Dagaal xoogan ayaa abaaro 9:30 waxa uu ka bilowday Xuduuda Gobolka Owdal iyo Dhulka Soomaaligalbeed wuxuuna dagaalkaasi u dhaxeeyaa Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Ururka ONLF .
Dagaalka ayaa ahaa mid aad u xoogan kuna baahay deegaano ka baxsan halka lagu dagaalamayay wuxuuna dagaalkaa badankiisu ka dhacay agagaarka Deegaanka Xariirad ee Gobolka Owdal.
Khasaaraha Dagaalkaa ka dhashay ayaa ah mid labada dhinac kala gaadhay ,wuxuuna Wariye ka tirsan Somalimirror oo ku sugan Dhulka Somaligalbeed sheegay in dagaalka khasaarihiisu uu yahay mid sii kordhaya una badan yahay dhanka ONLF.
Ciidamada Ururka ONLF ee dagaalku uu ku qabsaday Deegaanka Xariirad ayaa 9-kii bishan kasoo amba baxay Dalka Eritrea oo ay ku soo dhameysteen tababar waxayna 10-kii bashan soo gaadheen Xeebaha Gobolka Owdal,wuxuuna Wariyuhu sheegay in ciidankaa ayaa dooni ay ka soo raaceen Eritrea ay uga dageen halka lagu magacaabo Bula cadde oo dhaxaysa Magaalooyinka Saylac iyo Lug haya.
Ma jiraan warar madax banaan oo sheegaya khasaaraha rasmiga ah ee kala gaadhay labada dhinac ee uu dagaalku u dhaxeeyo waxaana adag sida xidhiidh halkaa looga sameyn karo isagaadhsiinta oo aan gaadhsiisaneyn halka uu dagaalku ka socdo owgeed
Warar laga helayo Deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah kana mid ah Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Deegaankaa ay u ruqaansadeen goobta dagaalku uu ka socdo si ay u xoojiyaan ciidamada Booliska Gaarka ah.
Dagaalka ayaa qaboobay casar gaabadkii maanta ,waxayna Ilo Madax banaan oo u waramay Somalimirror oo ku sugan Magaalada JIgjiga ay sheegeen in uu dagalakaa iskii u soo gaba gaboobay.

Related posts: