11/9/2010 – Raabidada Ardayda Soomaaliyeed ee Caalamiga ah ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ku qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay munaasabadda Ciidul fidriga ee barakaysan , Raabidadan oo metesha jamaacadda Ictisaam ayaa kulankan cinwaan uga dhigtay “Midnimaddu waa aasaaska sharafta umadda”.
Xafladdan ayaa lagu soo bandhigay barnaamijyo aad u muhiim ah oo isugu jiray doodo cilmiyeysan, kalmado wacyigelin & baraarujin ah, madadaalo , & weliba tartan aqooneed, kuwaasoo dhamaantood gun dhig looga dhigay mdinimadda umadda Soomaaliyeed.
Barnaamijka xafladda waxaa furay guddomiyaha Raabidada Ardayda Soomaaliyeed ee Caalimaga ah ee dalka Suudaan, Sh C/laahi Cali Ugaas oo soo dhaweeyay marti sharaftii ka soo qeyb gashay kulanka , uguna hambalyeeyay munaasabadda ciidda ee barakaysan, ka dibna waxaa is raacraacay kalimadahii & doodihii cilmiyeysnaa ee ku saabsanaa sida lagu gaari karo midnimadda umadda Soomaaliyeed oo ay soo jeedinayen aqoonyahanno kala duwan.
Xafaladadan ayaa waxaa khadka teleefanka uga qeyb qaatay guddomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ahna raiiska Jamaacadda Al-Ictisaam , Dr Sh Bashiir Axmed Salaad oo runtii ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay midnimadda , asigoo tilmaamay in ay muhiim tahay in umaddu ku midoowdo diinta Islaamka , gacmahanai s qabsadaan. Sidoo kale Sheekhu wuxuu aad ula dardaarmay ka soo qeybgalayaasha oo uu u sheegay in looga fadhiyo kaalin muhiim ah in ay ka qaataan badbaadinta umadda & mideynteeda .
Xafaladan oo ay ka soo qeyb qaleen qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan , sida macalimiinta jaamacadaha , ardayda , ganacsatada , culimaa udiinka & wax garadka kaleba ayaa qeyb weyn ka qaatay doodaha & barnaamijyada kale ee xafladda, waxayna si weyn ugu riyaaqeen qaabka quruxda badan ee Raabidada Ardayda Soomaaliyeed ee Caalamiga ah u soo bandhigeen barnaamijkan. Xafladdan ayaa ku soo gabogaboowday jawi deganaansho & afgarasho ku dheehan tahay.
Madaxa Raabidada
C/laahi Cali Ugaas
00249922753529

Related posts:
????? ???????? ????? ????? ?? ??????? ????? ???? ????? ?????? ??????? ????????? ?????? ????????? ??? ??????? ?? ????? ?????? ?????? ???? ?????? ?????? ?????? ????? ???? ?? ????? ??????? ???????? ???? ??? ????? ??????? ?????????? ?? ?????? ??????? ???? ???? ?????? ???????? ??????? ????????? ???? ??? ???? ??????? ?? ?????
waa arin lagu farxo in raabidadu ay soo diyaariso barnaamijkan qiimaha badan allahaa ka aablmariyo anagana naga dhigo kuwa qaata talada raabidada soomaalida ee caalamaiga ah ee ku sugan suudaan. waana raabido qayb ka ah jaamacada ictisaam oo lagu yaqaano dacwi diin ikhlaas iyo culumadii dalka soomaalida allahaa barakeeyo
Eid Mabruk,kulu sana wa’anta bi kheir. Raabidada aad baan u salamyaa, weyna ku amaanan tahey in ay umada u adeegaan guud. si gaar ah waxa aan u soo geedinayaa in ay dib u eegaan waxqabadka raabidada, doorkeeda mujtamaca dhexdiisa, hormariyaan iyagoo wax ku dhisayo tajribada dheer ee dacwada.
Allow wadnkeena dib noogu hageeji, dadkeena wanaag garansii.
Towfiiq
maashaa allaah waa Guul Horumar niyad sami Jiil Cusub oo soomaaliyeed oo aqoon iyo maskax cusub lagafilayo, balse aan ahayn Jiil ku tarbiyeysan jahli iyo jidgooyo shacab iyo isbaaro badeed,
allaah ha idinka dhigo dhalin cusub oo dalkooda diintooda iyo dadkooda uhorseeda wado uu allaah raali kayahey inshaa allaah
asc.
Somali mirror malaga guuray
waan salaamahayaa dhamaan umada soomaaliiyeed gaar ahaan reer sudan ardaydeena joogta eeqiimaha badan jamacada ictizam farceeda khartuum waxan kula dardaarmayaa
1)taqwalaah iyo inay noqdaan dadku daysho mudan
2)waa in wax la baraa dhalinta halkaa joogtaa loona aqrisyaa duruusta sharciga sida arbaciin daxaawiyada iyo usuusha islaamka
3)anaga markaan joognay ardaydii waagaa guriga daganayd waa kuwa maantay lagu nastay oo la wareegay kaalmaynta walaalahooda meesha ku haray marka waain kuwa kalana ku daydaan hamigaas
4)qaar waxaa jira jamaacada isaga jira o mabdo ooda laga yaabo inuusan salafi ahayn ama deegaan qura ka rabo ha ogaadaan masuuliyiinta xagaa inay waajib sharciya tahay in qof waliba xujada lagu oogo oo loo aqriyo siiradii salafka iyo dhaqankii ahlusunaba lagana ilaaliyo takfiirka khawaarijnimada quluwiga dabacsanaanta waxaan rabnaa waa dhalinyaro ku dhisan baynal ifraad wa tafriid
walaakiin saxafi
s/c
somalimirror malmahaan aad bey ugabisay shartedine waxbaa is dhimay qorayaasha somalimirrr.com waa ka gabiyeen eee gor ha uqadaan shabagada