Sarkaalkii Hay’ada Save the Children ee Cadaado laga afduubey oo madax furasho lagu sii daayey.

Published on October 20, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Wararka laga helayo Degmada Cadaado ee Gobolka gal-gaduud waxey sheegayaan in dib loo sii daayey Sarkaalkii ka tirsanaa Hay’ada Save the Children ee khamiistii Isbuucii hore halkaa laga afduubey.

Sida ay qortey Wakaalada Wararka ee AFP, sarkaalka dib loo sii daayey oo lagu magacaabo France Bernard ayaa lagu sii daayey Lacag madax furasho oo dhan Boqol kun oo Dollar oo laga siiyey danbeydii horey u afduubtey.

Wararka ayaa intaa ku daraya in sarkaalka lagu sii daayey wadahadalo dhex marey Maamulka xibin iyo xeeb iyo danbeylda afduubatey, Hay’adii uu ka shaqeynayeyna qeyb ka aheyd.

Bernard oo khadka Talefoonka kula Hadley Wakaalada AFP waxa uu sheegay inuu caafimaad qabo kuna sii jeedo Magaalada Cadaado oo horey looga soo afduubey.

Sarkaalkan oo u dhashey Dalka Ingiriiska ayaa in muddo ah ka shaqeynayey dalka Soomaaliya, waxa uuna Hay’ada Save the Children oo ku tirsanyahey ugu qaabilsanaa dhanka amaanka iyo fududeynta howlo ay halkaa ka fuliso.

Magaalada Cadaado oo uu ka jiro Maamul deegaan oo gaara, waxaa lagu tiriyaa Magaalooyinka Gobolada dhexe, gaar ahaan Gal-gaduud kuwa ugu xasilan, balse dhawaan waxaa ka dhacey qul-qulatooyin ay geysteen Maleeshiyaad sheegtay iney ka tirsan yihiin Maamulka Ahlu Sunna.

Xigasho; alrai.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Markabkii Yemen oo madax furasho la’aan lagu sii daayey
  2. Markab laga leeyahay Dalka Norwey oo Madax Furasho lagu siidaayey‏
  3. Labo Sooro oo Kenya laga afduubey oo dib loo sii daayey
  4. Saraakiil Q.M u shaqeynayey oo Deg. Waajid lagu afduubey.
  5. Markabkii Ukraine ee Hubka siday oo madax furasho 2 Milayn oo Dollar ah lagu sii daayay

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Markabkii Yemen oo madax furasho la’aan lagu sii daayey
  2. Markab laga leeyahay Dalka Norwey oo Madax Furasho lagu siidaayey‏
  3. Labo Sooro oo Kenya laga afduubey oo dib loo sii daayey
  4. Saraakiil Q.M u shaqeynayey oo Deg. Waajid lagu afduubey.
  5. Markabkii Ukraine ee Hubka siday oo madax furasho 2 Milayn oo Dollar ah lagu sii daayay

Latest Headlines