Ugu yaraan 8 qof oo rayid u badan ayaa ku dhintay 20 kalane wey ku dhaawacmeen qarax xoogan oo shalay galinkii dambe wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho ku haleelay labo gaari oo BL ah kuwaas oo ay saaraayeen dad Shacab ah.
Qaraxa ayaa ka dhacay god ka qodnaa inta u dhexeysa Kuliyada Jaale Siyaad iyo isgoyska Ex-control Afgooye gaar ahaan agagaarka haanta dheer.
Gaari Mini bas ah iyo mid kale oo Koostar ah oo u kala socday Xoosh iyo Ceelasha ayey qasaaraha ugu badan ka soo gaartay qaraxa dhimasho iyo dhaawac ayeyna noqdeen inta badan dadkii saarnaa.
Saraakiil u hadashay DKMG ah ayaa cambaareysay qaraxa waxayna sheegeen inay kujireen dadka ku dhintay qaar kamida shaqaalaha Dowlada oo wadada Dhisayey.
Lama oga cida kadambeysay qaraxa iyo qaabka uu u dhacay intaba.

Related posts:
KUWII WAX DUUGI JIREYBAA KU DUUGEY ALLAAHA HA CIQAABEHADEY UNAANDHO KU QARXI LAHEYD WEY SHEEGAN LAHAYEEN ; SAAS UGU AAMUSEEN XASUUQA SHACABKA RABBOW KUWAAN NA DHAAFI UMADDEY XASUUQENE RABBOW KUWAN NA DHAAFI DIINTEY KA BEEN SHEEGENE RABBOW KUWAN NA DHAAFI CARUURTII BEY MASKAXDA KA XADEENE RABOW RABBOW RABBOW FARAJ NOO FUR HADAN NAHEY SHACABKA WAAN DHIBANAHEY.
fadlan fikirkeyga sii daaya ma aqaano sabab fikirkeyga u tuurtan ma waxad rabtan kuwa hal dhinac taagera oo qaraxyada u tagbiirsado waa inaad maqashan dhanka kale ee diidan xasuuqa shacabka iyoqaraxyada.
s/c yaa rabi talow xilima ayaan maqlayaa xamar baa nabad noqotay allow usahal
qarax ka dhacay warashadaha oo ay ku dhinteen shacan u badan arday.
yaadilay? yaadhigay miinada qaraxday?
yaa laweydiinaa dhibaatada soo gaarat shacabka?
su aalahasoo dhan waxay imaan lahaayeen hadii uu jiro xukun ama maxkamad. laakin cid wax laweydiinaya maadaama aysin jirin Aaaqiranna ay dadka u faham sanyihiin in aysan dhoween waa sidaad rabto u dhqan cidaad rabtana dil kolleyba aduun cidi kuma weydiin doontee, Aqqrina goorba ma dhowa waqtiga la gaarayee.
micnaha ku qarsan dhibaatada shacabka ayaan sidaa ku qiyaasay.
Inta aan ka war qabo qaraxani waa ugu yaraan kii 7 aad ee ka dhaca isla meesha lafteeda, caddaalad ma tahay in la yiraahdo “Lama oga cida kadambeysay qaraxa iyo qaabka uu u dhacay intaba” ? waligoodba halkaas dadku waxay ku mari jireen wel-wel iyo walbahaar!
Dilka dadku maaha wax cusub oo wuxuu u dhacaa siyaabo kala duwan, laakiin tani waxay kaga duwan tahay in dadka geystay ay ku socdaan “ilhaamin diineed”, isla markaana ay u haystaan in dadkaa uu dhiiggoodu haddur (mid aan laysu haysan) yahay!
Ha iga raali ahaado qofka aan shaahidin xanuunka ay leedahy in waaladi shaqo tegay gurigiisa lagusoo celiyo isagoo meyd ah!!
Ha i weydiinina sida uu noqonayo xaalka caruurtii loo shaqo tegay ee sugayey wax dabka loogu rido!