Jaamacadda Carabta oo taareegtay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee DKMG ah

Published on October 19, 2010 by   ·   2 Comments   ·   print

Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweysay Magacaabsita Ra’iisal Wasaaraha cusub ee DKMG ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo”kaas oo lagu badalay Ra’iisal Wasaarihii hore ee is casilay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Jaamacadda Carabta oo Bayaan Saxaafadeed ka soo saartay ayay ku sheegtay in ay garab taagan tahay Xaqiijinta yoolalka kala duwan ee lagu dhisayo Hey’aadka Xukuumadda iyadoo arintaa laga amba qaadayo heshiiskii Jabuuti.

Sidoo kale waxaa Bayaankaa lagu taageeray Magacaabista Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo”, waxayna Jaamacadda Carabtu tilmaantay in ay laga maarmaan tahay in Beesha Caalamku ay garab istaagto Ra’iisal Wasaaraha cusub si uu howlihiisa uga soo boxo.

Bayaankaa waxaa lagu cadeeday in Jaamacadda Carabtu ay garab taagan tahay DKMG ah ee Soomaaliya sidoo kalena ay caawin doonto DKMG ah sidoo hore looga bartayba .

Bayaankaa ayaa ahaa mid ay Jaamacadda Carabtu ku muujineysay taageradeeda la xidhiidha Ra’iisal Wasaaraha cusub ee DKMG ah kaa oo uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed soo magacaabay maalmo ka hor.

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. u qeybsanaha Jaamacadda Carabta Arimaha Afrika Samiir Xusni oo sheegay in ay diyaar u yihiin garab istaaga DKMG ah
  2. C/raxmaan Faroole oo soo dhaweeyey Ras’iisal Wasaaraha cusub ee DKMG ah
  3. Jaamacadda Carabta , Midowga Afrika, IGAD iyo Beesha Calaamka oo ka hadlay khilaafka ka dhex jira DKMG ah
  4. Jaamacadda Carabta oo sheegtay in ay ka qeyb galayso Shirka Turkiga ka dhaci doona
  5. Jaamacadda Carabta oo Qabanaysa Shir ku saabsan Somaila & Sacuudiga oo 18 Milyan ugu Deeqay DKMG ah.

Readers Comments (2)

  1. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    …………waa taageerid wax kale u jeed ah………………..

    urur markii horeba lagu aasaasay in lagu khiyaano muslimiinta awalba la boobay dhulkoodii iyo karaamadoodii , waxaase la yaab
    leh in dadka muslimiinta ah ama kuwa sheegt
    carabtu ay wali u daba taagan yihiin qawlaysato
    maraykan iyo yuhuud kaba leef u ah.

    haddab anigu gartaye oo ALLAAH SUBXAANAH baa
    mahad leh oo i garansiiyaye dadka kale ee
    aan cadka wadaagno ee muslimiinta ahi ma garan
    miyaa wali ?

    waxaa taageero uga baahan reer gazza iyo kuwa najaase badane natanyaahuu uu ku cadaabayo xabsiyada yuhuuda ,
    MUSLIMOOOOOOOOOOOOOW BARAAAAAAAAARUG.
    WLLAAHU ACLAM.
    binfaqiih@hotmail. com

  2. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    ……..dadqalto wax ma taageertaa wax ma taageeraan……….

    urur asaguba maata lays ah oo dooxato ah oo carabnimo khiyaano ah asalkiiba lagu amaamuday oo loogu tala galay in hagar daamo iyo khiyaanad muslimiin oo dadka muslimiinta luggooyo ku ah miyaa taageero bixin kara !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.

    waa la yaab haddii balaayo taageero laga doono
    jaamacaddaan waa dhiig nuugayaal.

    muslimoooooooooooow baraaaaaaaaaaaaarug.

    WALLAAHU ACLAM.
    binfaqiih@hotmail.com




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. u qeybsanaha Jaamacadda Carabta Arimaha Afrika Samiir Xusni oo sheegay in ay diyaar u yihiin garab istaaga DKMG ah
  2. C/raxmaan Faroole oo soo dhaweeyey Ras’iisal Wasaaraha cusub ee DKMG ah
  3. Jaamacadda Carabta , Midowga Afrika, IGAD iyo Beesha Calaamka oo ka hadlay khilaafka ka dhex jira DKMG ah
  4. Jaamacadda Carabta oo sheegtay in ay ka qeyb galayso Shirka Turkiga ka dhaci doona
  5. Jaamacadda Carabta oo Qabanaysa Shir ku saabsan Somaila & Sacuudiga oo 18 Milyan ugu Deeqay DKMG ah.

Latest Headlines