Maalintimadii shalay ahayd ayay ahayd markii ay Bulshada ku dhaqan Magaalada Jigjiga ay isku yimaadeed 6:30 Aroornimo Musalaha Weyn ee ku dhex yaala Xarunta Kililka si ay halkaa ugu wada tukadaan Salaacada Ciida Ciidul Fidriga .
Muuqaalka Dad weykaha iyo reryn reyntoodi
Dadka magaaladu waxa ay ahaayeen kuwo ku faraxsan Ciida sidoo kalena waxa ay isugu tahniyadeynayeen Ciid Mubaarak iyo erayo kale oo la mid ah taas waxaa sii dheeraa dadka oo si aad ah isku soo qurxiyay Rag ,Dumar iyo Caruurba waxayan dadku dhamaantod soo wada aadeen musalaha Ciida.
Kadib Salaadda Ciida waxa ay dadku Sadaqooyin siinayeen dadka Masaakiinta ah ee dhibaateysan waxayna taasina muujineysay in dadku ay ku sugan yihiin xili la is xasuusto ama la caawiyo dadka dhibaateysan.
Caruurta iyo da’yarta kale ee Lab iyo Dhadig ayaa ku labasinaa dhar soo jiidasho leh waxaana wajiyadooda ka muuqday reyn reyn aad u heer sareysay.
Farxadaa waxaa garab socday dadka ehelada isku ah oo is booqanayay isuguna tahniyadeynayay farxadda ciida.
Khudbadii Madaxweyneha DowladaDeegaanka Soomaalida ee Ciida
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Cabdi Muxumed Cumar waxaa xiligaa loo magacaabay mudo hadda laga joogo 3 isbuuc oo wax dhiman ,
Khudbada uu Madaxweynuhu dadka u jeediyaya waxa uu ku soo koobay qodobo dhowr ahaa oo ay ka mid ahaayeen ,is caawinta bulshada dhex deeda ah Ciidan oo Deegaanka uga duwan ciidihii kale,Masjidka Jaamacaha ah ee laga dhisi doono Magaalada Jjigjiga iyo fariiin guud oo uu u diray ONLF gaar ahaan garabka wali xabadda ridaya.
Ugu horeyn waxa uu Madaxweynuhu u tahniyadeeyay Ummadda Muslimiinta ah guud ahaan wuxuuna si gaar ah ugu sii tahniyadeeyay Bulshada Reer Soomaaligelbeed oo dhamaantood muslim ah,wuxuna Alle uga bariyay in ay caafimaad ku ciidan cidan ciideeda kalena ku gaadhaan hormar, barwaaqo iyo nabad galyo buuxda,
Waxa uu wax kal tilmaamay Cabdi Muxumed Cumar ka duwanaanshaha Ciidan iyo ciidihii kale wuxuuna tilmaamay in ciidan tahay mid xus gaar ah uleh wuxuuna ku shegay in ciidan ay si wada jir ah u wada ciideen rag ay xabad isla dhici jireen ciidan kahor waa Maamulka iyo walaalaha Ururka UWSLF iyo Garabka ONLF ee Nabadda qaatay oo ciidan tii ka horeysay ay colaad deegaanka ka jirtay hadana ay daba yaaqo sii tahay.
Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu Musalaha ka sheegay in Dowladiisu ay dhisayso Masjidka ugu weyn gobolka ayna Masjidkaa wehlin doonaan Markasyo iyo Madaaris.
Khubadii Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar “madani” uu ka jeediyay Masalaha Ciida
Dr C/raxmaan (madani) waxa uu ka mid yahay Culimada Soomaaliyeed waxayna Ciidan u ahayd ciid uga duwan kuwa kale. Taasi oo ahayd midii ugu horaysay ee uu ku ciido gobolka soomaali galbeed in ka badan 18 sano
Dr-ka ayaa hadal baraarujin iyo wacyi galin ah ka soo jeediyay Musalaha weyn ee Magaalada Jigjiga ay ku ciideysay, wuxuuna halkaa ka soo jeediyay kalamad ku saabsaneyn in la xasuusto maalinta qiyaame .
Drka ayaa hadalkiisa ku xusay in qof kasta Maalinta Qiyaame Alle uu lahadli doono isaga oon isaga iyo alle u dhaxaynin turjumaan!, lana weyn diin doono kasokow rabigiisa iyo diintiisa,iyo nabigiisa, afar su’aalood oo kala ahaa Cimrigiisa iyo wixii uu ku bixiyay ,Dhalinyaronimadiisa iyo sidii uu ugu faa’iideysatay,Xoolihiisa sidii uu ku kasbaday iyo sidii uu ku bixiyay ,Cilmigiisa iyo wixii uu kaga camal falay qof walbaana laga doonayo in uu diyaarsado su’aalahaa afarta ah jawaabahooda ka hor inta uusan dhiman.
Dr-ku waxa uu sidoo kale ka hadlay Mas’uuliyadda iyo waxa ay tahay wuxuuna ugu horeyn sheegay in Mas’uuliyaddu ay tahay takliif ee aysan ahayd is sharfid, ayna tahay mid qof walba si gaar ah u saaran, hadana dadka Maamulka iyo Madaxda ah ay saaran tahay mid ka weyn tan dadka gaar gaarka u saaran loogana baahan yahay qof walba oo masuul ah in uu noqdo mid ku xisaabtama kana war haya su’aalaha uu Alle weydiin doono Maalinta Qiyaame . loogana baahanyahay inuu dadkuu masuulka u yahay uu xuquuqdooda ugudo siduu sharciga alle u faray, una samafalo xag hadal iyo xag gacanba, rifqi iyo dabacsanaana uu kula dhaqmo, dhibka iyo mashaqadana uu ka daayo.
Wuxuu kaloo digtoorku sheegay in maamulka looga baahanyahay inuu dadka isagu soo dhaweeyo, isagoo ku cilleeyay inuu dadku lamid yahay duurjoogta oo kale umana soo dunmaan cidii aan soo dumin!
Dr-ku waxa uu ugu danbayn ku amaanay Maamulka hadda ka arimiya Deegaanka Soomaaligalbeed oo ciiidda darteed u cafiyay Maxaabiis gaadheysa 700 oo maxbuus oo ku xidhnaa Xabsiga dhexe ee Magaalada Jigjiga ,wxuuuna arintaa ku tilmaamay mid dhanka saxda ah loo qaaday wax badana ay ka tareyso wada jirka iyo isu naxariisashada Ummadda wada nool.
Soo dhaweyntii ciida ee Ururka UWSLF
Uruka UWSLF waxa ay ciidan u ahayd mid uga duwan ciidaha kale waxayna dhamaan ciidihii la soo dhaafay Ururka ahaa mid colaad iyo dagaal ku jira in kastoo uu ku suganaa Gobolka hadana si weyn ulama ciidin dadkiisa ,waxyana ciidan ahayd midi ugu horeysay ee ay Ururka,Dowladda Deegaanka iyo shacabkuba si wada jir ah u ciidaaan waxana taas lagu tilmaami karaa warqad cusub oo gobolka iyo dadka ku nool u furantay.
Masuuliyiinta Ururka ayaa bulshadooda la wadaagay farxadda iyo damaashaadka Ciida .
Wada jir ayaa looga ciiday dhamaan Gobolkada Dhulka Soomaaligalbed
Sagaalka Gobol ee uu ka kooban yahay Dhulka Soomaaligelbeed iyo 52-kiisa Degmo ayaa maalintii shalay ahayd si wada jir ah looga wada ciiday waxayna taasi muujineysaa in bulshadu ay tahay mid si wada jir ah u ciiday isuguna raacday.
Gobolada Deegaankaa ayaa kala ah:- AF dheer ,Dhagaxbuur, Fiiq,Jigjiga Godey,Liibaan,Qoraxay,Shiniile, Wardheer,
Ma jirin wax is khilaaf ah oo laga soo sheegay dhamaan goboladaa waxayna dadku dhamaantood isku raaceen maalintii shalay ahayd “Jimco” in ay tahay Maalinta koobaad ee ciidda.

Related posts:
a/c/w waa layaab in somalimirror ay u adeegto cadawga umada somaliyeed iyo kan ilaah maxaa yeelay markasta waxay noo xayeysiisaa mashaa iq ku sheegyada is dhiibay iyo dhal dhaldhaalyeda been beenta ah ee dhulka la haysto ee ogaadeeniya .
ummada tani iyo 1515…..dicaafa u ahayd.taariikhdii dheeray ee itoobiya iyo somali ma halkaasi ayay ku danbaysay.MA INAGA AYAA HADAFKEENII KA TAGNAY IMISE AYAY ISBADESHAY?
WSC
Waxaan u maleynayaa in ethiopia is beddeshay oo dhulkii somaligalbeed ay ka baxday oo la xorrooway. Maxaa rag badan simbirixay, kuna kadsoomay dhaldhalaalka aduunka. Laakin, jihaadka waa socon inshallaah.
assalaamu calaykum
ciid mubaarak
horta marka ugu horraysa magicii isticmaarku bixiyay innaga daaya ee ogaadeeniya waayo ogaadeen waa qabiil wanaagsan oo sharaf leh oo la yaqaan ee dhulka maaha.dhulku soomaali galbeedda bariga itoobiya degta buu ka dhexeeyaa ugaadeen haba ugu badnaadee.
tan kale maslaxad wanaagsan baa la helay oo ah in dacwaddii la faafin karo,dadkii kala maqnaa oo is booqan kara,maxaabiistii oo la soo daayay,waxbarashadii oo laga qaynqaadan karo dowladdii dhexe oolala xisaabtami karo,ciiddii oo fagaarayaasha lagu tukan karo,ducaaddii iyo siyaasiyiintii oo dadka la hadli kara.
markaa waxay ila tahay maslaxadda yar aan ku gaadhno maslaxadda weyn ee ha innaga dhabqinnina.
mar la waraystay guddoomiyaha ONLF wuxuu yidhi hadafkayagu waa inaanu MELLES miis soo wada fadhiisanno oo danahayaga ka wada hadallo.
inakstoon filayo hadafka soomaali galbeed inuu intaa ka fogyahay,haddana taana hallaga shaqeeyo sidii uu miis ula soo fadhiisan lahaa.
waan dheereeyee walaalayaal si fog u fakara laakiin meel dhow wax ha ka eegina,dhibka suulintiisana suu ukala daran yahay u fiiriya,caadifaddana talo ku dara, ROOMANA hal maalin lama disina ogaada.
mar labaad ciid mubaarak.
taqabbalallahu minnaa wa minkum saalixa acmaalinaa.
Waa wax lagu farxo in ummadda muslimiinta ee soomali galbeed ay diintooda shacaairteeda fagaare ku muujiyaan oo sheekh Dr.Abdirahman ibnu sheeq al callaamah Abdullaahi cumar uu khudbad halkaa ka jeediyo.Waa biseeyl diineed iyo siyaasadeed ninka leh Dr. abdiraxman waa culimo ku sheeg waxaan u maleeynaa in yahay mooryaan diiineedka cusub ee aan taariikhda gobolkaiyo tan islaamka aan war u heeyn.Dr. abdirahman waa raggii kajihaaday gobolka waxbarasho ilaa heer dr. ku soo qaatay jamacadda madiina haddana wuxuu ku jiraa jihaadka dacwada Allaha ka abaalmariyo ninka leh culimo ku sheeg Dr. sh. Abdirahman bal is sheeg aan isu kaa miisaanne adiga iyo DR. iyo sheekha ku soo qaatay Caqiidada ilaa heer doctrate.Allaahu akbar waa sannadkii afduubka .Culimadiina mooryaan diineed ayaa afduubtay!!!!!!! geesiyaasha dagaalka waa geesiyaasha nabadda Allaha la jiro culimada gobolkaa in ay badbaadiyaan isu taagay.
waryaadhaheen waxa aan idin waydiiyay shabakadii islaamiga ahayd ee somalimirror ma waxa ay isu rogtay shabakad waddi soomaali Galbeed ah oo xarunteedu tahay Jig-jiga mise shabakaddaba Heekh Ibraahim dheeraa lahaa oo waynaan ogayn, ileen waa tan intay warkii soomaaliya laashay Soomaali Galbeed uun ka hadlaysa iyo jig-jiga iyo Killilkii ka dhamaan weydaye.
Fadlan soo celiya warakiinii Caalamul Islaam iyo Soomaalidaba lahaa.
NB: anigu ma ihi Dadka mucaradsan Heshiiska Jabahadda iyo Ethopia wada galeen, laakiin waxaan aad u batay in shabakaddii isbadal weyni ku yimid oo aany warakeedu sidii hore updating u ahayn.
ws wr wb
akhuukum Xog-ogaal
sixid
NB: anigu ma ihi Dadka mucaradsan Heshiiska Jabahadda iyo Ethopia wada galeen, laakiin waxaan aad u tabay in shabakaddii isbadal weyni ku yimid oo aanay wararkeedu sidii hore updating u ahayn.
Ascw.salaanta islaamka kadib
waxaan walaalaha weebkan faalada ciida jigjiga kadhacday iyo nabda iyo hurumarka
dhaleecanhaya waxaan u sheege lahaa in ay san isku dayin in ay ceebeeyaan hadafka iyo u jeedada nabada iyo hurumarka umada ilaahay siiyey,waxay maanta haystaan dadkaasu wax ay san haysanin walaalahooda somaliyeed ee afsomaliga ku hadla.
sidaas darteed dadka kanaxsan umadaasu khayrka aygaadhay waa layaqaanaa hadalkiisuna micno masameynhayo dad xasadiin ah oo nabadiid ah oo wanaaga oo dhami iyaga xumaan layahay.
waxaan idiin shagayaa dadkaasu dabkii aad ku shideen iyo waxii aad badeen ee xumaan ahaa way katashadeen allaahbaana ku hagaajiyey dantooda.
waxaan leeyahay arintaas ninkii diidan iyo kan kanaxsanba nafta hawaayeen.(Aniin Amiin)
cid mubarak somalida reer itobiyo dhan gaar ahaan somalida reer diridhabe iyo kililka 5aad waxaan idileeyahay farxaad iyo raynrayn ku ciida
laakiin marka hore waa in ay gaalada ka xoroobaan markaas bay shacaairta slaamku soo laaban kartaa ayna garab istagaan walalahooda ku hawlan arinkaas