Sheekh Xasan Daahir oo Shir jaraa’id ku qabtay Mudisho & Ciidamo laga dilay AMISOM.

Published on August 31, 2010 by   ·   11 Comments   ·   print

Sheekh Xasan Daahir Aweys gudoomiyaha Xisbul Islaam oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qodoba ay kamid ahaayeen gargaarkii ay DKMG ahi shalay dalbatay, Ciidamada Shisheeye ee Dalka ku sugan iyo arimo kale.

Sheekh Xasan oo kulabisnaa Dharka Ciidamada xiliga uusaxaafada lahadlayey ayaa dulino iyo ihaano meeshii ugu hooseysay ku tilmaamay inay dhexmaqooraneyso DKMG ah wuxuuna intaa ku daray inay soo baxday waxyaabihii ay horey uga digeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed isagoona sheegay inuu lasoo shirtagay codsi lamid ah kii C/laahi Yuusuf.

Waxa uu ugu baaqay KMG iyo hogaamiyaheeda Sheekh Shariif inay meesha isaga baxaan wuxuuna carabaabay inaysan DKMG ahi sookordhin waxtar marka laga reebo burbur iyo dhibaato hor leh sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada AMISOM ee kusgan Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay Dalka ka baxaan wuxuuna ku hanjabay hadii ay ka dhaga adeygaan baaqiisa in iyagoo naxashyo kujira dib loogu celindoono dalkooda.

Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay inay soomaaliya ka daayaan faragalinta kana dhexbaxaan arimaha Soomaalida wuxuuna ku eedeeyey inay ka shaqeeyaan marwalba dhibaatada iyo colaadinta Muslimiinta oo dhan wuxuuna tusaale u soo qaatay dalalka Ciraaq, Afqanistan iyo Soomaaliya.

Dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho ayuu ku sifeeyey inuuyahay mid lagu soo celinayo karaamada Shacabka iyo madaxbanaanida dalka iyo Diinta.

Dhinaca kale ugu yaraan 4 kamida Askarta AMISOM ayaa dhimatay 8 kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray Duqeymo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay labeegsadeen Madaxtooyada waxaana dhimashada iyo dhaawaca askartaan saxaafada u xaqiijiyey Afhayeenka Ciidanka AMISOM.

Xarakada Al-shabaab ayaa shalay sheegatay inay Madaafiicda looyaqaano Hoobiyaha ku laayeen 11 Askari oo kamida Ciidanka AMISOM.

Dhanka kale Duqeymo Xoogan oo ay geysanayaan Ciidaamada AMISOM ayaa wali kasocda Magaalada Muqdisho maanta ilaa xalayna kudhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay 20 meeyo kalana wey ku dhaawcmeen Madaafiic lagu garaacay Suuqa Bakaaraha iyo Xaafadaha kudhaw ee Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sheekh Xasan Daahir oo ka hadlay shir Odayaal ugu soo xirmay Muqdisho.
  2. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay bixintaanka ciidamada gumeysiga iyo wada hadalada Jabuuti
  3. Sheekh Xasan Daahir Aways oo Itoobiya ugu baaqay in ay fara galinta ka deyso Soomaaliya
  4. Sheekh Xasan Daahir Aways oo waraysi kooban siiyay TV-ga Al-jazeera
  5. Sheekh Xasan Daahir “Wax macno ah kuma fadhido Natiijada Codeynta Baarlamaanka Cusub ka soo baxday”.

Readers Comments (11)

  1. kaahiye says:

    Assalaamu calaykum bahda Somalimirror waad ku mahadsantihiin sida aad noogu soo gudbisaan xaqiiqda iyo akhbaarta saxda ah laakiin aad ayaad u soo koobteen Khubada sheekh sida aan ku arkay barta intenet ee Xizbiga aad ayaa loogu faahfaahiyey shirkaas iyo sawairadiisa ee bal linkiga hoose ka eega:

    http://futuuxaat.com/xizbiga/?p=1454

    http://futuuxaat.com

  2. AsSalafi says:

    haddii ay diideen heshiis wadahadal in ay la galaan muslimiinta tfg & amisom oo ku dhex jiraan askar muslimiin ah , iyo Nabi Maxamad sallahu aleyhi wasalaam ogolaaday heshiis wadahadal in uu la galo mushrikiinta qureysh. Yaa qaldan? Yaa saxsan?
    Bal haka soo jawaabaan suaashaan kuwa isku tilmaamay ”mujaahidiin baanu nahay, xaqqa ayaan ku taaganahay”.

  3. khaadimul.ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    …………sh.xasan muu ku dhawaaqo midnimo……………….

    marhaddii saaxiibkiisii shalay ee casmara iyo maxaakimtii uu saas ugu tilmaamay dullinimo sow kuma habboona inuu walaalaha shabaabka la midoobo maadaama uu shalayba eretariya uu la ahaa midow ururkii shariifka uu madaxda ka ahaa ee cilmaaniyyiintu horseedka ugu badnaayeen.

    maxaa hor taagan inuu si tawaaduca ugu bogaadiyo shabaabka intaas u soo sabraayay jihaadka inuu kalimad cad oo runtu ku dheehan tahay ka dhawaajiyo inuu walaalaha shabaabka la midoobay loona baahan yahay midow dhamaystiran dhammaan muslimiinta meelay joogaanba.

    WALLAAHU ACLAM.

  4. dahir wadani says:

    Ac salaan kadib waxaan aad unacay saxaafadda soomaaliya siiba kuwa websiteyada gaar ahaan kuwa soo bandhiga maydadka dadka ay iska laayaan kooxaha diriraya, waxaana codsan lahaa in arinkaas lajoojiyo dhamaanna la is gaarsiiiyo. sharcan haanna ma banaana hadii la yahay ummad islaama in kastoo qof dilay ruux islaama ama jecel in la dilo uu san xeerin karin inuu meyd xuquuqdi
    by dahirwadani

  5. MDAAHIR CALI says:

    wey muuqataa cidda khaldan waayo ninka xaqa wada iyo ka baadilka wadaa marna iskuma eegaan karaan waar waxa aan leeyahay anigu waxa aad doontaa isku magacaaboo haddii aad tihiin dad islaama unaxa dadka ay labaatanka sano aad wax ka dul ridaysaan haddii kale islaamnima aad sheeganaysaan baan waxba ka jirin

  6. wadaad yare says:

    Dadka soomaaliyeed dhiig joojin ayey u baahanyihiin deg deg ah. Taasna mid muuqata maahan waqtigaan xaadirkaa. Waxaana u sabab ah taladii ayaa gacanta u gashey dad wakiilo ka ah quwado shisheeye oo aysan ajendehooda ku jirin sidii soomaalida loo badbaadin lahaa. Shisheeyahaas waxaa wakiilo u ahshisheeyahaas dad maan gaab ah oo ay hageyso aragti qalloocan oo maskaxdooda lagu qabsadey iyo damac waalan oo shakhsi ah.

    Deadly cocktail( khaldah qaatilah) oo dilaa ah weeye labadaasi meeshey isku helaan.
    aydiyaloojiyad qaldan+Damac waalan.

    Labadaasiba waa kuwo ka muuqda Xasan Daahir iyo xulafadiisa da,yartaa ee askarta u ah Alqacida(naxnu junuuduka yaa Usama)!

    Sidoo kale Sh. Shariif wuxuu noqdey shabbad iyo kaar gacanta ugu jira quwado gobol iyo caalami ah. Iyagana sidoo kale ayeysan dantooda aheyn badbaadinta shacabka soomaaliyeed,laakiin badbaadinta dantooda iyo ka gaashaamashada baqdintooda ayaa uga muhimsan shacabka soomaaliyeed!

    Nasiib darrada shacabkii soomaaliyeed ku habsatey ayaa ah iney ku kor dagaalamayaan dad isku mawqif ka taagan iyaga badbaadadooda iyo baraarahooda!

    Quwadaha ajnebigaa ee talada dalka isku heysta dagaalka soomaaliya ka socda wasiilo ay danahooda ku ilaashadaan unbey u arkaan. Shacabka soomaaliyeedna xaabadii dabkaas lagu holcin lahaa. Ciidamada soomaalidaa oo labada dhinacna waa hawl fuliyeyaal ku dhex milan mashruuc iyaga ka weyn oo isteerinkiisa aysan heyn!
    Xaalad hooseysa taas ayaa la yiraahdaa!

  7. Masuul says:

    Laga Soo Bilaabo 31/08/10 ilaa 02/09/10 oo aan Commentskan Halkan Galinayo waxaa ii muuqda in Dadka Comments halkan ku Qoray ay Yahiin 2 Qof oo Kaliya , Taas Waxay Muujinaysaa in Taageerayaasha Sh. Xasan Daahir Aways ay aad u Yar yahiin , ama waxaa la Dhihi karaa Barnaamijka uu ka Hadlay ayaan Xiiso & Diido midna loo Hayn , Haddaba intuu is Qiimeeyo yuuna Sii Macno Beeline , Ha Ka Noqdo waxa uu ku jiro , oo Bidix ama Midig mid ha ku Biiro.

    Meel loogu Soo Hagaago ayaan Garan La’nahay!!!

  8. ahmed says:

    waa oday isku dhexdaatay oo jahanama shaqaysanayo
    kursiga uu raadinayo xaga ayuu uga horeeyaa
    sheedhanka ayaa u diyaariyey.

  9. alle u baahane says:

    a/c.
    Sheekh xasan daahir aweys wuxu eedaynayaa dowlada laakiin isgu isma eedayn maalintii uu kasoo dhoofay asmara sidee xaalka muqdisho ahaa? wax dagaalo ahse masocdeen? dadmu dhaawacmayey? jawaabahaas waxaan u dhaafayaa sheekh xasan daahir aweys,waxaa alxamdulilaah ah in ay joogaan culimo aad ugu xeel dheer arimaha islaamka iyo fatwada loogana dambeeyo culimadaasi ilaahay khayr hasiiyee waxay noo sheegeen waxa kasoconaya muqdisho waa xarbul fitna jihaadna ma aha mana noqon karo wax jano ah oo lagu geliyaana ma jirto muslimiin is dilaysa laakiin fatwada inamada yar yar ee afloo duubay noqonmayso jihaad,marlabaad ilaahay culimadow ha idin xifdiyo idinka wxaa idin saaran cadaynta xaqa ee idinma saarna cidii diida.

  10. maxamed cumar says:

    a/s bacda taxiya waxaan odhan lahaa kalmada jihaad labo macne ma leh yaan labamacno loo yeelin {Jihaad} waa dagaalka dhex mara gaalo iyo muslim dhinaca Muslimiinta ayaana ah mujaahidiin wixii intaas ka soo hadha waa fitan soomaaliyeey aakhiradiina ilaasha oo fitanka ha la iskaa dhaafo iyo ayaa reerhebelah w/s waraxmatullah.

  11. Abuabdala says:

    masana kuu dambaysay wax badan ayaanku difaaci jirnay maantanaa nimanka khawaarijta ah ayaad dhiioga la mukhuuranaysaa aad baan uga naxay wixii ka dhacay hotel muna markii aad tiri waa dagaal aan ku jirno gablan tala aduunay kugu khasarnay xasan daahir anoo ahaa dadka kan kuu dhow xaga hadfka maanta hadafkii aan isku ogayn waad ka leexatay




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sheekh Xasan Daahir oo ka hadlay shir Odayaal ugu soo xirmay Muqdisho.
  2. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay bixintaanka ciidamada gumeysiga iyo wada hadalada Jabuuti
  3. Sheekh Xasan Daahir Aways oo Itoobiya ugu baaqay in ay fara galinta ka deyso Soomaaliya
  4. Sheekh Xasan Daahir Aways oo waraysi kooban siiyay TV-ga Al-jazeera
  5. Sheekh Xasan Daahir “Wax macno ah kuma fadhido Natiijada Codeynta Baarlamaanka Cusub ka soo baxday”.

Latest Headlines