Diblomaasiyiin Sar sare oo ka tirsan Maraykanka ayaa sheegay “shalay” in Maryakanku uu qorsheynayo kala doorashada qaabkii uu ku caawin lahaa ciidamadi Midowga Afrika ee loo diri doono Soomaaliya iyadoo Golaha Amaanka ee QM arintaa lagaga doodi doono mudo 30 maalmood gudahooda.
Gacan yaraha Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Maraykanka Johnny Carson ayaa sheegay in Uganda iyo Wadamo kaleba ay siyaar u yihiin in ay ciidamo dheeri ah geeyaan Soomaaliya si ay uga mid noqdaan kuwa AMISOM ee Soomaaliya ka howl gala ee lagu wado tiradoodu in ay gaadho 7200 ee Askari halkaana u jooga xasilinta Soomaaliya iyo iska caabinta Maleeshiyaadka Islaamiyiinta ah ee DKMG ah ka soo horjeeda waa sida uu hadalka u dhigaye.
Carson oo ka mid ah Diblomaasiyiinta Maraykanka ugu waa weyn Qaaradda Afrika ayaa hadalkan ka sheegay Mac’hadka Cilmi Baadhista ee Washington wuxuuna yidhi “anagu waxaan taageeraynaa mabda’a ah in la kordhiyo ciidamada xaga dhulka lakin arintaa uma qaadaneyno mid lagu isku raacsan yahay (tiradda Askarta ) ee halkaa aadi doonta”
Waxa uu intaa ku daray “arintaa waxaa ka doodi doona Aqalka Saned-ka wuxuuna kadib intaa hor geyn doonaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay mudo 30 Casho gudaheed ah”.
Waxa uu dhanka kale xusay in Dowladda Maraykanku ay ciidamada AMISOm siisay lagac gaadhaysa 229 Milyan oo Dollar si ay lacagtaa ugu qabtaan arimaha Bini Aadaninimo sidoo kalena ay uga faa’iidaystaan arimahooda Military ,wuxuuna intaa sii raaciyay in wax badan aysan arintaa ka hir galin.
Waxa uu soo hadal qaaday arinta la xidhiidha ciidamada loo diri doono Soomaaliya in ay ku iman doonto si deg deg ah waxaanu yidhi Carson”waxa uu howlgalkaa noqon doonaa mid dheer isku dayadiisuna ay mudiyo ku jiraan mararka qaarna adag”.
Hadalkan ka soo baxay Diblomaasiyiinta Maraykanka ah ayaa ku soo beegmaya xili uu Midowga Afrika meel mariyay in 20 kun oo Askari loo diro Soomaaliya ku ay u xoojiyaan DKMG ah ee Soomaaliya meeshana uga saaraan Xoogaga kacdoonka kala soo horjeeda .

Related posts:
ma anaa moodey mase Somalimirror waxbaa iska badaley mudana hawada wayka maqnaayeen.
BISMILLAAH.
…..ALLAAH SUBXAANAH baa cidwalba ka xoog wayn……………..
maraykanku waa kansarka aduunka dhibka ku haya waxuu kulansaday cudaradii aduunka jiray oo dhan , kufri, yuhuudnimo, akhlaaq xumi, dhiigmiirad, abaar, tuuganimo, musuqmaasuq,jahli, dabaalnimo, doqonimo, fasaad, waali, isdil, isdaldalid, namiimnimo , jaajuusnimo, iyo dhilaysi iyo qowmuluudnimo , iyo naxariisdarro iyo baaba’ iyo hoog aduun jiray.
haddaba gaalkaas qurmay baa raba inuu iska dhigo MAAMULIHII ADUUNKA LAHAA SUBXAANALLAAAH
war yaan laga baqin kaafirkaas qurmay ee gaalka ah ee aan xishoodka lahayn.
MUSLIMOOOOOOOOOOOOOOW BARAAAAAAAAAAAAAAARUG.
WALLAAHU ACLAM.
binfaqiih@hotmail.com
aniga fageradahan keegaa maa aqabo ine somalia ciidan loo diiro sababtoha kowe joga ayaa kaa badan kuwaa laa keenayo kuwase ayaa xale kenilahaye haba yarate ee waxa aqaba ine ayaga ciidan lagaa dhexe abuuro miida kale oo haa mareykanaka ciidan ayaaa keeyna wadan ayowe waxoowe fan moodaaye ware waxa ku sii xumana mahe waxa kumaa hagaga wadanabadan ayowe cidamo geeyey waxa faa idana kama keenini qasaro mahe wadan hadi dadkiiso bahan ciidan kale waxa lagu siiyo dadka cadawade ayaye kaa qadayan mahe wanage mahaa