Wadamada Muslimka ah oo intooda badan isku raacay in Bari ay Ciid tahay

Published on September 9, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Wadamada Muslimka ah ayaa intooda badan ku dhawaaqay in maalinta bari ah ay tahay Maalinta Koobaad ee Ciidul Fidriga maantana la dhameystiro Bisha barakeysan ee Ramadaan ,waxayna wadamo badan oo ka mid ah Dunimada Muslimku sheegeen in dadka Mulimiinta ah laga doonayo in ay si wada jir ah u wadaagaan faraxadda iyo damaashaadka Ciida .

 Wadamada Carabta iyo kuwa kale ee Muslimka ah ayaa shaaciyay in bari oo Jicmo ah ay tahay Ciid isla markaana dadka laga doonayo in ay sidaa ula socdaan waxaana warkaa faafiyay Wasaaradaha Arimaha Diinta iyo Owqaafta ee Wadamada Muslimka ah.

Sidoo kale waxa ay Wasaaradahaasi xuseen in maanta oo Khamiis ah ay tahay 30ka bisha Barakeysan ee Ramadaan tirsiga bishana uu sidaa ku buuxsamay.

Dhanka kale waxa ay Wasaradahaas bulshada Mulimka ah qeybaheeda kala duwan ugu baaqeen in aysan si khaldan dadku uga faa’iideysan farxadda Ciida ee Bari ah.

Dhanka kale Wasaaradad Owqaafta iyo Arimaha Diinta ee Dalka Libiya ayaa ku dhawaaqday in maata ay tahay maalinta koowaad Ciidul Fidri.

Bayaan ay Wasaaradaasi soo saartay ayaa lagu tilmaanay in maata ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Shawaal bishii Ramadana ay ku dhamaatay 29 taas oo ka dhalatay is bad badalka ku yimaada bilaha sanadka.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maamulka Puntland oo Shaaciyay inay Bari Ciid Tahay
  2. Wadamada Carabta Qaar oo Iclaamiyay Bari inay tahay Ciidul Fidri
  3. Maamulka S/land oo Iclaamiyay inay Bari tahay Maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga
  4. Sabtida oo laga soomi doono inta badan Dunida Muslimka
  5. Warbixin: – Gobolada Soomaaliya & Wadamada Islaamka Qaarkood oo laga arkay Bilashada Bisha Shawaal (Soonfur) Sanadka 1430 H

Readers Comments (1)

  1. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    ………taqabbalaLLAAHU saalixa acmaalinaa………………..

    ……….khilaafadii ISLAAMKA ku ciida tan xigta………………

    ciiddaan ciiddeeda khilaafadii raashika ahayd ku wada ciida iyo caddaaladdii ISLAAMKA oo meel
    kadta ka talinaysa.

    WALLAAHU ACLAM.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maamulka Puntland oo Shaaciyay inay Bari Ciid Tahay
  2. Wadamada Carabta Qaar oo Iclaamiyay Bari inay tahay Ciidul Fidri
  3. Maamulka S/land oo Iclaamiyay inay Bari tahay Maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga
  4. Sabtida oo laga soomi doono inta badan Dunida Muslimka
  5. Warbixin: – Gobolada Soomaaliya & Wadamada Islaamka Qaarkood oo laga arkay Bilashada Bisha Shawaal (Soonfur) Sanadka 1430 H

Latest Headlines