Weerar xoogan oo ay xigeen dhowr qarax oo ismiidaamin ah ayaa Duhurnimadii Maanta ka dhacay garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxaana halkaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay tiro kamida Askarta AMISOM, kuwa DKMG ah iyo dad rayida.
Qof Rayida oo garoonka ku sugnaa Xiliga Weerarku dhacayey oo ay laxiriirtay Shabakada Warbaahinta Somalimirror ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay meydadka labo kamida Askarta Amisom oo go’go’ay, iyo dhaawaca tiro kale oo kamida Ciidamada Shisheeye.
sidoo kale goobjoogahaas ayaa inoo sheegay inuu arkay meydadka sedex qof oo rayid ah oo laba ay ahaayeen Haween ka dawarsan jiray albaabka garoonka midka kalana uu ahaa mid kamida Shaqaalaha shirkada Diyaaradaha african Exprise.
goobjoogahaas ayaa sidoo kale sheegay inay garoonka albaabkiisa hore gaar ahaan halka ay joogaan Ciidamada ilaalada garoonka uu ku qarxay markii hore gaari kaarib ah waxyar kadibna gaariga kale oo roneed ah ay ka soo dageen sedexnin oo kulabisan Dareyska Ciidamada DKMG kuna hubeysan hub kala ahaa Zaban, Jabshe iyo Ak47.
raga ayaa xoog kugalay Garoonka iyagoo ridaya Hubkii ay wateen waxaana lasheegay inay isku qarxiyeen markii ay rasaastu ka dhamaatay sedex goobood oo kala ahaa laba dhufeys oo ay Ciidamada ilaada goroonku galaan iyo inta u dhexeysa dhismaha Garoonka iyo Masjid yar oo halkaa ku yaal.
goobjogahaas ayaa xaqiiyey in rasaas xoogan oo ay fureen Ciidamada AMISOM weerarka kadib ay sababatay Dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah oo ka agdhawaa garoonka.
War ka soobaxay Ciidamada Amisom ayaa lagu sheegay in Weerarkaas ay ku dhinteen laba kamida Askarta Amisom ayna ku dhaawacmeen 3 kale.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas’uuliyada Weerarkaas waxayna sheegeen inuu jawaab u ahaa hadal ka sooo yeeray afhayeenka Amisom Bahuuke oo ahaa inay Ciidamadoodu joogaan garoonka iyo Dekeda Cidii wax isku heysana inay halkaa ku sugayaan.
Afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Max’ed Raage ( Sh Cali Dheere ) oo qaraxa kadib Saxaafada lahadlay ayaa sheegay inay Weerarkaasi Fuliyeen Askar si gaara u tababaran wuxuuna intaa raaciyey inuu u dhacay weerarkaas sidii loogu talagay isagoona u mahadceliyey Ragii fuliyey.
waxa uu sheegay sh Cali inay weerarkaas labeegsadeen Shir Garoonka uga socday Saraakiisha AMISOM kuwa DKMG iyo Saraakiil ka socotay QM wuxuuna intaa raaciyey in ragii fuliyey Weerarka ay Xoog ku dhaafeen labada Albaab ee garoonka mudo saacad ku dhawna ay kadagaalamayeen gudaha garoonka ayna ku laayeen tiro kamida Ciidamado iyo Saraaakiil katirsan Amisom, kuwa kale oo Ajaanib ah iyo qaar katirsan DKMG ah.
Shacabka ayuu Sh Cali Dheere ugu baaqay inay u dulqaataan Duqeymaha ay Ciidamada Amisom ku garaacaan goobaha Dadka Rayidka ah isagoona sheegay inay Amisom ka aargoosan doonaan Dhibta ay u geysatay Shacaka Soomaaliyeed.
Weerarkan waxa uu qaab ahaan u egyahayy midkii dhawaan kadhacay Hotel Muna oo ay ku dhinteen Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan DKMG.

Related posts:
Haddii aan danbaabo oo aan thani sameeyo, waxay ila tahay in shabakadda Somalimirror ay la dhacsan tahay ayaandarada halkan ka dhacday. Walaalayaalow sidee wax idinka yihiin, marmar waxaad u eg tihiin dad dhibaatada shacabka ka danqada (sida ugu ololayseen soo afjariddii ‘Jihaadkii’ ay Alitixaad ka waday Somali Galbeed), iyo ka danqashadii aad muujiseen Dagaalkii ‘Fitnadii’ Xisbul Islaam iyo Shabaab.
Waxaanse wali fahmin sababta aadan uga danqan xasuuqa shabaab ku hayo shacabka Soomaaliyeed, iyo ijaafaynta ay diinteennii suubanayd ku hayaan.
Kolay Ilaahay ayaa og wax walba…
ad ban ugu faraxsanahay qaraxyada lala begsaday amisom qabku dono ha u dhece balse waxan ka xumahay in qaraxasi ay ku geriyoden dad rayid ah oo an waxpa galapsan anyway galada alla hajabiyo islamkana ha guleyo
Oo haddii la idin yara canaanto sooma daynaysaan qoraalka.
Ogaada canaantu waa saxid…
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.
ramadan waa dhamaaday muqdisho ma qabsanin ee maxaa idinku dhacay mise shacabka ciilka aad uqabteen ayaa tusinayseen
waxan leeyahay xarakada shabaab waad ficantihiin laya gaalada wadan keena qabsaday meelkasta ku qarxiya gumaada laaya waxaad kutaagan tihiin dariiqi xaqqa ahaa somalidana waxan leeyahay hadaan xarakada la cawinahaynin kadaaya af xumada waxay wadaan waa danteena
ciid mubarag soomaalaay waan ka xumahey caruurtan yar yar ee maskaxdii laga xadey cali dheere muu is qarxiyo hadduu jannadu sheegayo sax taheykkkkkkk?cafwan jannada waa sax iyo naarbo ee waxan ka wada janadda shababku dadka ugu yeeran kkk waligiin ma maqasheen cali dheere wiilkisa is qarxiyey kkkkkk iskusoo wada duubo meeqa ku dhimatey meesha 2 ugaandho markii laga saaro ku qayaas 6 ama 8nin oo is qarxisey waxad ku darta haweenkii masakiinta ee tuugsanayey , waxad ku darta wiilkii masakinka shirkadaha duulimaadyada iyo rayid ama intii kale ee meesha ku dhimatey bal aan isku doorano 2 ugaandho an ama ugu yaraan 10 ilaa 15 soomaali ah yaa dhib qaba?maskax caafimaad qabto wey taqaan cida dhibka qabto waa shacabka soomaaliyeed bal maxey faaiiden caruurtan waalidkood laga xadey ee waalidkood xata hal maalin u tageyn waa waalidkii intan lasoo ekeysiyey waa waalidkii dhaley iyagoo ogeyn bey jihaad waxey ku sheegen oo FIDNO ah ku jiraan ilaahey hasoo hanuuniyo masakiinta maskaxda laga xadey sorry sorry sorry hooyan aheyn waan dareema hooyadii dhashey caruurtedii maskaxda laga qabsadey ee isqarxisey.