Xafladii Ciida ee Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Goboka Jilin-China

Published on September 12, 2010 by   ·   6 Comments   ·   print

Xaflad ku aadan munaasabadan Ciidul Fidriga 1431 oo ay sooqaban qaabiyeen Ururuka Ardayda Soomaaliyeed ee waqooyi bari China ayaa xalay ka dhacday mid kamid ah Hotelada Magaala Madaxda Changchun ee Gobolka waqooyi beri.Xafladaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxay ahayd laba munaasabadood oo iswata,oo kala ah soo dhawaynta Ardayda Cusub ee Soomaaliyeed ee gobolkan waxbarasho u soo doontay iyo sidoo kale Munaasabada Ciidul Fidriga 1431-da. Waxaa kasoo qaybgalay dhamaan Ardayda wax kabarata gobolkan,oo 90%ay bartaan Cilmiga Caafimaadka oo waxkabarta labada jaamacadood ee Gobolkan ku yaala Waa Jaamacada Jilin iyo Jaamacada Beihua oo ku taala magaalada Jilin.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Masuuliyiinta Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Gobolka Jilin marka la soo gaabiyo looyaqaan SSUJ ayaa si heer sare u soo agaasimay,ayagoo ku sooban dhigay, muxaadarooyin,iyo barnaamijyo kaladuwan oo maad iyo murtiba kujirto.Waxaa xaflada daadihinayay Madaxa Ururka Ardayda ee SSUJ Dr.Maxamed Rashaad Sh.Cali Warsame oo runtii Halmbalyo qaali ah oo ku aadna Munaasabadan Ciidul Fidriga u diray dhamaan xubnaha ururka meelkasta oo ay joogaan,hambalyo taa lamid ahna u diray dhamaan Umada Islaamka gaar ahaan Soomaalida meelkasta oo ay joogaan,Ilaahayna uga baryay in ay Ciidaan teeda kale ku gaaraan Bash bash iyo Barwaaqo. Sidoo kale waxaa kalamad kooban oo mahadnaq ah ka soojeediyay Xaflada Suldaan C/raxmaan oo ah mid kamid ah ardayda Cusub ee weliba kamid ah Ardayda Soomaaliyeed eeYurub iyo USA ka timi oo dalkan China waxbarashada u soodoontay.

Xaflada oo socotay mudo 5 saacadood ah waxay ku soo idlaatay jawei isjacayl iyo farxad leh iyo habalyo iyo salaan ay iswaydaarsanayeen dhamaan sxbada ururka katirsan iyo kuwa cusub ee hada ku hada cusub eeyimi dalka China.

Ardayda Soomaaliyeed ee Waqooyiga China

Faarax Yare oo Suugaanta Soomaalida kahaladaya

Muuqaalka Xaflada Ardayda Waqooyiga China waxkabarta

Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee Waqoyi beri China Dr.Maxamed Rashaad Sheekh



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Madoonaysaa in aad Cilmiga Caafimaadka ka barato Dalka China?
  2. Xafladii Heshiiska Ururka UWSLF & Dowlada Itoobiya oo mar kale dib u dhig lagu sameeyay
  3. Golaha isutaga Iimaamaada ee Waqooyiga Maraykanka oo Ciida ugu hambalyeeyey Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed.
  4. Markab kaluumeysi oo China laga leeyahey oo la afduubey
  5. Xafladii Saxiixa heshiiskii dhex mari lahaa Ururka UWSLF &Dowladda Itoobiya oo dib loo dhigay ilaa 21 bisha July

Readers Comments (6)

  1. nuuradiin (abuu dujaana) says:

    maashaa allaah guuleysta

  2. goldogob.gobolka-xiriir says:

    wara suldaan sxb ha igu tuman kkkkkk

  3. caabi says:

    soomalidu chinees ayay u ekaadeen markay dal waayeen waa arin laga naxa maadaama ay soomaalidu si dii qashinkii u dhoobantahay wadan kasta oo dunida ah

  4. fahad says:

    fuck u somalimirror, gormaa ayaad qaadatay shatiga dabaqoodiga ee eithiopia , wayihii hore qoralkina marka aad ka hadleeysan ogadenia waxaad dhihijirteen somali galbeed , maantana waxaad leedihiin deganka somalida eithiopia , wacela ayaa idin dhalay , gormaan noqonay eithopia , hadii aad isku dhibteen eithopia idinka oo huwan magaca somali galbed , ama al tixid ,

  5. abdulahi hashi says:

    waa xaflad cajiib ah aadna uqurux badan wadaninimana xanbaarsan maansha alah

  6. ataf says:

    masha allah waa dad dadlaalayo dowlo saasa idinku ogahay rer chine iibashaala




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Madoonaysaa in aad Cilmiga Caafimaadka ka barato Dalka China?
  2. Xafladii Heshiiska Ururka UWSLF & Dowlada Itoobiya oo mar kale dib u dhig lagu sameeyay
  3. Golaha isutaga Iimaamaada ee Waqooyiga Maraykanka oo Ciida ugu hambalyeeyey Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed.
  4. Markab kaluumeysi oo China laga leeyahey oo la afduubey
  5. Xafladii Saxiixa heshiiskii dhex mari lahaa Ururka UWSLF &Dowladda Itoobiya oo dib loo dhigay ilaa 21 bisha July

Latest Headlines