Warbixin:-Socdalkii Wafdiga Ururka UWSLF ee Gobolka Wardheer oo soo gaba gaboobay

Published on September 7, 2010 by   ·   4 Comments   ·   print

Bilowgii socdaalka Wafdiga Ururka UWSLF ee u amba baxay Gobolka Wardheer waxa uu ka bilowday Magaalada jigjiga 25-08-2010, wuxuuna micnaha safarkaasi ahaa sidii dadka Gobolkaa ku dhaqan loo soo wacyi galin lahaa looguna sharxi lahaa heshiiska uu galay Ururka UWSLF sidoo kalena loo soo ogaan lahaa xaaladda dhabta ah ee ka jirta Gobolkaa xaga waxbarasho iyo xag diineedba ,waxayna xubnaha Wafdigaasi kala ahayeen:-

1-      Sheekh Muxumed Cabdi Ibraahim ” Gadhweyne”

2-      Ugaas Maxamed Carab Xiirey

3-      Sheekh Ibraahim Barakhadle Cowl

4-      Sheekh Maxamed Xasan C/laahi “Burcaawi”

5-      Faarax Siraad Cabdi

6-      Sheekh C/salaam Faarax Cali

7-       C/casiis Cabdi Barre

8-      Wariye C/raxmaan Yare (ikhlaas).

Wafdigaasi waxa ay sii mareen inta aysan gaadhin Gobolka Wardheer Magaalooyinka ay ka midka ahaayeen Qarbir Baxay,Haarta Sheekh ,Xarshin Daroor ,waxayna xubnaha Wafdhigaasi habeen ku hakadeen Magaalada Nus Dariiq.

 

Ujeedka Socdaalka ee Wafdhiga UWSLF ee Gobolka Wardheer

Micnaha uu xambaarsanaa Safarka uu Wafdiga ka tirsan Ururka UWSLF ku tagay Gobolka Doollo ama Wardheer waxa uu qeyb ka aha geedi socodka nabadda ee uu Ururka qaatay iyo Bayaaminta Heshiiska uu Ururku la galay Dowladda Itoobiya heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray ,ogaanshaha xaaladda dawaceed ee Gobolka ,la kulmidda Maamulka Deegaanka ,Odayaal dhaqameedka , Macalimiinta Madaarista Quraanka dhigta iyo Imamyada Masaajidda.

Ujeedka socdaalkaa waxaa sidoo kale ka mid ahayd sidii loo ogaan lahaa Hormarka ka jira Deegaankaa iyo inta uu gaadhsiisan yahay ,u kuur galidda caqbadaha ka jira dhanka Caafimaadka Warbarashada iyo Adeega Bulshada “Teleefanada ,IWM”

Kulankii Nus Dariiq ku dhexmay Wadhiga UWSLF ,Odayaasha Dhaqanka & Dadka Deegaanka

Maalin iyo habeen kadib ayay ahayd markii uu Wafdhigu gaadhay Magaalada Nus Dariiq oo ah magaalo kala badha Deeegaano kala duwan oo ka tirsan Dhulka Somaligalbeed iyo Dalka Soomaaliya .

Salaadii duhur ee 26-08-2010 ayay ahayd markii uu Sheekh Maxamed Xasan Masjidka dhanka Bari ee Magaalada uu ka jeediyay kalmad wacyi galin ah ,wuxuuna xiligaa Bulshada ku booriyay cabsidda Alle SW ,is fariddaWanaagga iyo iska reebidda Xumanta ,Walaaltimimada iyo micnaha ay xabaarsan tahay iyo Diintu waxa ay ka tidhi Walaaltimimada iyo wada noolaanshaha, acmaasha la iska doonayo inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadan.

Salaadii Casar kadib ayay ahayd markii uu Wafdhiga Fagaaraha Magaalada ku dhex yaala kala hadlay dadweynaha ku dhaqan Nus Dariiq qeybahooda kala duwan,waxayna Xubnaha Wafdigu ugu horeyn Bulshada u jeediyeen Muxarado gaaban oo uu soo jeediyay Sheekh Maxamed Xasan oo uu uga hadlayay Walaaltinimada iyo sida ay Bulshadu isku kaashan karto iyo wada noolaanshaheeda.

Kadib muxaarada waxaa fagaaraha Magaalada oo ay isugu yimaadeen dadweynaha  ka hadlay Ugaas Maxamed Carab Xiirey oo sharxay Siyaaradda uu qaatay Ururka UWSLF iyo heerarkii kala duwanaa ee uu Ururku soo maray ,wuxuuna tilmaamay in Ururka horey loo dhihi jiray Al Itixaad balse sanadii 1999 magacaa lagu badalay Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaligalbeed wuxuna Magacaasi ka dhashay isku imaatinka 3 jabhadood oo Gobolka ka dagaalamayay oo kala ahaa WSLF ,Al Itixaad ,Somali Abbow sanadkaa wixii ka dambeeyayna waxaa sidaa ku midoobay 3-daa Jabhadood oo qaatay magaca UWSLF,Sheekh Maxamed Carab waxa uu sheegay in Gobolka ay dagaan dad  kala Qabaa’il duwan sidaa darteedna  Magacaa loo qaatay dadtii ku soo galay Dagaalkii ay Jabhaddu xiligaa ku jirtay.

Intaa kadib waxaa hadalka qaatay Sheekh Muxumed Gadhweyne iyo Sheekh Ibraahim Barakhadle Cowl ka hadleen arimaha Dawacada waxayna labada Sheekhiba xuseen in Magaalada Nus Dariiq ay ka maqan yihiin ku dhawaad 18 sano xiligaana ay Magaalada uga baxeen colaad balse hadda uu Alle iyagoo nabad qaba dib ugu soo celiyay Magaaladii ay mudadaa ka maqnaayeen.

2 Sheekh waxa ay xuseen in magaaladu ay xiligii ugu dambeysay ay ka wanaagsaneyd xag nololeed iyo xag dhaqaalaba wakhti xadarkan ,waxayna tilmaameen in dib u dhacaasi uu yahay mid ka dhashay colaada Deeganka saameysay.

Sidoo kale waxaa kulankaa ka hadlay qaar ka mid ah Odayaasha Deegaanka waxayna dhankooda sheegeen in ay soo dhaweynayaan Wafdiga soo gaadhay ayana ku faraxsan yihiin imatinka ay yimaadeen Nus Dariiq ,sidoo kale Odayashu waxa ay sheegeen in ay si weyn u garab taagan yihiin talaabada uu qaatay Ururka UWSLF ,waxayna xuseen in arintaasi ay wax badan ka badashay Deegaanka.

Wafdigaasi waxa uu  habeen u hoday Magaalada Nus dariiq waxayna taasi ka dambeysay kadib codsi uga yimid Odayaasha Dhaqanka oo sheegay in aan fursad la isku heleyn inta ka horeysa afurka .

Kulanka ay wada qaateen odayaasha iyo Wafdiga waxa looga arinsaday xaaladda ka jirta Magaalada iyo duruufaha ka jira ama heysta dadka Deegaanka ku dhaqan,waxayna Odayaashu sheegeen in Magaalada ay ku yaalana labo Masjid oo lagu tukado iyo dhowr Dugsi quraan sidoo kalena ay Magaaladu leedahay Iskuul ku eg Fasalka 4-aad ee Dugsiga Hoose,Odayaashu waxa ay sheegeen in dadka Deegaanku ay ahaayeen Xoola dhaqato Xoolihiina ay ku dhamaadeen abaarihii jiray dadkuna ay yihiin ceydh waxa ay ku nool yihiina ay tahay gar gaarka ay soo gaadhsiiso Hey’adda WFP balse aysan lahayn beero ay abuurtaan,biyo la’aan baahsanna ay deegaanka ka jirto xiliyada qaaar.

 Gaadhitaankii Wardhiga ee Gobolka Wardheer

 Gobolka Wardheer.

 Gobolka waxa uu dhacaa Bariga dhulka Somaligalbeed wuxuuna dhanka Galbeed Xuduud kala leeyahay Gobolada Dhagaxbuur ,Qorxey, dhanka Waqooyi Gobolka Togdheer ee Soomaalyia, dhanka Bari waxa uu xuduud kala wadaagaa Gobolada Sool,Mudug iyo Galgaduud,waxayna dadka dagan yihiin dad ka soo kala jeeda dadwoyga  Goboladaa daga .

Gobolka wax soo saarkiisa ugu muhiimsan ganacsiga uu la wadaago Goboladaa la dariska ah sidoo kale isha wax soo saar ee uu Gobolku leeyahayi waa Xoolaha nool qeybahooda kala duwan.

Malaha gobolka wax soo saar dhanka Beeraha ah waxana jira Beeraley bilow ah oo bilaabay beeridda Khudradda iyo Geed midhoodyo waxayna taasi tahay talaabo bilow ah oo wali aan si wanaagsan u ahna qaadin.

Gobolka Wardheer waxa uu ka kooban yahay 4 Dagmo iyo in ka badan  200 Tuulo oo kala hoos taga -ta4 Degmo ee Gobolka ayaa  kala ah Wardheer, Danood,Galaadi iyo Bookh.

 

Kulankii Dhex maray Dadka Deegaanka Degmada Danood & Wafdiga UWSLF

 Magaalada Danood waxa ay Waqooyi galbeed ka xigtaa Magaalada Wardheer ee caasimadda u ah Gobolkaa.

Wafdigu waxa ay magaalada soo gaadheen Duhurnimadii 27-08-2010 waxayna magaalada kula kulmeen dadka Deegaanka oo isugu yimid isku soo bax abaabulnaa oo uu maamulku horey u sii diyaariyay waxaana halkaa dadka kulan hadlay xubnaha Wafdiga, ugu horeyna waxaa halkaa kalmad baraarujin ah ka soo jeediyay Sheekh Maxamed Xasan wuxuuna dadka xusuusiyay cabsida  Alle ,Salaada iyo Cibaadada Alle.

Intaa ka dib waxaa hadalka qaatay Ugaas Maxamed Carab Xiirey wuxuuna dadka u sharxay Siyaasadda uu Ururku qaatay iyo ujeedka ay u yimaadeen Danood in ay tahay sidii ay dadka Deegaanka ula wadaagi lahaayeen nabada sidoo kalena ay u ogaan lahaayeen xaaladooda ,intaa kadib waxa uu Sheekhu tilmaamay in deegaanka ay tahay markii ugu horeysay ee uu yimaado balse aysan noqon doonin markii ugu dambeysay.

waxaa kulankaa hadalo koob kooban ka soo jeediyay  Sheekh Muxumed Gadhweyne iyo Sheekh Ibraahim Barkhadle Cowl waxayna sheegeen in waxa ay u yimaadeen ay tahay in ay dadkooda wax la qabaan sidoo kalena ay ogaadaan xaaladda ay ku nool yihiin dadka deegaanka kadib 18 sano oo ay dagaal iyo colaad ku jireen ,waxayna xuseen in xaaladda ay tahay mid aad u hooseysa balse Ilaahay idankii wax badan ay is badali doonaan xaaladda adag ee lagu jirana laga bixi doono ,waxayna dadka u sheegeen in waxa dhibaatada lagaga bixi karaa ay tahay cabsida Alle iyo Bulshada oo la timaada iskaashi ,wada noolaansho,wax wada qabsi iyo is aaminaad.

 Gaadhitaankii Wafdiga ee Magaalada Wardheer

 Galabnimadii 27-08-2010 ayay ahayd markii uu Wafdhigu gaadhay Casimadda Gobolka Wardheer ee Wardheer,wafdhiga waxaa la dajiyay Gurga Martida ee Magaalada waxaana halkaa ku soo booqday qaar ka mid ah Maamulka Degmada Wardheer iyo kan Gobolkaba ,sidoo kale waxaa wafdiga soo booqday Taliyaha Ciidanka Boliska ee Gobolka.

 Kulankii Balaadhnaa ee dhex maray Dadka Magaalada War dheer & Wafdiga

 29-08-2010 waxa ay ahayd markii ay kulan balaadhan isugu yimaadeen dadka ku dhaqan magaalada Wardheer si ay u dhageystaan hadalo ay dadka u jeedinayeen Wafdiga ka socday Ururka UWSLF ,wuxuna isku soo baxaaasi ka dhacay Hoolka Shirarka ee Magaalada Wardheer.

Ugu horeyn waxaa hadalka halkaa ka bilaabay Gudoomiyaha Magaalada Wardheer wuxuuna hadal kooban kadib u kala baxay Wafdhiga iyo dadka Reer Wardheer.

Wafdiga waxa hadalka u bilaabay Sheekh Maxamed Xasan oo halkaa ka jeediyay kalmad baraarujin ahayd oo uu kula  hadlayay dadka Magaalada kadib waxa uu Sheekhu si gaar ah ula hadlay Dumarka wuxuuna u sheegay in Xijaabku uu yahay dhar Alle ku waajib yeelay Dumarka Muslimaadka ah loogana baahan yahay in waxa ay Diintu amartay ay fuliyaan sidoo kalena ay ku dadaalaan is asturtka iyo xishoodka wuxuuna dhanka kale Sheekhu baraarujin guud u sameeyay da’yarta soo koreysa wuxuuna ku booriyay in ay ku dadaalaan Barahada Diinta Islaamka .

Inta kadib waxaa hadalka qaatay Sheekh Ibraahim Barkhadle oo dadweynaha u sharxay Heshiiska ay la galeen Dowladda Itoobiya waxa uu yahay ama uu ka dhigan yahay ,sidoo kale waxa uu Sheekhu bidhaamyay taariikhdii dheereyd ee uu soo maray Ururku intii uu dagaalka ku jiray iyo heshiiyadii aan midha dhalka noqon ee horey u soo dhex maray Ururka iyo Dowladda Itoobiya, Sheekhu waxa uu bulshada xusuusiyay in talaabada ay qaateen ay tahay mid wax ka badaleysa Deegaanka guud ahaantii wixii hadda ka dambeeyana aan la isku heysan doonin Urur iyo wixii la mid ah balse qofkii dambe shaqsi ah gala uu yahay mid isaga ku gaar ah.

Sheekh Ibraahim waxa uu sidoo kale dadka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan wixii ay ku jirto Danta Diinta ,Dalka iyo dadka Bulshaduna ka shaqeyso is garabsi iyo si caawin, waxa uu dhanka kale xusay in Gobolku oo mudo badan ku soo jiray Colaad taasina ay dhaxalsiisay in Gobolku uu noqdo mid ku saamooba dagaalka ka jiray Deegaanka guud ahaantii.

Isku soo baxaas waxaa sidoo kale laga soo jeediyay hadalo kala duwan iyo gabayo lagu taageeryay heshiiska uu Ururka UWSLF la galay Dowladda Itoobiya iyo hanaanka uu ku saleeyay arintaa.

Kulankaa oo dheeraa waxaa soo xidhay Sheekh Muxumed Cabdi Ibraahim wuxuuna dadka isku yimid fadhiga u sheegay in markii hore ay dadku reer Wardheer ka diideen in ay ku soo biiraan Dagaalkii uu ku jiray Ururku balse hadda waxa uu ka doonayaa ay tahay in ay dhamaantood oo wada jiraa ay ku garab galaan ka shaqeynta Nabadda iyo Hormarka Dalka , Barashada Diinta Islaamka iyo Dhisidda Madaaris Diini ah.

Sheekh Muxumed ayaa ugu dambeyntii hadalkiisa ku soo xidhay Duco balaadhan uu u jeediyay guud ahaan bulshada ku dhaqan Deegaanka wuxuuna si gaar ah ugu sii duceeyay Bulshada ku dhaqan Magaalada .

Kulankii Wafdiga iyo Waxgaradka Magaalada Wardheer

Kadib markii uu soo gaba gaboobay kulankii ay wada qaateen Wafdiga iyo Bulshada waxaa si gooni ah kulan kaa ka dugan u yeeshay Wax garadka ,Sulaamdada iyo Odayaal dhaqamaeedka ku sugan Magaalada waxayna Wafiga iyo iyagu kawda hadleen qaabka looga wada shaqeyn karo Nabad ku soo dabaalidda Gobolka Doollo.

Kulanka ayay labada dhinac isku waydaarsadeen xog ku saabsan qaabka loo wajihi doono wacyi galinta bulshada ,dhanka Odayaasha waxa ay soo bandhigeen in mudo badan ay ku howlanaayeen sidii ay dadka uga dhaadhicin lahayeen nabadda iyo waxaa ay tahay balse arintaasi si wanaagsan uguma suura galin dadaalkoodiina ma uusan dhicisoobin,sidoo kale waxa ay odayaashu sheegeen in dhibaatooyin badan uu deegaanku soo maray colaaduna ay ahayd tii ugu dhibka badneyd ee uu gobolku soo maro.

Dhanka UWSLF waxa ay Odaayasha u sheegeen in wixii hadda ka dambeeya talaabada ay qaadan doonaani ay tahay sidii ay Deegaanka ugu saari lahaayeen dhibaatooyinka ka jira oo ay ugu horeyso Fidinta Diinta Islaamka iyo dhisidda Madaaris lagu barto Diinta Islaamka.

Kulanka waxa ay labada dhinac ku lafa gureen arimo badan oo ay Odayaashu xog ogaal  u ahaayeen lana doonayay in wax badan laga wada hadlo si la isula meel dhigo waxaana arimahaa ka mid ahaa in Deegaanka loo dhameystiro adeegga asaasiga ah sida Caafimaadka ,Igaadhsiinta iyo adeegyada kale ee lagama maar maanka ah.

Kulankii Culimada iyo Wafdiga

Kulanka ay wada qaateen Culimada iyo Wafdiga waxa uu ka dhacay Guriga Martida oo xiligaa ay daganaayeen Wafdiga ,waxayna Culimada Wafdiga la kulantayi ahayd Culimadii horey u sii joogi jiray Magaalada ee lagu yaqaanay.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa ka mid ahaa arimaha dawacada iyo halka ay wax u marayan Culimadii sii joogtay caqabada heysta ama ay la soo kulmeen

Culimadu waxa ay dhankooda tilmaameen in wax badan dadka lagu dhibaateyn jiray Magaca Al itixaad dadkuna uu dhibkaa siyaabo kala duwan u saameyn jiray.

Kulanka ayaa la iskula meel dhigay in la dar dar galiyo Arimaha Dacwada iyo baraarujinta Bulshada qeybaheeda kala duwan waxaa sidoo kale kulanka lagu soo hadal qaaday waxyaabaha muhiimka ah ee sahli kara in laga gudbo caqabadaha jira.

Dhanka Wafdiga waxa ay sheegeen in aysan xog badan ka heyn dacwada ka jirta Deegaanka basle wixii hadda ka dambeeya ay wax ku dhisi doonan Warbixinta ay siiyeen Culimadu.

Wafdiga ayaa Kutub Quraan ah u qeybiyay Masaajidka Magaalada waxayna sido kale kulan gaar ah la qaateen Imamyada Masaajida.

Booqashadii Wafdiga ee Degmada Galaadi & la kulankii Maamulka & Dadka Deegaanka

Degmada Galaadi waxa ay ka mid tahay Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Wardheer ,waxayna Degmadani ku taalaa bariga Wardheer Masaafo dhan 120 KM, Magaaladu ma lahan soo saar dhanka Beeraha ah balse waxa ay leedahay ganacsi firfircoon oo ay la wadeegto Puntland iyo Xoolaha Nool.

Wafdiga markii ay soo gadheen magaalada waxaa la dajiyay Guriga Martida waxaana halkaa ku soo boogday Maamulka Degmada qeybihiisa kala duwan, xiliga oo casar gaabad ahaa awgii waxa ay Maamulka iyo Wafdigu isla qaateen in afurka kadib la is arko.

Afurkii kadib waxa kulan wada qaatay Wafdiga iyo Mamaulka Magaalada wuxuuna maamulku sheegay in ay ku faraxan yihiin wafdiga soo gaashay ayna ahaayeen kuwo ka war hayeen safarkooda ,waxayna tilmaameen in wax badan ay ku rajo weynaayeen in la kulmaan Wafdi sidan oo kale ah.

Wafdiga ayaa subaxnimadii dadka kula hadlay Hoolka Shirarka ee Magaalada waxayan u sheegeen in wax badan ay Bulshado ka war heyso halka uu marayo Heshiiskii ay wada gaadheen iyaga iyo Dowladda Itoobiya waxa ay yimadeena ay ugu muhiimsan tahay sidii ay dadka Deegaanka u tusi lahaayeen talaabada ay qaateen iyo sida ay tahay.

Kulanka ay wada qaaten dadka Deegaanka Galaadi iyo Wafdiga waxa uu ahaa mid ay dadku ku taageerayeen Ururka iyo wadada uu qaatay waxayna sheegeen in arintaasi ay keeneyso in dadku ay cabsi la’an noolaadaan dhanka kalena ay arintaasi horseedayso in bulshadu ay is dhex gasho waxna wada qabasto.

Kulankaa waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyay qaar ka mid ah Odayaashada dhaqanka waxayna hadalkooda ku tilmaameen in wax badan ay cabsi ku nooleyeen sidoo kalena ay qarsaneyeen hadalka basle hadda ay naftii dib ugu soo noqotay.

Booqashadii Wafdiga ee Magaalada Bookh & la kulankii Maamulka

Maalin kadib markii uu Wafdigu gaadhay Galaadi ayay ahayd markii uu uga sii gudbay Degmada Bookh oo ka tirsan isla gobolka ,waxaana halkaa ku qaabilay Maamulka Degmada qeybihiisa kala duwan.

Maamulka iyo Wafdigu waxa ay isa siiyeen xog wareysi dheer kadib kulan ay ku wada qaateen Hotelka Afrika ,waxayna labada dhinac isla lafa gureen waxyaabaha Demgada ka jira dhanka Nabad galyada iyo dhanka hormarka iyo baahiyada taagan.

Wafdiga ayaysan u suura galin in ay la kulmaan Dadweynaha ku dhaqan Magaalada wuxuuna kulankaasi ku koobmay oo kaliya Maamulka iyo Wafdiga.

Booqashadii Wafdiga ee Tuulooyinka Qoriile &Yucub

Wafdiga ayaa sidoo kale booqashooyin ku tagay tuulooyinka Qoriile iyo Yucub oo ka kala tiran Degmooyinka Wardheer iyo Danood ,waxayna Wafdi hadal u jeediyeen dadka ku dhaqan Tuulada Qoriile waxaana halkaa kula hadlay qaar ka mid ah Xubnaha Wafdiga ,waxayna dad weynaha u sheegen in waxa ay u yimaadeen ay tahay sidii ay dadka u baaraarujin lahaayeen sidoo kalena ay u darsi lahaayeen xaalada ay ku sugan yihiin.

Wafdiga ayaa dadka Deegaanka kala hadlay arimo ah ka mid ahayeen taabo galinta nabadda iyo hormarka ,kormeeridda xaalada nololeed ee Deegaanka.

Sidoo kale Wafdigu waxa uu booqday Tuulada Yucub oo ka tirsan Degmada Wardheer waxayna Wafdigu halkaa ku sugnaayeen dhowr saacadood oo kormeer ah waxyana dib ugu laabteen xiligaa kadib Magaalada Wardheer oo ay markii hore ka soo safreen.

Wafdigu waxa uu kormeer ku tagay Iskuulka Magaalada iyo Xarunta Xanaanada Xoolaha ee Magaalada Yucub.

Booqashadii Wafdiga ee Degmada Gaashaamo

Degmada Gaashaamo waxa ay ka tirsan tahay Gobolka Dhagax Buur ee Dhulka Somaligalbeed,waxayna Wafdigu u soo mareen halkaa sidii ay u ogaan lahaayeen xaalada Degmadaa ay ku sugan tahay ayna u soo wacyi galin lahayeen bulshada halkaaa ku dhaqan ayna ugu faah faahin lahaayeen

Wafiga uma aysan suura galin in ay la kulmaan dadka Degmada iyo Odayaashada dhaqanka balse waxaa kaliya u suura galay in ay la kulmaan Maamulka qeybihiisa kala duwan ,waxayna maamulka iyo Wafdigu ku kulmeen Xarunta maamulka Degmada.

Maamulka Degmada ayaan dhankiisa uga warbixiyay Xaalada Degmada iyo adeegyada ka jira iyo sidoo kale caqabada guud ee Degmada ka jira ,waxaana sidaa oo kale Warbixin dhanka kale Maamulka siiyay Wafdiga UWSLF oo uga warbixiyay ujeedada socdaalkooda

Maamulka ayaa dhanka kale sheegay in Ururka intii uu dagaalka ku jiray uu marar badan isku dhac dhex maray balse Alle mahadii ay maanta wada fadhiyaan dadkii is dilayay ayna ka wada hadlayaan ,Danta Diintooda,Dadkooda iyo tan Dalkooda ,ayna iska dhex saareen mugdigii ku kala dhex jiray mudadaa.

Gaba gabadii Safarka Wafdiga iyo dib ugu laabashadii Magaalada Jigjiga

Wafdiga ayaa si rasmi ah u soo gaba gabeeyay Safarkiisa 3-09-2010 xiligaa oo ahayd markii ay dib ugu laabteen Magaalada Jijjiga oo ay markii hore ka soo socdaaleen wuxuuna safarkaasi qaatay 9 Maalmood oo xidhiidh ah.

Wafdiga waxyabaha u soo qabsoomay waxaa laga sheegi karaa in ay ka mid ahaayeen ogaaanshada xaaladda dhabta ah ee Gobolka ka jirta kala war qaadashada Maamulka Dadka deegaanka iyo Odayaal dhaqameedka, ogaanshada xaalada Dacwadeed ee Gobolka ka jira , dhibaatooyinka guud ee Gobolka haysata , homarka ka jira iyo inta uu gaadhsiisan yahay dhinacyada waxbarashada iyo Caafimaadka.

 

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Faah Faahin Shirkii heshiiska Ururka UWSLF & Dowladda Itoobiya oo soo gaba gaboobay
  2. guddigii ururka UWSLF ee qorraxey oo Hawshoodii Gaba Gabo Marayso
  3. Wafdiga Jabhadda UWSLF oo gaadhay Magaalada Dhagax Buur
  4. Safarkii Culimada ee Gobolada Godey & Af dheer oo soo gaba gaboobay
  5. Gudoomiyaha Ururka UWSLF oo M. Jigjiga ku qaabilay Wafdi ay ka socday Gobolada Liibaan & Shiniile

Readers Comments (4)

  1. daahir says:

    asc hanbalyo hanbalyo hanbalyo waxaan uhan bal yaynayaa walaalaha uwslf ee utaagan in ay ogaadeen xaalada shacab koo rafaad san wax na laqayb sadaan umadooda waxaan caday haynaa anoog ah qurba joog ta reesoomaaligalbeed in aan lagara taagannhay naf iyo maal ba waxaana leena hay saas ugu shaqeeya shabakiina asc

  2. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    …………….booqashadii lagu khasaaray………………….

    mar haday jihaadkii ka tageen waa khasaareen.

    WALLAAHU ACLAM.

  3. Hassan says:

    ASC
    Alla ayaa mahad u sugnaatay
    waxaa kale oo aan hanbalyo u dirayaa
    culumada booqatey dhulkaas mudada dheer
    dadkiisu rafaadsanaa una baahnaa dad
    wax la qabta
    Fiiro Gaar ah:
    Waxaad saxdaan Ereyga Dacwada oo marar badan
    ka dhigteen Dawacada

    sida khayrku ku jiro allaha ina waafajiyo

  4. Runsheege naseexeeye says:

    A/c
    waxaan qabaa in arintaan aad iyo aad u fiican tahay
    Dacwiyan waa ay u fiican tahay jihaad waa halkiisa illaa iyo qiyaama saaca ayuu furan ahay waqti ka sii munaasabsan yaan la wadi karaa laakiin hadda uwslf go aan ka ay qaateen waa ku saxsan yihiin waxaana ku dhismaya dad iyo diin deeq badan oo dagaalafii dheeraa ay la degeen haddii la helo dad ka saxan caqiidada iyo manhajka wax kastaba waa ay fududaan karaan .
    waxaan shaki ku jirin in gaalo qiyaamo wado laakiin in ayada la qiyaami karo ayaan qabaa hadii ikhlaas uu jiro oo aan manasibdoon la ahayn taasaana ku boorin lahaa madaxda go aanka wanaagsan qaadatay
    w//w/w/w




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Faah Faahin Shirkii heshiiska Ururka UWSLF & Dowladda Itoobiya oo soo gaba gaboobay
  2. guddigii ururka UWSLF ee qorraxey oo Hawshoodii Gaba Gabo Marayso
  3. Wafdiga Jabhadda UWSLF oo gaadhay Magaalada Dhagax Buur
  4. Safarkii Culimada ee Gobolada Godey & Af dheer oo soo gaba gaboobay
  5. Gudoomiyaha Ururka UWSLF oo M. Jigjiga ku qaabilay Wafdi ay ka socday Gobolada Liibaan & Shiniile

Latest Headlines