnaha Barlamanka oo ku kala aragti duwan Magacaabista Farmaajo.

Dhamaadii isbuucii tagay ayay ahayd markii ay Xubnaha Barlamanku kulan isugu yimaadeen si ay u gorfeeyaan kalsooni siinta Ra’iisal Wasaaraha cusub ee DKMG ah Maxamed C/laahi Maxamed “Farmajo”wuxuuna kulankaas xiligaa ku soo gaba gaboobay is af garan waa iyo buuq.

Warar hoose oo ay Somalimirror heshay ayaa sheegaya in Labada Xildhibaan ee lagu kala magacaabo C/rashiid Maxamed Xidig iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame ay xubnaha Barlamanka u gala qeybiyeen muxafid iyo mucaarad kala taageersan ansixinta Ra’iisal Wasaaraha iyo diidmadiisa.

Lama saadaalin karo waxa uu ku soo dhamaan doono kulanka Barlamanka ee lagu wado in uu qabsoomo maalmaha soo socda iyo sida ay ku hirgali doono kalsooni siinta Maxamed C/laahi Maxamed “Farmajo”.

  



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. C/raxmaan Maxamed “faroole” oo Maanta furay kal fadhigii 24-aad ee Barlamanka Puntland
  2. Xubnaha Barlamanka oo kulan yeeshay kuna baaqay in lala xisaabtamo Xukuumada cusub
  3. Wakhtigii loo qabtay in Xukuumada Cumar C/rashiid lagu horgeeyo Barlamanka oo maanta ku eg
  4. Gudiga qaban qaabada Doorashada Barlamanka KMG ah oo sheegay in Jimcaha ay noqon doonto maalinta doorashada
  5. Kulanay yeesheen Xildhibaanada Barlamanka KMG ah oo khudbado looga dhageysanayay 5 Musharax oo uu buuq hareeyay

Readers Comments (2)

  1. abdilaahi says:

    kala aragti duwanaashaha barlamanka waa waxaan ku cusbayn dhagaha shacabka somaliyeed, waxaasi xaqiiqa ah in madaxweynaha hadda xilka haya sheikh sharif iyo raiisal wasaare farmaajo labaduba ay khibradooda siyaasadeed hoosayso una babac dhigikarayn ninka ah gudoomiyaha barlamaanka oo marar hore kusoo lug yeeshay khilaafyo siyaasadeed oo farabadan . dhanka kale waxaa iyana meesha ku jirta talada beesha caalamka oo rabta in raiisal wasaare waxyar uun laga garanayo jujub lagu ansixiyo, halsano kahor khilaag noocan oo kale ah waxaa xilkoodii ku waayey abdilahi yous iy nuur cadde , su aashu waxay tahay bal aan eegno dawlada taagta yar halka ay cago dhigandoonto

    dhanka kale waxaa iyana jira khilaaf laga sheeyayey in uu u dhaxeeyo madaxda mucaarad ah waxaase arinkaasi si xoogan u buunbuuninaysay idaacada voada ee maraykanku leeyahay hase yeeshe ma jiro wax khilaaf ah oo cad oo ilaa iyo hada la taabankaro oo u dhexeeya madaxda alshabab waxayse idaacadu isticmaalayeen waxa afka qalaad lagu yidhaahdo ” the mere exposure effect” oo ah wax kasta oo lagu celceliya waa uu sugmaa oo waa laga dhaadhicinkaraa quluubta dadk dhagaystayaasha sida xayiiysiiska ay shirkaduhu xaysiiyaan mararbadan alaabo ay suuq u raadinayaan ,

  2. cali says:

    runahaantii aniga waaban layaabanahay niman iskusheegayo ineey yihiin madaxdii wadanka oo haddan iskubuuqaayo marma marka kadanbeeyso waxaan kaloon layaabanahay shirkii baa dib udhacay maalinkale halisku soo laabto run ahaantii waa wax lalayaaboarinkaas horay ayaa waxaa looyiri god qiyaano haqodin hadaad qodidna hadheereen kudhici doontidaa lama ogee marka waxaan dhihi lahaa war waxaad ka ogtihiin madax malaha ee meesha halagatago




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. C/raxmaan Maxamed “faroole” oo Maanta furay kal fadhigii 24-aad ee Barlamanka Puntland
  2. Xubnaha Barlamanka oo kulan yeeshay kuna baaqay in lala xisaabtamo Xukuumada cusub
  3. Wakhtigii loo qabtay in Xukuumada Cumar C/rashiid lagu horgeeyo Barlamanka oo maanta ku eg
  4. Gudiga qaban qaabada Doorashada Barlamanka KMG ah oo sheegay in Jimcaha ay noqon doonto maalinta doorashada
  5. Kulanay yeesheen Xildhibaanada Barlamanka KMG ah oo khudbado looga dhageysanayay 5 Musharax oo uu buuq hareeyay

Latest Headlines