Jamciyadda khayriga ah ee Alxikmah oo lagu aasaasay Wadanka Denmark sanadkii 1999,kana hirgelisay Saddex Markaz oo waaweyn magaalooyinka Muqdisho,Burco iyo Gaalkacayo, waxay hadda dadaal balaadhan ugu jirtaa guud ahaan sidii ay dadka Soomaaliyeed uga gacan qaban lahaayeen dhinacyada tayaynta waxbarashada,daryeelka dadka jilicsan sida dadka danyarta ah,waayeelka iyo agoomaha, gaar ahaan bisha Ramadaan oo Markazka dacwada iyo hanuuninta ee ibnu baaz faraciisa ceelasha biyaha uu wado dadaal loogu gurmanayo dadka jilicsan ee ku sugan goobaha loo barakacayee ceelasha biyaha.
Afurinta iyo u gargaariska dadka baahan.
Maamulka Markazku waxay ugu talo galeen bisha Ramadaan oo dhan, inay si joogto ah ugu afuriyaan faraca ceelsha biyaha dad gaaraya ilaa 300 oo qof,kuwaas oo leh kaarar joogto ah oo ay ku afuraan, waxaa kale oo jira dad tiradoodu gaarayso ilaa 50 qof oo kor socod ah, oo iyaga oo aan kaarar haysan lagu afuriyo xarunta.
Waxaa kale oo jirta in dad aad u tiro badan oo kale si joogto loogu qaybiyo hilib iyo cuntooyinka daruuriga ah oo ceedhiin,sida bariiska,saliida, galeyda.IWM, kuwaas oo dhamaantood ay bixiyaan dad muxsiniin ah oo markii ay arkeen amaanada iyo kalsoonida Masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada xarunta bilaabay inay wixii awoodooda ah ee waxtar ah ku biiriyaan ama kaga qayb qaataan u gargaarista dadka dhibaataysan.
Kobcinta iyo daryeelka aqooneed.
Maamulka Markazka dacwada iyo hanuuninta ee ibnu baaz fariiciisan ceelasha biyaha waxay kale oo munaasabadda bisha Ramadaan ugu talo galeen inay Dawro Sharci ah u qabtaan Macalimiin xul ah oo tiradoodu gaarayso 85 Macalin,kuwaas oo si joogto ah u qaadanaya duruus kala ah :-
• Asaasiyaadka islaamka.
• Ramadaanka.
• Fiqhiga dacwada.
• Idaaraynta.
• iyo Walaalnimada Islaamka.
Duruustaas waxaa si joogto ah u bixinayey 5-Macalin oo iyaguna aqoontooda u huray sidii ay mujtamacooda soomaaliyeed ugaga faaiidayn lahaayeen aqoontooda.
Kaalintan adeeg ee ay Jamciyadda khayriga ah ee Alxikmah u taagnay ilaa sannadkii 1999,ayaa ujeedada weyn ee ka danbaysaa waxay tahay sidii dadka soomaaliyeed u baran lahaayeen camaliyan,faaiidada ay leedahay in wax la wada qabsado,dadkuna ay Ilaahay isku xidhaan, iskuna tashadaan oo aysan gacan kale oo shishe wax ka sugin.

Related posts: