Golaha amniga dalka boqortooyada Ingiriiska ayaa warbixin ku saabsan amniga qaranka Ingiriiska kaga digey in dalka Ingiriisku uu ku sii jeedo xaalad mugdi ah, iyadoo ay kusoo wajahan yihiin khataro kala duwan, oo aanan la koobi karin, aadna u qallafsan, marka loo eego kuwii horay loo yaqiin.
Warbixinta ayaa tibaaxday in xilligii dagaalkii qaboobaa uu dalka Ingiriiska ku jiray khataro halis ku ah jiritaanka dadka Ingiriiska ah iyagoo ka baqi jiray in uu weerar kaga yimaado dowlad cadow ah oo adeegsaneysa awood ciidan amabase hubka halista ah ee sida ba’an wax u gumaada, kaasoo ogaanshihiisa lala socon karay ilaa iyo xad, hase yeeshee ayay warbixintu tiri khatarta maanta uu dalku ku jiro aad ayey uga duwan tahay taas jirtay xilligigii dagaalkii qaboobaa.
Warbixinta ayaa tilmaantay in ururka Al-qaacida in uu yahay halka ay cabsida ugu badan ka qabaan hase yeeshee waxaa jiri kara ayey raacisay afkaaro kale oo aanan wali soo shaac bixin asii la halis ah taa hore.
Istiraatiijida ilaalinta amniga ayaa qeexday in cabsida ay qabaan ay ka imaneyso saddex jiho iyadoo aanan xusin sida ay isu xigaan kuwaas oo kala ah.
Dalalka reer galbeedka ayaa aalaa soo saara warbixino ceynkan oo kale ah mararka ay doonayaan in ay meelmariyaan mooshinno la doonayo in ay ku banneystaan ku xadgudubka dadka qaxootinnimada ama magangalyada siyaasadeed ama aadaminimo ku joogo dalalkooda iyagoo sidaa ku kasbada kalsoonida shacabka si ay codad uga helaan xilliyada doorashooyinka.
Intii aanan dagaalka lagu qaadin Ciraaq ayaa lagu xusuustaa in ay soo bixi jireen warbixino ceynkan oo kale ah kuwaas oo tilmaamayay in Ciraaq ay halis ku tahay jiritaanka iyo masaalixda adduunka oo idil si halistaa looga badbaadana loo baahan yahay in looga hortago meesheeda.

Related posts:
BISMILLAAH.
…….cabsidaasi waa ciidan RABBIYE muslimow baraarug…………..
ciidama RABBIGEEN yaa koobi kara ? jawaabtu waa cidna , haddaba haddii gaalo ismooday inay saas isaga dhex mushaaxaan dhulka RABBI ugu tala galay in asaga mooyee aan cid kale lagu caabudin bay ku wasakheeyeen kufri iyo fasaad
iyo akhlaaq xumi.
muslimkii la rabay inay xaqqa u gargaaraana waa kuwaas oo gaalada hunguri ka raadinaya oo meel kasta la taagan gaaladu waa dad fiican waana la yaab in kuwii soomaalida ahaa ay maanta ka sii liitaan kuwii sheegan jiray qunyar socodka carabta.
waxaa la yaab leh in markii muslimiintu guushu u soo dhawaataba in la arkayo kuwo sheeganaya muslimiin oo weerar ku ah muslimiinta iyo ISLAAMKA .
gaala saas bay kaaga baqaysaa haddaad muslimiin
tihiine maxaa daciif idinka dhigay oo gacmaha ugu hoorsanaysaan gaalada naftana ugu huraysaan sidaad qaxooti ugu noqon lahaydeen dhul gaalo boob ku haysato.
muslimoow baraarug oo ka faa’idayso fursadaas RABBI KUUGU DEEQAY.
u gargaara mujaahidiinta meel kasta oo ay aduunka ka joogaan waana karaamadii umadda muslimiinta ah.
WALLAAHU ACLAM.
binfaqiih@hotmail.com
Salaamulaah
waa Mahadsan yahay walaalkeena warbixinta qoray,waxaana allaah leeyahay Amark kiisa hore iyo kiisa dame,sidaas darteed gaalo way jabayaan gooray jabaanba,taladana waxaa lamakanin doonaa Cidii istaahisha ee maaha sheegasho iyo inlajilo afkaar aan lagu gaari karin in gaaladda laga hoos baxo,ilaa maaliintii Maxkamadahu soo baxeen dadka qurbaha kunooli waxay ahaayeen diyaar inay kaguuraan dhulka gaaladda,waficlan waxaana u
daliil warbixintii laga diyaariyay in 4000 oo caailadood ay kasoo hayaamay dhulka gaaladda,laakiin “Macal asaf”dib ayay unoqdeen markii ay waayeen Amaankii dhulkooda ay kujoogi lahaayeen.
Kadib waxay naf iyo maal kubixiyeen inay kaqaybqaataan dagaalkii lala galay Axmaaradda si dhulkooda ugu noolaadaan,nasiib daro Laakiin waxaa dib ubilawdaw istaraatiijiyadii 90-kii ee warlordka oo islaamiyiin ah.
Markaa akhii bin faqiih sidee uga baxnaa Gu,nimadda Hadii dhulkii soomaali lahayd lagaran waayay in lagu heshiiyo,mustaxiilna ay tahay inlakala adkaado waayo soomaali keliyii dagaalamimaysee waxaa dagaalka kujiro Mukhaabaraatka dunidda siloo waayo soomaali qudha.
Markaa Ama haogaado ama yuusan ogaan walaalka Isleh xalbaad keligaa keeni kartaa inay tahay Dream,farkeliyiina fool madhaqdo, nin aan walaalkiisii lacaqiido ahaa wadana magaranayo inuu gaari karo istaraatiijiyada uukuriyoonayo, umadda soomaaliyeedna waa dadka ugu badan ee loo goodinayo waayo caanbay kanoqdeen dalalka reer galbeedka waxaana lagu sheegaa inay yihiin dad afkaar adag umadaha muslimiinta ah ee kunool yurub iyo Ameericana kacaqiido fiican kana iltizaam badan,markaa hadana hadafka loo dam iyo jugleeyahay waa in sida walaalka maqaalka qoray lagu banaysto cirdigooda iyo sharafkooda hadaan ilaahay faraj kale keenin.
wasalaamu calaykum
Ha cabsanina hana murugoonina idinka ayaa guusha ku hari doono hadaa muslimiin tihiin guushana waa sharaf sharfna waxaa lagu gaaraa awood ad adkaan geesi nimo dulqaat shartana waxee u hareesaa allaah iyo rasuulkiisu scw iyo dadka muminiinta ah