Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q: 20aad.

Published on October 19, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Suurada 70aad Al-Micraaj:
Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Micraaj oo ah Macno ahaan kor u fuulid, maadaama ay Suurada soo Hadal qaaday Malaaigta Samada Kor u Fuusha, waxaa kaloo Suuradan loo yaqaan Sa’ala oo ah kalimad ay ku Bilaabato Suurada.
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 44Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Xaaqqah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilowga Qeybta labaad ee Juzka 28aad.
Macnaha Guud ee Suurada Al-Micraaj:
Suuradaan wax ay aad u Faahfaahisaa Arimaha ku Saabsan Caqiidada Islaamka Gaar ahaan waxey si gaar ah uga Hadshaa Qiyaamha iyo xaaladaha ka jiri Doono marka Meesha la tago, waxa ayna Suurada Dadka Xasuusisaa in Dadka Qaarna ku Hoogi Doonaan, Qaarna Maaliankaas Nicmo oo dhan Halkaas ka heli Doonaan we
Suuradaan waxa ay aad u Naqdisaa Dadka Beeniya Jiritaanka Maalinta Qiyaamaha ee Diidan in Geerida ka Dib ay Jirto Nolol kale iyo Xisaab, taasoo ay ka Dhalaneyso in Qof walba laga Abaal marin Doono waxuu kasbaday intuu Aduunka Joogay.
Suurada 71aad Nuux:
Suuradan waxaa loogu Magac daray Nuux oo ahaa Rasuulkii ugu horeeyay ee Diinta Toowxiidka ugu yeeray markii Aduunka uu ku Biloowday Shirki iyo Kufri.
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 28 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Naxl ka dib, Musxafkana Juz ahaan waxey kaga Beegan tahay Bilooga Qeybta labaad ee Juzka 28aad.
Macnaha Guud ee Suurada Nuux:
Suuradaan waxa ay ka hadahashaa Asalada Caqiidada Islaamka, waxa ayna Suuradan si Faahfaahsan usoo Tabisaa Qisadii nabi Nuux oo ahaa Nabigii ugu Dheeraa Xaga Zamanka uu Dacwada waday Dadaal weyna ku Bixiyaysidii ay Qoomkiisa Toowxiidka u Qaadan lahaayeen, wallow Dad yar uun Dacwo ahaan Ajiibeen, taasoo Macnaheedu yahay in Dadka Ducaada ah looga Baahan yahay in dacwada waqti badan galiyaan, oo aysan ka Daalin Hadii laga Ajiibo iyo hadaanan laga Ajiibin, maxaa yeelay Gaarsiinta Dacwda waxa ay ka mid tahay Cibaadooyinka Alle (Cw) loogu Dhawaado Xataa hadaanan Qofna kaa Aqbalin.
Sidoo kalana Suurada Nuux waxa ay Dadka ku Baraarujineysaa Goobaha dacwda la gaarsiinayo iyo saacadaha dacwada laga Shaqeynayo iyo Nidaamka loo Gaarsiiyo Dacwada.
Nabu Nuux waxaa uu Sheegay in uu Dacwda Gaarsiinayay Qoomkiisa Habeen iyo Maalian arintaas oo Tuseysa Diinta Faafinteeda in Habeean iyo Maalinba loo Baahan yahay in laga Shaqeeyo, sidoo kalan Nabi Nuux waxaa uu Sheegay inuu Dacwada si sir ah iyo Iclaan ahba u Faafinayay, taasoo Macnahedy yahay in Dacwada looga Shaqeyn karo Qalabka manta Dunida yaal ee casriga sida Taleefoonada iyo Warbaahainta kala Duwan.
Suuradaan waxaa kaloo laga Faaiidaa in Dadka Marka Diinka laga hadlayo Dacwada looga Bilaabo in Alalaah loogu yeero sida Nabi walbaba Cadada u aheyd inuu Dacwadiisa Toowxiidka ka Bilaabo.
Suuradana waxaey Dadka ku Baraarujisaa in Dacwada Towxiidka hadii si xasan oo Dhab ah loo Qaatoi Miraheeda lagu arko Aduunka sida in Roob Fiican Beeruhu Helaan, Maal iyo Caruur badana in lagu helo.
Suuradan waxaey kaloo Nagu baraarujineysaa Dhibaatada Nabi Nuux ku Gaartay dacwada iyo sida ay Qoomkiisa uga Dhabar adeygeen in ay Xaqa Aqbalaan ayagoo ku kadsoonaa Cibaado ay u Sameyn Jireen Taalooyin ay u Dhiseen Dad Saalixiin ahaan jiray ayagoo u heesta jid saxan in ay Cagta ku hayaan.
Waxaa kaloo Suuradan laga qaadanayaa in Waalidka loo Duceeyo Geerid Asadooda ka dib sidaba Nabi Nuux uu ugu Duceyay labadiisa Waalid iyo Mumniinta oo dhan.
W/Q: Cali Axmad
asadxg@hotmail.com
Sideen u fahamnaa Qur’aanka?.
Q: 21aad.
Suurada 72aad Al-Jinni
:
Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Jinni Maadaama si aad ah auu uga Sheekeyso Jinniga Makhluuqa la yiraahdo, Jinniga waa Qeyb ka mid ah Uunka Caqliga lagu Beeray, waxaa uuna Mukulaf u yahay Sida Insaanka oo kale waana Xaqiiq jiritaankiisa.
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 28 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Acraaf ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay bartamaha Qeybta Labaad ee Juzka 28aad.
Macnaha Guud ee Suurada Al-Jinni:
Suuradan waxaa ay Guud ahaan la mid tahay Xaga Manhajka Suuradaha Madaniga ah waxa ayna faahfaahisaa Asalada Caqiidada sida Toowxiidka, Risaalada, Soobixinta iyo Abaal marinta Malinta Qiyaamaha.
Suuradan waxaa ay si gaar ah uga hadashaa Jinniga oo ah Abuur Xaqiiq ah oo ka mid ah Abuurada Alle (Cw) Abuuray ee Caaqiliinta ah sida Maalaaigta Insaanka oo kale.
Jinniga inuu yahay Abuur jira waxaa Daliil u ah Nusuusta Sharciga (Kitaabka Sunnaha iyo Ijmaaca), iyo Waaqica Insaanka ku nool yahayba.
Maxaa laga Abuuray Jinniga?.
Jiniga Asal ahaan waxaa laga Abuuray Dab halka Insaanka laga Abuuray Ciid, Malaaigtana Nuur, arintaas waxaa ay Muujineysaa in ay sadax Caalam kala yihiin oo kala Duwan maadaama ay Abuur ahaan kala Duwan yihiin, sidaa darteed waxaa laga Maarmaan ah inaan Xaqiiqda Jinniga ka Faaloono Maadama uu yahay Abuur aan Indheena lagu arki Karin sidaba Malaaigta aan loo arki Karin oo kale.
Goorta la Abuuray Jiniga:
Jinniga waa Abuurka mid ah Adoomada Alle waxaa uuna ka kooban yahay inta Dadka Insaanka ah ka kooban yihiin oo kale waxaa uuna ahaa Abur ahaan ka Horeeyay Insaanka taas waxaa Daliil u ah Markii uu Alaah (Cw) Abuuray Aadam waxaa joogan koonka Hortiis Ibliis oo ka mid ah Jinniga, Markii la yiri u Sujuud Aaadam waa kii Diiday oo yiri Anaa ka Kheyr badan, kuna Faanay in Asaga Dab laga Abuuray.
Sababta loo Abuuray Jinnga:
Jiniga waxaa loo Abuuray inuu Alle Koonka ku Caabudo sidaba Insaanka Cibaadada Darteen loogu Abuuray, sidoo kalana Koonka oo dhanba waxaa uu Allaah u Abuuray Cibaadadiisa Darteed, mana jiri wax Koonkan ku Dhex jira oo anan Alle Cabuudin ha ahaado Malaaig, Insaan Jinni,Geedo, Biyo, xawayaanada kala Duawan Shimbira iyo Xasharaadka.
Waxaana xasuusin Mudan wax Caasinimo la yimaada ama ilooba Cibaadada ama ka Kibra Cibaadada Alle (Cw) waxaa ka jira Qaar Insaanka iyo Jiniga ka Mid ah sidaa darted ayuu Allaah waxaa uu Naarta u Abuuray inuu ka Buuxiyo Jinni iyo Insaan Fara badan oo Caqligooda iyo Aragooda iyo Maalkooda iyo Mansabkooda ku Kadsoomay oo diiday in ay Allaah (Cw) kaliya Caabudan.
Jinniga Noocyadiisa:
Jinniga waxaa uu ka Kooban yahay noocyo kala Duwan Xag walba hadey tahay Xaga Jinsiga hadey tahay Xaga Imaanka iyo Kuafriga, xaga Faqriga iyo Maalka, marna waxba kama Duwana Insaanka iyo Noocyada uu kala Qeybsamo.
Tusaale ahaan Jiniga waxaa uu leeyahay Lab iyo Dhedig waxaa uuna u Farcamaa sida Dadka u Farcamaan oo kale, Xaga Diinka iyo Imaanka waxaa ka mid ah kuwa Ahlu Towxiid ah oo Toosan, kuwa Gaalo ah (Yuhuud Nasaaro ama Mushrikiin) waxaana xasuusin mudan Gaalad oo dhan iyo kuwa ka Hor yimid Diinkii nabiyada in uu Hogaaminayo Maalianta Qiyaamaha Marka la tago Ibliis oo ay Calankiisa ku Hoos Safan Doonaan, Taad oo Macnaheedu yahay Ibliis oo ka mkid ah Jinniga inuu yahay kan ugu sareeya ugu Madaxsan Gaalada.
Awooda Jinniga uu leeyahay:
Jiniga waxaa uu Allaah Awood u siisay in ay Hawada ku Dhex duulaan, ama in ay is Dul koraan ilaa ay isku Dayaan in ay soo Dhageystaan Malaaigta samada Joogta, walow markii Dambe ay Culeysyo kala kulmeem koritaankii Samada, taasoo keentay in ay Baaraan sababta loogu Diiday iyo waxa soo kordhay, waxaana Baaritaankii ay Dhulka ka Sameeyeen ku Ogaadeen in Nabi Cusub lasoo Saaray.
Jinniga Xaga Muuqaal ahaan Insaanku ma awoodo inuu arko taasna waxay tuseysaa Alle Awoodiisa weynideeda, iyo inaan Ogaano Alle waxuu Abuuray waxey ka Kooban yihiin wax aan Awoodno inaan aragno iyo wax aanan arki Karin.
Jinniga Maadama uu yahay wax Insaanka ka Qarsoon waxaa ay Dadka qaar u Qaateen arintaas in ay ka Dhalaneyso inuu Jinniga ogaan karo wax badan oo uusan Insaanka ogeyn, taasna waa Arin gaf ah, Maxaa yeelay jiniga waxaa uu ogaan karaa waxuu Arko ama Maqlo ama loosoo tabiyo kaliya sidaba Insaanku u ogaan karaan, laakiin waxa qarsoon ee anan Cidi ogaan Karin sida Berito waxa dhici Doona oo kale waxba kama ogaan karaan Jinniga ,
waxaana Qur’aanka Allaah ku Sheegay markii Nabi Suleymaan Geeriyooday in Jinniga uu ka mid ahaa Ciidan Howlo u hayay Nabi Suleymaan, Howshiina aysan joojin ayagoo u Heesta Nabi Suleymaan inuu Nool yahay, hase yeeshee inuu Geeriyooday waxa ay ogaadeen Markii ushii uu Cuskanaa Aboorka Cunay, taasoo muujineysa in aysan ogaan Karin waxa qarsoon ee uu Allaah (Cw) kaliya yahay kan ogaan kara iyo Rusushiisa wixii uu waxyi ahaan ku Gaarsiiyo. maahne
Jiniga Dacwada yaa Gaarsiiya? .
Jiniga waxa ay Dacwada ka qaataan Insaanka Nabiyada loosoo diro sida Saxiixa ah, waxaana Arintaas Daliailka koowaad u ah in Dacwada Diinta Islaamka ka Qaateen in ay Maqleen Nabiga (Scw)oo Salaad Subax ku Tushinaya Suuqa Cukaatha qaar ka mid ah Saxaabadiisa taasoo keentay in ay Dacwada Diinta Islaamka ku dhex faaftay markaas wixii ka dambeeyay.
Insaanka iyo Jinniga:
Intii anan Nabi Muxamad la soo saarin Dadkii ku Noolaa Jaziirada Carabta oo Diin ahaan ahaa Dad Mushrikiin u Badn ayaa waxa ay Aaminsanaan jireen in Jinnigu leeyahay Awood weyn, sidaa darted markii ay Safarada galaan ee ay Dhulka Banaanka ah ku Safrayaan waxa ay Magan ka Dalban jireen Jinniga Banaanadaas Dagan, aygoo Dhahaya waxaan Magan u Nahay Boqorka Jiniga halkaan Dagan si uu nooga Ceshada Ciidankiisa in ay Dhibaato noo geystaan, taasoo sababtay in Jinnigii Kibir iyo Xad gudub usii Kordho.
Waxa hada jira dad Badan oo Xoolo siiya ama u Goowraca ama Cunooyin u Daadiya ayagoo magan iyo Nabad ka Dalbanaya Diintey Doonaanba haku Abtirsadeene, waxaana Caadi ah oo la yaqaan inuu Jinniga Maalinba Maalinta ka Dambeysa ku sii Kordhiyo Dalabaadkiisa iyo Culeyska uu ku haayo si ay usii Badiyaan Xooloaha ay u Bixiyaan, taasoo Muujineysa in aysan sax aheyn in sidaas loola Dhaqmo, Dhaqankaasna waxaa uu ahaan jiray Dhaqn ay lahaayeen Dad Mushrikiin ah, marka waxaa wanaagsan in dad Muslmiinta ah in ay ka Digtoonaadaan inay Mushrikiin u Dhaqan ekaadaan.
Sidee lagu Daaweeya Dadka Jinniga Qaba? .
Waxaa waaqicyan loo arkaa in Dadka qaar Bukoodaan ayadoo Jirida heysana aysan aheyn wax Muuqda ama la Taaban karo, waxaana Dhici karta in Qof la waasho jirooyinka Noocaas ah, ama Xubno Jirkiisa ka mid ah Dareenka ka tago, ama Lugaha laabmaan ama Gacmaha ayadoo aysan heynin Cudaradii Neervo ahaan sababi karay Xanuunadaas, marka hadii ay sidaas oo kale Dhacdo waxaa loo baahan yahay in Qofkaas loo Daaweeyo Ruux ahaan, oo lagula Dadaalo in Dad Dhowrsoon oo Cilmi iyo Diin leh Qur’aanka Saaraan (ku Tufaan) ayadoo laga Fogaanaya wax walba oo sababi kara Jinka inuu kusii Xidideysto Ruuxa Bukaanka ah sida in Xoolo loo Gowraco ayadoo Raaligalin looga dalbanayo, ama Cunooyin loo Kariyo ama Xaflado lagu Durbaantunto loo Sameeyo maxaa yeelay taas marna Daawo uma Noqoneyso.
Waxaan kusoo Koobayaa Qoramadeydan Dadka Muslmiinta ah waxaa looga baahan yahay in Diinkooda Daawo ka Dhex raadsadaan, waxaana Tijaabo ahaan la arkay Dad badan oo Dhakhaatiir Caan ah ka daaleen Dalka gudahiisa iyo Debadiisaba in ay ku Bogsoodeen Qur’aan lagu Tufay kaliya, ayadoon Daal iyo Waqti badan intuba ku Bixin, Gaf iyo Dembina Allaah (Cw) laga galin
W/Q: Cali Axmad
asadxg@hotmail.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q: 20aad.
  2. Sideen u fahamnaa Qur’anka Q: 19aad
  3. Sideen u Fahamnaa Quraanka?. Q:2aad.
  4. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q: 17aad
  5. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?(Q; 3,4,5,6).

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q: 20aad.
  2. Sideen u fahamnaa Qur’anka Q: 19aad
  3. Sideen u Fahamnaa Quraanka?. Q:2aad.
  4. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q: 17aad
  5. Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?(Q; 3,4,5,6).

Latest Headlines