Maxaabiis gaadheysa 700 oo Maxbuus oo laga sii daayay Xabsiga dhexe ee Magaalada Jigjiga

Published on September 11, 2010 by   ·   6 Comments   ·   print

Xabsiga dhexe ee Magaalada Jigjiga waxaa maanta laga sii daayay 700 oo qof oo ku xidhnaa Xabsigaa waxyana sii deyntoodu ku timid cafis uu maalintii shalay ahayd ee ciida uu u fidiyay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Sawirro)

Dadka la soo daayaya ay 124 ka mid ahi Dumar ahayd tirade kalena waxa ay ahaayeen dhamaantood Rag da’ weyn iyo kuwo dhex dhexaad ah waxayna Xabsiga ku jireen mudooyin kala duwan.

Madaxweynaha ayaa saaka tagay Xabsiga Dhexe wuxuuna amray in lasii daayo Maxaabiistaa, wxuuuna sidoo kale amray in dadka u baahan cid waasta  in ay soo raad sadaand dad waasa hadhowna mas’uuliyadooda qaada.

Dadka la sii daayay ayaa laga dareemayay farxad aad u weyn waxayna qaar ka mid ah dadkaa oo Xabsiga ugu dhex waramaya Wariye ka tirsan Somalimirror ay sheegeen in ay  ku faraxsan yihiin cafiska loo fidiyay ayna ka waantoobi doonaan falalkii loo soo xidhay wixii maanta ka dambeeyana ay ka mid noqon doonaan bulshadooda.

Sanadkii hore xiligan oo kale ayay ahayd markii Xabsiga sidan oo kale looga sii Maxaabiis waxayna Maxaabiistaasu tiro ahaan ka yaraayeen kuwa hadda la siidayay.

3 bilood ka hor ayay sidan oo kale ka dhacay Xabsigaa kadib markii Madaxa Ururka UWSLF lagaga sii daayay Xabsiga dad ay tiradoodu gaadheysay 600 oo qof.

Dadka ku jira Xabsiga dhexe ee Magaalada Jigjiga ayaa ku kala eedaysan eedaymo kala duwan waxaana dadkaa qaar ka mid ah ay Xukuumaddu u haysataa in ay wada shaqeyn kala dhaxeyso Ururka ONLF oo deegaanka dagaal ka wada.

Madaxweynaha Deeganka Cabdi Muxumed Cumar oo ku dhex sugan Xabsiga

Dumarka xidhnaa oo ku sugan hoolka siideynta

Maxaabiista oo fadhiya hoolka siideynta

Muuqaalka guud ee Maxaabiista Cafiska loo fidiyay



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maxaabiis ka badan 600 oo maanta laga siidaayay xabsiga dhexe ee jigjiga
  2. 25 Maxbuus oo ku xidhnaa Xabsiga dhexe ee Boosaaso oo lagu siidaayay cafis uu u fidiyay C/raxmaan Faroole
  3. 9 maxbuus oo ka baxsatay Xabsiga dhexe magaalada Garoowe 4 Askarina dhaawacday
  4. 8 Maxbuus oo ka baxsatay xabsiga dhexe ee Boosaaso
  5. Sh. C/Raxmaan Abyad oo laga sii daayay xabsiga

Readers Comments (6)

  1. haaruun says:

    maan sha alla alla haka farxiyo madaxwaynaha madama o usidaayay maxaabis kaladuwan o u kafarxiyay malinti cidda waan uga mahad celinayaa

  2. muslim mumin says:

    waa wax wanaagsan in nabda lagashaqeeyaa Gaaladana heshiis waa lalagalikaraa sidii suubanhu CSW ulagalay ReerQureesh heshiiskii Hudeyfiya

  3. fahansane says:

    saddex bilood ka hor waxaa la sii daayey 600, hadana waxaa la sii daayey 700, waana jeelka laftiisii !!! . su’aashu waxay tahay immisa maxbuus ayaa markii hore ku jiray ??????

    su’aasha kale waxay tahay maxaa lagaga farxayaa beriba waa lasoo xidhayaaye ??? !!!!

    wallaahay meeshaa dhibaa ka jira !!!!!

  4. maxamed cumar says:

    walaalayaal waxaan ini leeyahay mucaardnimo waxba keenimayso ee umada wax la qaybsada oo soomaali ayaa u liidata qoomiyadaha itoobiya ee wax la qaybsada oo qudhunka iyo qabyaalada iska daaya wadanka waxkala soo baxa oo far isku fiiqa iska daaya cid wax inii dhibaysa ma jirto idinku is badbaadiya oo qayrkiin wax la qaybsada xabashida kilalkoodii u dira oo kililku wuu inigu filanyahay meelkale iska dhaafe dhegehii alla waaniya ayaa waansan.

  5. abdikadir mohamed adow jele says:

    run ahaaanti sida an hada ka arko sawirada dadka waxay ilatahay in ay yihin kuwi anfici laha dadkoda iyo dalkoda ilahayna waxaan ugubaryaya inuu dadka somaliyeed melkasto ay jogaan uu fahansiyo xaqa

  6. gacmadheere says:

    asc waxaa layaab leh sida somalidu dunida inteeda kale uga duwantahay xataa kuma heshiin karaan wax aad u yar qoomiyadaha kale ee itoobiya wey layaabanyihiin weyna kafaa iideysandoonaan hadaba soo lama dhihi karo somalidu waa dadka dunida uguxun?




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maxaabiis ka badan 600 oo maanta laga siidaayay xabsiga dhexe ee jigjiga
  2. 25 Maxbuus oo ku xidhnaa Xabsiga dhexe ee Boosaaso oo lagu siidaayay cafis uu u fidiyay C/raxmaan Faroole
  3. 9 maxbuus oo ka baxsatay Xabsiga dhexe magaalada Garoowe 4 Askarina dhaawacday
  4. 8 Maxbuus oo ka baxsatay xabsiga dhexe ee Boosaaso
  5. Sh. C/Raxmaan Abyad oo laga sii daayay xabsiga

Latest Headlines